Close Menu
    What's Hot

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo markii saddexaad isku arkaya shir caalami ah

    Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo markii saddexaad isku arkaya shir caalami ah

    By radiohalgan.comFebruary 29, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa ku sugan raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee maanta gaaray.

    Madaxweyne Xasan waxaa garoonka diyaaradaha JKIA ee Nairobi kusoo dhaweeyay madaxweyne kuxigeenka Kenya, Rigathi Gachagua, wasiirka gaashaandhigga kenya Aadan Barre Ducaale iyo mas’uuliyiin kale.

    Madaxweyne kuxigeenka Kenya oo qoraal kooban kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa yiri, β€œKenya iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xiriir qoto dheer oo faa’iido u leh labada dal. Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweyne William Ruto, waxaa farxad inoo ah soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan magaalada Nairobi”.

    Shalay ayaa waxaa soo gaaray Nairobi ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, waxaana soo dhawayn u sameeyay madaxtooyada Kenya.

    Inkasta oo ay madaxdani ka qayb galayso shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada; haddana labadan hoggaamiye ee uu dhowaan xumaaday xiriirka u dhexeeya labadooda dal ayaa markii saddexad shir calami ah isku arkaya.

    Waxyaabaha ay labada dhinacba si gaar ah ugala wada hadlayaan Kenya, ayuu amnigu ku jiraa.

    Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay; in ka sokow ka qayb galka shirka isbaddelka cimilada uu madaxweynuhu “taaban doono caqabadaha wiiqaya nabadda, xisiloonida iyo horumarka gobolka”.

    ”Madaxweynuhu wuxuu kulan doceedyo laba geesood ah la yeelan doonaa madaxda dalalka iyo madaxda ergooyinka kale si loo xoojiyo xiriirka loona sahmiyo fursadaha wada-shaqayneed ee arrimaha deegaanka” ayaa lagu yiri war saxaaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo 28-kii September ku kulmay Addis Ababa.

    XIGASHADA SAWIRKA,X

    Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo 28-kii September ku kulmay Addis Ababa.

    Warbaahinta Kenya qaarkood ayaa qoraya in Ra’iisul Wasaare Abiy uu Madaxweyne Ruto kala hadli doono iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo dhaqaalaha inta uu ku sugan yahay dalka.

    Warbixintu waxay tilmaantay in khudbadda labada hoggaamiye ay si gaar ah diiradda u saari doonto qaabka ay Itoobiya u isticmaalayso dekedda Lamu ee Kenya.

    Iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy uu soo gabagabeynayo booqashadiisa rasmiga ah ee Kenya Khamiista, ayaa la sheegay inuu ku wajahan yahay dalka deriska la ah Kenya ee Tanzania oo uu booqasho saddex maalmood ah ku qaadan doono.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Abiy uu ku tagi doono magaalada Daaru Salaam, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Tanzania Samia Suluxu Xasan, si ay uga wadahadlaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee labada dal.

    Waxaa la filayaa in labada mas’uul ay kala saxiixdaan heshiis xoojinaya xiriirkooda hore, iyagoo ka wada hadli doona gaadiidka cirka, korontada, beeraha iyo dhinacyo kale.

    Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Abiy Axmed ayaa markii hore qorsheeyey in ay si wadajir ah saxaafadda u siiyaan war-murtiyeed.

    Si kastaba ha ahaatee, daqiiqado ka dib markii ay labada hoggaamiye galeen, ayaa wariyaashii sugayey loo sheegay in shirka jaraa’id uusan qabsoomi doonin β€œisbadal ku yimid qorshaha” awgii. Lama shaacin sababta loo beddelay qorshaha.

    Xasan Sheekh

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Qoraalka sawirka,Madaxweyne Xasan waxa uu wacad ku maray in uusan la hadli doonin Abiy ilaa uu ka laabto heshiiska

    Dawladda Soomaaliya oo aan isku daynay inaan la xiriirno si aan faahfaahin dheeraad ah u weydiinno iyo in Nairobi looga wada hadli doono khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Itoobiya ayeysan noo suurta galin.

    Madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha Itoobiya ayaa ku kulmay shirkii Rome ee 28-kii January, kaasoo looga hadlayay iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga.

    Sidoo kale, Shirka Midowga Afrika oo ka dhacayay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya 17-18-kii bishan ayay labada hoggaamiye isku arkeen.

    Hase yeeshee, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horraan ka jawaabay suurta galnimada in uu si gaar ah Abiy Axmed ugala hadlo arrimaha u dhexeeya ee khilaafka keenay.

    Madaxweynaha oo waraysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in aysan la hadli doonin Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiska is-afgarad ee dhawaan ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, kaas oo ay ka cadhootay Muqdisho.

    β€œHaddii Itoobiya ay ku adkeysato, Soomaaliya way iska caabbin doontaa, wayna diidi doontaa,” ayuu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters oo wareysi uu ku siiyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho oo ah mid ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.

    Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in kaliya uu aqbali doono in uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu wada hadal la yeelan karo kaliya marka Addis Ababa ay ka tanaasusho rabitaankeeda ay ku dooneyso dhul badeed ay Soomaaliya leedahay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.