Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

      July 28, 2025

      MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

      July 28, 2025

      Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

      July 28, 2025

      Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

      July 28, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Akhriso:- WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

      July 22, 2025

      Samatabbixiyeyaasha Congo oo gacmahooda ku qodaya si ay soo saaraan macdan qodayaal ku go’doonsan Dhulka.

      July 22, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

      July 28, 2025

      MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

      July 28, 2025

      Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

      July 28, 2025

      Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

      July 28, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Xasan Cali Kheyre oo qoraal xasaasi ah ka soo saaray xiisadda NISA iyo HORMUUD

    Xasan Cali Kheyre oo qoraal xasaasi ah ka soo saaray xiisadda NISA iyo HORMUUD

    By radiohalgan.comJanuary 15, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal xasaasi ah ka soo saaray khilaafka ka dhex qarxay hey’adda NISA iyo shirkadda Hormuud, isagoo qormadiisa ku cadeeyey in Hormuud aysan u qalmin in loo adeegsado awooda ciidamada dowladda.

    Kheyre ayaa sheegay in mudadii uu joogay xafiiska uu xog ogaal u ahaa sida Hormuud ay muhiim ugu tahay dalka, isla markaana ay tahay canshuur bixiye xaq u lahaa in la ilaaliyo badqabka ganacsiga iyo muwaadiniinta iska leh.

    Sidoo kale, Kheyre ayaa NISA ku dhaliilay sida ay awoodeeda ugu adeegsatay inay xirto xarumihii shirkadda, taas oo sida uu sheegay ugub ku ah dowladnimada Soomaaliya.

    Hoos ka akhriso qoraalka Xasan Cali Kheyre:

    Waxaan ka xumahay falalka ay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranku ku xirtay qaar ka mid ah xarumaha Shirkadda Hormuud Telecom.

    Waa arrin ugub ku ah Dowladnimada Soomaaliya in ay hay’ad dowli ahi weerar toos ah iyo mid warbaahineed ku qaaddo Shirkad Soomaaliyeed, magaca Dowladdana lagu dhibaateeyo shirkad canshuur-bixiye ah, oo Hay’adda Nabadsugidda iyo dowladdaba waajib qaran ka saaran yahay ilaalinta amnigeeda.

    Waxaan xogogaal u ahay kaalinta hoggaamineed ee Shirkadda Hormuud ka qaadatay horumarinta dhaqaalaha Dalka, samatabixinta ummadda, iyo dib-u-dhiska Dalka iyo dowladnimada Soomaaliya, oo aan si dhow uga soo wada shaqeynay muddadii aan ka mid ahaa hoggaanka Dalka.

    Hormuud waa shirkad iyo hanti Soomaaliyeed, oo lafdhabar u ah dhaqaalaha Dalka, ayna waajib nagu tahay in aan wada ilaashanno. Dhibaatada soo gaarta Hormuud waxay wax u dhimaysaa dhaqaalaha dalka.  Waxaan sidaas daraadeed ku baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo furo xarumaha Shirkadda, Hay’adaha Dowladda iyo Shirkadduna u wada shaqeeyaan si waafaqsan shuruucda Dalka, oo ay ku dheehan tahay xilkasnimo, hufnaan, daacadnimo, iyo biseyl dowladnimo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.