Raβisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Kheyre , Cumar Cabdirashiid iyoΒ xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal wadajir ah ay soo saareen ku qaadacay goβaankii xildhibaanada ku ansixiyeen wax ka bedelka afar cutub oo dastuurka katirsan.
Qoraalka ay soo saareen musharaxiintan Madaxweyne ayey ku caddeeyeen in ay qaadacsan yihiin dastuurka cusub ee la ansixiyay, waxa ayna shaaciyeen in ay aqoonsan yihiin dastuurkii hore ee KMG ahaa.
βMadaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti laβaan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hayβadaha kale ee dastuuriga ahβ ayaa lagu yiri qoraalka.
Β 

