Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Asmara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Eriteriya Isaias Afwerki.
Labada Madaxweyne ayaa kulanka ay yeesheen uga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal, Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka. Sida lagu yiri qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Isaias Afwerki dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka kooxaha Khawaarijta.
Kulanka kadib labada Madaxweyne ayaa socod ku soo maray goobaha dadweynaha ay ku nastaan, kuwaas oo ku yaala magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eriteriya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safar shaqo ugu amba-baxay shalay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa uu si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Asmara.