Xarunta dhaxalreeb oo ah xarun Cilmibaaris ayaa soo bandhigtay daraasad uu ciwaankeedu ahaa “Qalinjebiyaasha Jaamacadaha dalka 2018–2022” taas oo uu nuxurkeeda ahaa tirada guud ee qalinjebiyaasha ardayda sanadihii u dhaxeeyey 2018-2022-ka, gaar ahaan kulliyadaha tirada ardayda ka soo qalinjebisay.
Sahanka Cilmibaaristaan oo qaadatay muddo 15-toban bilood ayaa tirade guud ee sahanka waxaa qeyb ka ahaa 150-jaamacadood, oo ku yaala guud ahaan dalka, daraasadda ayaa xaruntu sheegtay in 101-kamid ah ay ka soo jaawabeem, halka 88- ay xogta soo buuxisay, 13-ka mid ah aan wali laga qalanjebin. Jaamacadahaan ayaa 10-kamid ah xirmay, halka qaar kale ay ku biireen Jaamacado
kale.
Natiijada daraasadda ayaa soo saartay tirada qalinjebiyaasha Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir, iyada oo gobalka Benaadir noqday kan ugu badan ee ay ka soo baxaan qalin jabiyaasha. Maamul gobaleedka Gamudug ayaa noqday maamulka ugu tirada yar ee khalinjabiyaasha maamullada dalka, halka maamul gobaleedka Puntland uu noqday maamulka ugu tirada badan.
Daraasaddaan oo Muqdisho lagu soo bandhigay June 13, 2024-ka ayaa sheegaysa in tirada khalinjabiyaasha shanto sano ee daraasad socotay ay tahay 101,527 oo arday kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho. Daraasadda ayaa 63% oo u dhiganta 64,386 ay yihiin Wiilal halka 37% oo u dhiganta 37,141 ay yihiin Gabdho.
Tirada guud ee qalinjabiyaasha ayaa waxa ay ka baxeen Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho, taas oo ka dhigtay gobolka Banaadir in ay ka qalin jabiyeen arday tiradooda gaareysa 79,577 arday, taas oo ka dhigan 78.3% tirada guud ee qalin jabisay.
Maamulka Puntland ayaa noqday maamulka labaad ee ka qalinjabiyaan arday shanti sano ee daraasadda ay socotay, waxaana ka qalin jabisay 16,417, maamulka Galmudug waxaa ka qalin jabisay 358 oo arday, Jubaland 1,350 arday, Hirshabeelle 1,462 arday, iyo Koofur Galbeed oo ay ka qalin jabisay 2,363 oo arday.
Dhammaan qalinjabiyaasha ayaa ka baxay 13 Kulliyadood oo kala jaad ah, tirada ugu badan waxa ay ka baxday Kulliyadda Caafimaadka, halka Kulliyadda ugu yar ee ay khalinjabiyaashu ka baxeen ay noqotay Kulliyadda Saxaafadda iyo culuumta warbaahinta.
Daraasadda ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay Cilmibaaristaan, iyada oo dhowr qodob soo jeedisay:- Waxay qeexeysaa tirada jaamacadaha dalka ka shaqeeya, goobaha ay ku yaalaan iyo da’da rasmiga ah ee jaamacaha iyo xaaladooda korriin. Siyaasadda horumarinta waxbarashada sare, qorsheynta xoogga shaqo ee dalka iyo jaangoynta kobaca- Bulsho dhaqaale ee ummadda.
Daraasaddaan, ayaa ku soo aadeysa xilli ay soo hagaageysa waxbarashada dalka ka dib dagaalladii sokeey ee ka dhacay guud ahaan dalka, waxaana muuqata ifofaallo wanaagsan oo xagga nidaamka waxbarasho ah.