Xarunta uu ku shaqeeyo Baarlamaanka Dalka ayaa laga jartay adeegga Korontada kaddib markii Shirkadda ay Maamusho Dowladdu ay ku yeelatay lacag dhan Lacag dhan marka doollar ahaan loo dhigo $1.8 Milyan oo uu Baarlamaanku iska bixin waayay.
Arrintaan oo dhalisay hadal-hayn badan ayaa sababtay in Shirkadda Korontada Ghana ee ECG loosoo gaabiyo aad loo falanqeeyo tallaabada ay ku samaysay Hay’adda Xeer Dejinta Dalkaas oo Xildhibaannadu u shaqayn waayeen koronto la’aan awgeed.
Maqnaashiyaha Korontada waxa ay hakad-gelisay dood ku saabsan khudbad uu Baarlamaanka u jeedin lahaa Madaxweynaha Dalkaas sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo Warbaahinta la wadaagay xog ku saabsan arrintaan.
Ghana waxaa ka jira dhibaatooyin dhinaca Dhaqaalaha ah, xarumaha Dowladda waa meelaha ugu badan ee lacagaha badan lagu leeyahay marka la eego adeegyada aasaasiga ah sida Korontada iyo Biyaha waana tan kordhisay dhaliilaha badan ee bannaanka yimid.
Jamhuuriyadda Ghana waxa ay dhacdaa Galbeedka Qaaradda Afrika waxaana ku nool Dad gaaraya 32.83 Milyan oo ruux sida lagu sheegay daraaddii ugu dambaysay ee lagu tira-koobay Bulshada Dalkaas ee la geliyay barta Wikipedia.