Waxaa laga helay dalka Kenya gaar ahaanna gobolka Waqooyi Bari kiisas cusub oo cudurka dabaysha ah, kaas oo ka mid ah hadda cududrrada adduunka laga dabar goynayo.
Illaa dhowr iyo toban kiis oo cudurkan faafa ah ayaa lagasoo sheegayaa deegaannada Ismaamulka Gaarisa.
Cali Amiin oo ah agaasimaha ka hortagga cudurrada faafa ee Ismaamulka Gaarisa oo BBC-da uga warramay arrinkan ayaa sheegay in ay ilaa hadda diiwaan galiyeen saddex iyo toban kiis.
“Laba iyo toban kiis waxay ka imaadeen xeryaha qaxootiga,” ayuu yiri Cali oo kusii daray “inta kalena waxay ka imaadeen magaalada Gaarisa” ee xarunta u ah ismaamulka.
Cudurro kale oo faafa ayaa gobolka soo maray sida daacuunka oo uu Cali sheegay in ay la tacaaleen hore “isla markaana Ilaahay ayaa nagu guulyeeyay, haddase waxa aan la tacalayno waa cudurka dabaysha” ayuu yiri.
Inkasta oo cudurkan laga dabar goynayo adduunka, haddana wuxuu ka jiraa meelo dhowr ah oo qaarkood Afrika ku yaalla, wuxuuna Cali Amiin sheegay in tani ay tahay tiradii ugu badnayd ee dalka Kenya laga helo.
Mar uu ka jawaabayey halka ay ka yimaadeen dadkan hadda laga helay Fayraskan faafa ayuu sheegay in ay u badan yihiin dadka soo gaaray xeryaha qaxootiga xilliyadii ugu dambeeyay, “waxay u badan yihiin dadka hadda soo galay” ayuu yiri.
Maxaa sababa cudurka dabaysha (polio)?
Dabaysha waxaa keena mid ka mid ah saddexda nooc ee fayraska dabaysha. Badanaa wuxuu ku fidaa taabashada saxarada cudurka qabta awgeed. Tani waxay badanaa ka dhalataa nadaafadda liidata sida in aanu qofku gacmaha si joogta ah u dhaqan oo kale.
Waxaa kaloo sababi kara, cunista ama cabbitaanka cunto ama biyo wasakhaysan. Waxa kale oo lagu faafin karaa marka qof cudurka qaba uu qufaco ama ku hindhiso hawada taas oo qaadaysa dadka kalena gaarsiinaysa unugyo cudurku la socdo. Kuwa qaba fayraskan waxa uu saxaradooda kasoo dhex bixi karaa dhowr toddobaad markii ay qabaan dabaysha.
Dadku aad ayay u kala qaadaan cudurkan maadaama uu fayruus yahay oo uu dabaysha raaco isla markaaba ka hor inta aanay astaamuhu bilaabmin iyo isla marka ay soo baxaanba.
Astaamaha lagu garto cudurkan
Calaamadaha cudurka dabaysha way kala duwan yihiin. Inta badan dadka uu ku dhaoc haba yaraatee ma laha calaamado muujinaya in ay qabaan cudurka. Tan waxa loo yaqaan caabuq aan muuqan. Noocyada kale ee dabaysha waxaa la kala dhahaa abortive, nonparalytic, iyo paralytic.
Kuwa soo socda waa calaamadaha ugu caansan ee dabaysha. Laakin qof walba waxa uu yeelan karaa calaamado kala duwan.
Kuwa soo socda waa calaamadaha nooca ugu caansan ee dabaysha (abortive). Laakin qof walba waxa uu yeelan karaa calaamado kala duwan kuwa kale.
Abortive
Cudurka dabaysha ee abortive waa cudur fudud oo gaaban oo leh 1 ama in ka badan oo calaamadahan hoose ah:
Qandho
Cunto-cunka oo yaraada
Lalabbo iyo/ama matag
Cune xanuun
Xasilooni darro guud
Calool istaag
Calool xanuun
Nonparalytic
Calaamadaha cudurka dabaysha ee nonparalytic waa sida abortive oo kale. Qofka cudurka qaba waxaa laga yaabaa inuu xanuun dareemo dhowr maalmood. Dabadeed, waxa laga yaabaa in uu u muuqdo qof ka soo raynaya ka hor intaanay mar kale la jiran calaamadahan:
Xanuunka muruqyada qoorta, jirriddada, gacmaha, iyo lugaha
Qallafsanaanta qoorta iyo dhinaca laf dhabarta
Paralytic
Calaamadaha lagu garto dabaysha paralytic waa sida 2da nooc ee kale. Waxaa dheer, calaamadahan hoos ku xusan oo laga yaabo in qofka lagu arko:
Daciifnimada murqaha oo dhan
Calool istaag daran
Murqaha oo luma/caato
Neefsashada oo daciifta
Dhibaato dhanka jidiinka ah/liqidda
Curyaamowga murqaha (waxaa laga yaabaa in ay tani joogto noqoto)
Dhareerin badan
Sidee loo daweeyaa cudurka dabaysha?
Cudurkani wuxuu ka mid yahay kuwa aan lahayn dawo, balse ka hortagga leh ama tallaal sass darted la tacaaliddu kolba waxay ku xirnaan doontaa calaamadahaaga, da’daada, iyo caafimaadkaaga guud. Waxay sidoo kale ku xirnaan doontaa sida ay xaaladdu u daran tahay.
Tallaalku wuxuu ka hortagi karaa dabaysha, laakiin ma jirto daawayn gaar ah oo loogu talagalay dadka uu ku dhaco. Dawooyinka lagula tacaalo cudurkan waxay diiradda saaraan yaraynta saamayntiisa iyo astaamaha. Tallaabooyinka taageerada waxaa ka mid ah:
Daawooyinka xanuunka yareeya, sida acetaminophen ama ibuprofen
Cunto caafimaad leh
Dhaqdhaqaaqa ugu yar
Xirmooyinka kulul ama suufka kululaynta ee xanuunka murqaha
Cudurkan ayaa sida aan korba kusoo xusnay laga dabar goynayaa caalamka iyada oo sannadkii tagay ay hay’adda Qaramada midoobey ee IOM ka caawinaysay dawladda Kenya sidii ay uga tallaali lahayd caruur ka badan 7 milyan guud ahaan dalka.
Gobolka woqooyi bari Kenya ayaa dad badan laga tallaalay hase yeeshee kiisaskan cusub ayaa walaac ku abuuraya gobolka iyo guud ahaan dalkaba.
Sidey Afrika uga adkaatay dabaysha?
Daawa la’aan, tallaal ayuu sameeyay 1952dii Dr Jonas Salk wuxuuna rajo ka muujiyay in carruurta laga ilaalin karo cudurka. Sannadkii 1961-kii, Albert Sabin waxa uu hormuud u noqday tallaalka dabaysha ee afka laga qaato kaas oo loo adeegsaday inta badan barnaamijyada tallaalka qaranka ee adduunka oo dhan.
Sannadkii 1996-kii fayraska dabayshu wuxuu curyaamiyay in ka badan 75,000 oo carruur ah oo ku kala nool qaaradda – waddan kastaa wuu saameeyay.
Sannadkaas Nelson Mandela waxa uu bilaabay barnaamijka “Afrika Ka Saar Dabaysha”, isaga oo abaabulay malaayiin shaqaale caafimaad ah oo tuulo ilaa tuulo aaday si ay caruurta u gaarsiiyaan tallaalada.
Waxaa taageeray isbahaysi kooxo ay ka mid yihiin Rotary International oo hormuud ka ahaa talaalka dabaysha laga soo bilaabo 1980-meeyadii.
Tan iyo sannadkii 1996-kii balaayiin tallaalka dabaysha ee afka laga siiyo caruurta ayaa la bixiyay, taas oo ka hortagaysa qiyaastii 1.8 milyan oo xaaladood oo ah fayras-ka poliovirus ee aadka u daran.
Isha: BBC SOMALI