Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo oo xaruun ku meel gaara u ah maamullka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dowladda federaalku ay dhageysatay tabashooyinka ay qabaan dadka reer Koonfur galbeed, ayna diyaar u tahay in ay xaliso arrintaas.
Xamse Cabdi Barre ayaa intaa ku daray in dolwadda Soomaaliya aaaney oggolaan doonin in dowladda kale ku dul hardamaan isla markaana wixii iyaga dhexdooda ah ay iyaga u taal, hase-yeeshee ay doonayaan in ay si nabad ah ula dhaqmaan dalalka deriska la’ ah iyo kuwa xiriirku kala dhaxeeyo Soomaaliya. Waxa uu intaa raaciyay in Soomaaliyana ay dooneyso in sidaa si la mid ah loola dhaqmo.
“Waan idiin nimid, waana dhageysanay dareenkiinna, waxaana u howlgalaynaa wixii tabasho ah ee idin kaga maqan dowladda sidii loo xallin lahaa”. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre.
Raisal Wasaare Xamse oo soo hadal qaaday arrinta ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Atmis, ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu aaney dayici doonin amniga dadka Soomaaliyeed oo ay diyaar u yihiin in arrintaa aay ka wada hadlayaan madaxda maaaul gobolleedyada oo Koonfur Galbeed ugu horreyso marka la
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo oo xaruun ku meel gaara u ah maamullka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dowladda federaalku ay dhageysatay tabashooyinka ay qabaan dadka reer Koonfur galbeed, ayna diyaar u tahay in ay xaliso arrintaas.
Xamse Cabdi Barre ayaa intaa ku daray in dolwadda Soomaaliya aaaney oggolaan doonin in dowladda kale ku dul hardamaan isla markaana wixii iyaga dhexdooda ah ay iyaga u taal, hase-yeeshee ay doonayaan in ay si nabad ah ula dhaqmaan dalalka deriska la’ ah iyo kuwa xiriirku kala dhaxeeyo Soomaaliya. Waxa uu intaa raaciyay in Soomaaliyana ay dooneyso in sidaa si la mid ah loola dhaqmo.
“Waan idiin nimid, waana dhageysanay dareenkiinna, waxaana u howlgalaynaa wixii tabasho ah ee idin kaga maqan dowladda sidii loo xallin lahaa”. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre.
Raisal Wasaare Xamse oo soo hadal qaaday arrinta ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Atmis, ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu aaney dayici doonin amniga dadka Soomaaliyeed oo ay diyaar u yihiin in arrintaa aay ka wada hadlayaan madaxda maaaul gobolleedyada oo Koonfur Galbeed ugu horreyso marka la gaaro.
Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad casho sharaf iyo sagootin ah oo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) uu xalay u sameeyey Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan safaro shaqo ku joogay magaalada Baydha