Close Menu
    What's Hot

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Xaggee ayay Xuutiyiintu ka helaan hubka ay ku weeraraan Badda Cas?

    Xaggee ayay Xuutiyiintu ka helaan hubka ay ku weeraraan Badda Cas?

    By radiohalgan.comJanuary 13, 20246 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dalka Yemen waa mid ka mida dalalka ugu saboolsan caalamka kaas oo wali la daalaa dhacaya dagaallo sokeeye ilaa sanadkii 2014-kii, ka dib markii kooxaha Shiicadu ay la wareegeen maamulka magaalada caasimadda ah ee Sanca.

    Howlgal xagga cirka ah oo qaadeen xulafada uu Sucuudigu hoggaaminayo oo ka dhan ah Xuutiyiinta ayaa ugu sii daray xaaladda awalba xumayd taas oo sababtay xariyaado iyo saboolnimo.

    Hase yeshee Xuutiyiinta ayaa muuujiyey awooddooda iyagoo weeraro carqaladayn ah ka gaystay Badda Cas oo ay bartilmaameedsadeen maraakiib ganacsi ilaa bishii Novermber iyadoo Maraykanka iyo UK ay ka hortageeen.

    Iska hor imaadkan ayaa saamayn weyn ku yeelanaya dhaqaalaha adduunka.

    Xaggee ayay ku taallaa Yemen maxayse u leedahay istaatiijiyad muhiim ah?

    Inta badan awoodda Xuutiyiinta ay ku carqaladeynayaan gaadiidka badda waxay ka timaaddaa juquraafi ahaan dhulka ay maamulaan.

    Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ayaa tan iyo markii ay la wareegeen awoodda dalka Yemen sanadkii 2014-kii, waxa ay maamulayeen qeybo badan oo ka mid ah dalka Yemen, sida caasimadda Sanca, waqooyiga dalkaasi iyo xeebta Badda Cas.

    Tani waxay siinaysaa awood ay ku maareeyaan marin biyoodka Bab al-Mandab, taasoo keenaysa marinka shiraaca ugu gaaban ee isku xidha Yurub iyo Aasiya

    Maxay Xuutiyiintu u weerarayaan maraakiibta ku sugan Badda Cas?

    Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa bilaabay wadar ahaan ugu yaraan 26 weerar oo kala duwan oo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga ee isaga kala goosha koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed tan iyo 19kii Nofembar 2023, sida uu sheegay taliska dhexe ee militariga Mareykanka.

    Xuutiyiinta ayaa ku andacoonaya in weerarradan ay jawaab u yihiin duullaanka Israa’iil ee Qasa, waxayna sheegeen inay beegsadaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil.

    Si kastaba ha ahaatee, dadka dhaliila ayaa ku doodaya in qaar badan oo ka mid ah weerarradii ugu dambeeyay ay ahaayeen kuwo lagu weeraray maraakiib aan haba yaraatee wax xidhiidh ah la lahayn Israa’iil.

    Waxay sheegeen in Xuutiyiinta ay uga faa’ideysanayaan xaaladda Qasa si ay kor ugu qaadaan shacbiyaddooda, u muujiyaan awooddooda iyo inay Iiraan u caddeeyaan inay noqon karaan xulafo wax ku ool ah

    Awoodda ciidan ee Xuutiyiinta

    Weerarradii ugu dambeeyey ee lagu qaaday maraakiibta ku sugan Badda Cas ayaa la arkayey Xuutiyiinta o adeegsanaya gantaallada maraakiibta iyo kuwa riddada dheer, diyaaradaha iyo doomaha iskood is wada.

    Qayb ka mida weerarradii ay ku qaadeen maraakiibta ayey Xuutiyiintu isticmaaleen doomo yar yar iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

    Diyaaradda nooca an duuliyaha lahayn ee ‘Kamikaze’ ayaa Xuutiyiinta loo malaynayaa inay adeegsadaeen kaas oo iyagu ugu yeeraan Qasef taas oo leh qaab samayskeda qaybta dambe ay u samaysan tahay sida xarafka V ee luqadda Ingiriiska, hubkaas oo Xuutiyiintu u heleen markii hore inay u istcimaalaan sidii ay ugu hortagi lahayeen xulufada Sucuudiga.

    Sida uu sheegay machadka Washington Institute for Near East Policy, Xuuthiyiinta ayaa heysta gantaalada kala duwan ee ka hortagga maraakiibta, kuwaas oo gaaraya masaafo dhan 80 ilaa 300km, oo ay ku jiraan gantaalada Sayyad iyo Sejjil.

    Gantaallada riddada dheer ee kooxda ayaa sidoo kale ku dhufan kara bartilmaameedyo ilaa 300km u jira, sida ay sheegtay hay’adda ‘the think-tank’ gantaalladaas oo ay xustay inay garaaci karaan masaafooyin fog fog.

    Noocyada gantaallada riddada dheer iyo kuwa maraakiibta ayaa aad looga cabsi badan yahay diyaaradaha an duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta sida uu BBC-da u sheegay taariikhyahanka badda Sal Mercogliano, isagoo intaa ku daray inay ku xirmaan madaxyo waaweyn oo awood leh.

    Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hal dhinac ah, ayuu yidhi Mercogliano, way ka tiro badan yihiin, sababtoo ah way ka jaban yihiin wayna fududdahay in la isku keeno, laakiin sidoo kale way ka gaabiyaan.

    Laakiin nooca USV-yada ee doomaha an cidi wadan ayaa ah kuwa sida gaar ah looga welwelsan yahay sida uu Mercogliano kuwaas oo awood u leh in lagu dhufto maraakiibta si Khadka ugu weeciyaan ama quusiyaan markabka.

    Iskahorimaadka hadda socda, Xuutiyiinta ayaa markii ugu horreysay adeegsatay markab hal dhinac ah oo aan cidina wadin oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa 4tii Janaayo, sida ay sheegeen ciidamada badda ee Mareykanka, waxayna ku qarxiyeen marinnada maraakiibta caalamiga ah.

    “Nasiib wanaag, ma jiraan wax khasaare ah, mana jiraan wax maraakiib ah oo la garaacay, laakiin soo bandhigida weerar hal dhinac ah oo doomaha USV ah ayaa ah mid walaac leh,” ayuu yiri taliyaha ciidamada badda ee Maraykanka Admiral Brad Cooper. Isagoo intaa ku daray in weerarrada la adeegsaday ay ahaayeen kuwo cusub oo awood leh”

    Si kastaba ha ahaatee, Xuutiyiinta ayaa bishii Janaayo 2017 u adeegsaday USV-ga weerar ay ku qaadeen markabka Xuutiyiinta ee Al-Madinah, iyo mar kale “isku day fashilmay oo la doonayay in lagu weeraro markab shidaal oo ku sii jeeday magaalada Cadan ee Yemen bishii March 2020”, sida ay sheegtay dowladda Sacuudiga.

    Xaggee ayay taageerada ka helaan Xuutiyiintu?

    Xuutiyiintu waxa ay taageero ka helaan Iiraan, waxaanay ku dhawaaqeen inay qayb ka yihiin waxa loogu yeedho “dhidibka wax-iska-caabbinta” oo ay sidoo kale ka mid yihiin Xisbullah ee Lubnaan, xukuumadda Asad ee Suuriya, ururka Xamaas ee Qasa iyo kooxo kale oo ay taageerto Iiraan oo ku dhawaaqday inay ka soo horjeedaan Israa’iil iyo Maraykanka.

    Bishii Febraayo 2023, dawladda UK waxay sheegtay inay u soo bandhigtay Qaramada Midoobay “caddaymo muujinaya xidhiidhka tooska ah ee ka dhexeeya dawladda Iran iyo habka koontarabaanka ee nidaamka gantaallada ee ay Xuutiyiintu u adeegsanayeen inay ku weeraraan Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta. “

    Dowladda UK ayaa sheegtay in markabka Royal Navy ee HMS Montrose uu labo jeer horraantii 2022 ku qabtay hub Iran laga leeyahay iyo doomo dheereeya oo ay ku howlgalaan mukhalasiinta biyaha caalamiga ah ee koonfurta Iran.

    Duqeymaha uu Mareykanku hoggaaminayo ma joojin doonaan Xuutiyiinta?

    Maraykanka, UK iyo toboneeyo kale oo dal ayaa uga digay Xuutiyiinta weerarrada ay ku hayaan Badda Cas iyagoo markii dambana isu keenay ciidamo caalami ah oo la yiraahdo ‘OPG’ bishii December si wax looga qabto caqabadah amaaanka ee koonfurta badda cas iyo Gacanka cadmeed.

    Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya dalalka UK, Australia, Bahrain, Canada iyo Holland ayaa duqeeyay in ka badan 60 bartilmaameed oo ku yaala 16 goobood oo ay ku sugnaayeen Xuutiyiinta Yemen sida lagu sheegay warka kasoo baxay ciidamada cirka Mareykanka.

    Laakiin falanqeeyayaasha ayaa tilmaamaya in sanado badan oo Sacuudiga iyo xulafadiisa ay duqeymo cirka ah ay ku hayeen Xuutiyiint ay ku fashilmeen in ay si buuxda uga adkaadaan Xuutiyiinta.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

    January 21, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.