Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

    August 18, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

    August 18, 2025

    Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

    August 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

      August 18, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

      August 18, 2025

      Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

      August 16, 2025

      Maxay ka wada hadleen odayaasha caawa lakulmay Gudoomye muuse salaad wehliye?

      August 15, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

      August 18, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

      August 18, 2025

      Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

      August 16, 2025

      Maxay ka wada hadleen odayaasha caawa lakulmay Gudoomye muuse salaad wehliye?

      August 15, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Xagee ka bilaabatay saaxiibtinimada Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ee madaxweynuhu ku faanay

    Xagee ka bilaabatay saaxiibtinimada Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ee madaxweynuhu ku faanay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 11, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu munaasabaddii xil wareejinta ee taliyaha xilka ka dagay ee Hay’adda NISA iyo kan cusub uu ka sheegay in uu aad u mahdiyay shaqada hay’adda labadii sano ee la soo dhaafay.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku amaanay taliyaha xilka ka dagay, Mahad Maxamed Salaad shaqadii uu qabtay, balse wuxuu intaas ku daray in isaga iyo Mahad ay yihiin saaxiibbo muddo is garanayay oo soo wada maray halgan nololeed.

    “Xan ma ahan horta, aniga saaxiibkeey waaye” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo khudbanayay isaga oo dhoola caddeyna. “Dhawr iyo toban sano ayaan isla soo noolayn oo isla soo joognay. Nin aan bartay, ku kalsoonaaday, oo aan aqaano ayuu ahaa”.

    Waxa uu intaas ku daray sababta uu shaqada Nabad Sugidda Soomaaliya uu ugu dhiibay inay tahay kalsoonida weyn ee uu ku qabo.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu munaasabaddii xil wareejinta ee taliyaha xilka ka dagay ee Hay’adda NISA iyo kan cusub uu ka sheegay in uu aad u mahdiyay shaqada hay’adda labadii sano ee la soo dhaafay.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku amaanay taliyaha xilka ka dagay, Mahad Maxamed Salaad shaqadii uu qabtay, balse wuxuu intaas ku daray in isaga iyo Mahad ay yihiin saaxiibbo muddo is garanayay oo soo wada maray halgan nololeed.

    “Xan ma ahan horta, aniga saaxiibkeey waaye” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo khudbanayay isaga oo dhoola caddeyna. “Dhawr iyo toban sano ayaan isla soo noolayn oo isla soo joognay. Nin aan bartay, ku kalsoonaaday, oo aan aqaano ayuu ahaa”.

    Waxa uu intaas ku daray sababta uu shaqada Nabad Sugidda Soomaaliya uu ugu dhiibay inay tahay kalsoonida weyn ee uu ku qabo

    Mahad

    XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

    Haddaba side isku barteen Xasan iyo Mahad

    Mahad Maxamed Salaad oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay saaxiibo yihiin muddo 13 sano ah.

    Markii ugu horeysay ayuu sheegay in kulmeen horaantii waqtigii la aasaasay xibsi siyaasaadeed oo lagu magacaabi jiray PDP, kaas oo uu aasaasayaashiisa ka mid ahaa madaxweyne Xasan Sheekh.

    Mahad ayaa BBC da u sheegay in xisbigaas uu qayb ka noqday ka dib markii ay soo dhaweeyeen xubnihii xisbigaas, isaga oo noqday gudoomiyaha xafiiska Qaahira ee xisbiga.

    Waqtigaas wixii ka dambeeyay Mahad waxa uu sheegay in uu ka mid noqday afartii xildhibaan ee ugu horeysay ee ka soo baxay xisbiga, isaga oo codkiisa xildhibaanimo siiyay madaxweyne Xasan oo xilligaas aan caan ka ahayn saaxada siyaasadda ee Soomaaliya.

    Mahad ayaa sheegay “In odayaasha reerka uu ku matalay kursiga xildhibaanka ay u soo jeediyeen in uu codka siiyo musharrax markaas caan ahaa balse uu ku adkeystay in codkiisa uu siiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

    “Waligeey qof aan isaga ahayn uma codeyn” ayuu yiri Mahad oo ka hadlayay sida uu daacad ugu ahaa saaxiibkiis Xasan.

    Xubnaha xisbiga ee xilligaas ayaa waxa ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha haatan Xamse Cabdi Barre, Xildhibaan Aamino Maxamed oo sanadkii 2022 kii ku geeriyootay qarax ka dhacay Baladweyne iyo Mahad Salaad.

    Waxa uu sheegay Mahad in waligiis isaga iyo madaxweyne xasan Sheekh aysan isku qaban afkaar iyo si shaqsi ah midna intii ay is garanayeen.

    Xamse

    XIGASHADA SAWIRKA,DPD / FACEBOOK

    Sanadkii 2017 kii, markii doorashada madaxweynenimo looga adkaaday madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay in uu ahaa qofka ugu dhaw ee la joogay ee aan marnaba ka tagin, sidoo kale markii uu noqday madaxweynaha ayuu sheegay in sidaas oo kale uu yahay qof aad ugu dhaw.

    “Siyaasad kaliya ma ahan ee xitaa shaqsiyan waan is fahanaa,” ayuu yiri Mahad.

    “Laba nin oo hadii nololi ay jirto in ay wada noolaadaan diyaar u ah, hadii nafta in la isku huro ay timaadana aan kala hagaranayn ayaan nahay” ayuu yiri Mahad.

    “Isagaa ka tagay Xilka”

    Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aaday iyada oo dhawaan la hadal hayay in madaxweynaha iyo taliyaha nabad sugidda uu is fahmi waa soo kala dhexgalay.

    Iscasilaadiisa ayaa dadka qaar waxay ku micneeyeen in ay tahay mid lagu qasbay.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka sheegay munaasabadda xil wareejinta in Mahad uu isagu doortay in uu isaga tago shaqada agaasimaha hay’adda, si uu u raadsado jagooyin kale oo uu ku taamayo.

    “Isagaa rabitaankiisa ku tagay oo aduunyo iyo hawlo kale usii socde e, meeshaan meel laga neceb yahay ama lagu dhaliilay ma ahayn,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

    August 18, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

    August 18, 2025

    Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

    August 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

    August 18, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

    August 18, 2025

    Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

    August 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.