Close Menu
    What's Hot

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Xagee ka bilaabatay saaxiibtinimada Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ee madaxweynuhu ku faanay

    Xagee ka bilaabatay saaxiibtinimada Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ee madaxweynuhu ku faanay

    By radiohalgan.comApril 11, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu munaasabaddii xil wareejinta ee taliyaha xilka ka dagay ee Hay’adda NISA iyo kan cusub uu ka sheegay in uu aad u mahdiyay shaqada hay’adda labadii sano ee la soo dhaafay.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku amaanay taliyaha xilka ka dagay, Mahad Maxamed Salaad shaqadii uu qabtay, balse wuxuu intaas ku daray in isaga iyo Mahad ay yihiin saaxiibbo muddo is garanayay oo soo wada maray halgan nololeed.

    “Xan ma ahan horta, aniga saaxiibkeey waaye” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo khudbanayay isaga oo dhoola caddeyna. “Dhawr iyo toban sano ayaan isla soo noolayn oo isla soo joognay. Nin aan bartay, ku kalsoonaaday, oo aan aqaano ayuu ahaa”.

    Waxa uu intaas ku daray sababta uu shaqada Nabad Sugidda Soomaaliya uu ugu dhiibay inay tahay kalsoonida weyn ee uu ku qabo.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu munaasabaddii xil wareejinta ee taliyaha xilka ka dagay ee Hay’adda NISA iyo kan cusub uu ka sheegay in uu aad u mahdiyay shaqada hay’adda labadii sano ee la soo dhaafay.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku amaanay taliyaha xilka ka dagay, Mahad Maxamed Salaad shaqadii uu qabtay, balse wuxuu intaas ku daray in isaga iyo Mahad ay yihiin saaxiibbo muddo is garanayay oo soo wada maray halgan nololeed.

    “Xan ma ahan horta, aniga saaxiibkeey waaye” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo khudbanayay isaga oo dhoola caddeyna. “Dhawr iyo toban sano ayaan isla soo noolayn oo isla soo joognay. Nin aan bartay, ku kalsoonaaday, oo aan aqaano ayuu ahaa”.

    Waxa uu intaas ku daray sababta uu shaqada Nabad Sugidda Soomaaliya uu ugu dhiibay inay tahay kalsoonida weyn ee uu ku qabo

    Mahad

    XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

    Haddaba side isku barteen Xasan iyo Mahad

    Mahad Maxamed Salaad oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay saaxiibo yihiin muddo 13 sano ah.

    Markii ugu horeysay ayuu sheegay in kulmeen horaantii waqtigii la aasaasay xibsi siyaasaadeed oo lagu magacaabi jiray PDP, kaas oo uu aasaasayaashiisa ka mid ahaa madaxweyne Xasan Sheekh.

    Mahad ayaa BBC da u sheegay in xisbigaas uu qayb ka noqday ka dib markii ay soo dhaweeyeen xubnihii xisbigaas, isaga oo noqday gudoomiyaha xafiiska Qaahira ee xisbiga.

    Waqtigaas wixii ka dambeeyay Mahad waxa uu sheegay in uu ka mid noqday afartii xildhibaan ee ugu horeysay ee ka soo baxay xisbiga, isaga oo codkiisa xildhibaanimo siiyay madaxweyne Xasan oo xilligaas aan caan ka ahayn saaxada siyaasadda ee Soomaaliya.

    Mahad ayaa sheegay “In odayaasha reerka uu ku matalay kursiga xildhibaanka ay u soo jeediyeen in uu codka siiyo musharrax markaas caan ahaa balse uu ku adkeystay in codkiisa uu siiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

    “Waligeey qof aan isaga ahayn uma codeyn” ayuu yiri Mahad oo ka hadlayay sida uu daacad ugu ahaa saaxiibkiis Xasan.

    Xubnaha xisbiga ee xilligaas ayaa waxa ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha haatan Xamse Cabdi Barre, Xildhibaan Aamino Maxamed oo sanadkii 2022 kii ku geeriyootay qarax ka dhacay Baladweyne iyo Mahad Salaad.

    Waxa uu sheegay Mahad in waligiis isaga iyo madaxweyne xasan Sheekh aysan isku qaban afkaar iyo si shaqsi ah midna intii ay is garanayeen.

    Xamse

    XIGASHADA SAWIRKA,DPD / FACEBOOK

    Sanadkii 2017 kii, markii doorashada madaxweynenimo looga adkaaday madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay in uu ahaa qofka ugu dhaw ee la joogay ee aan marnaba ka tagin, sidoo kale markii uu noqday madaxweynaha ayuu sheegay in sidaas oo kale uu yahay qof aad ugu dhaw.

    “Siyaasad kaliya ma ahan ee xitaa shaqsiyan waan is fahanaa,” ayuu yiri Mahad.

    “Laba nin oo hadii nololi ay jirto in ay wada noolaadaan diyaar u ah, hadii nafta in la isku huro ay timaadana aan kala hagaranayn ayaan nahay” ayuu yiri Mahad.

    “Isagaa ka tagay Xilka”

    Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aaday iyada oo dhawaan la hadal hayay in madaxweynaha iyo taliyaha nabad sugidda uu is fahmi waa soo kala dhexgalay.

    Iscasilaadiisa ayaa dadka qaar waxay ku micneeyeen in ay tahay mid lagu qasbay.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka sheegay munaasabadda xil wareejinta in Mahad uu isagu doortay in uu isaga tago shaqada agaasimaha hay’adda, si uu u raadsado jagooyin kale oo uu ku taamayo.

    “Isagaa rabitaankiisa ku tagay oo aduunyo iyo hawlo kale usii socde e, meeshaan meel laga neceb yahay ama lagu dhaliilay ma ahayn,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.