Waxaa magaalada Makkah ee Dalka Sacuudiga ku geeriyootey Xaajiya Xaawo Raage Waberi oo ka mid aheyd Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan nasiibka u yeeshay in xajka tagaan, sida ay shaacisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya.
Marxuumada geeriyootay ayaa ka mid ahayd xujeyda ka timid Magaalada Boorama ee gobolka Awdal ee maamulka Somaliland, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Shirkadaha Xajka ka shaqeeya ee Soo qaadey.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri, “Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u direy ehelada iyo Qaraabada Marxuumada, iyagoo Ilaah uga baryey Marxuumada in uu janatul fardowsa ka waraabiyo.”
Geerida Xaajiya Xaawo Raage Waberi ayaa ka dhigan qofkii sedexaad ee u tagay dalka Sacuudiga Xajka sanadkan ee ku geeriyooda magaalooyinka Barakeysan ee Makkah iyo Madiina, xilli maalinta berri ah la filayo in ay toos u bilowdaan acmaasha Xajka.