Xaalad biyo La’aan ah oo halis ah ayaa ka taagan deegaanka Quracleey oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Deegaankan malahan Ceelbiyood Biyo Booyad loogu kala keeno Matabaan iyo Ceelgaal ayeey dadka deegaanka Qurucleey ku iibsadaan £300 (Seddax Boqol oo Dollar) taasi oo dadka deegaanka wada awoodin in aay iibsadaan.
Dadka ku nool deegaanka Quracleey ayaa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Hirshabelle iyo tan Fedaraalka ka dalbaday in deegaanka Quracleey la hirgalsho Ceelbiyood.
Isku duwaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Hirshabelle ee gobolka Hiiraan Mudane Cawil Maxamed Jabriil iyo Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada degmada Matabaan Maxamed Cali Garaad oo gaaray deegaanka Quracleey ayaa codkooda ku biiriyay in dadka deegaanka Quracleey aay helaan Ceelbiyood Riig ah.