Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday deegaan hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe kadib markii halkaasi lagu dilay wiil iyo abtigiis.
Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Cadayga oo u dhow Balcad, waxaana ka dambeeyay maleeshiyaad hubeysan oo goobta ka baxsaday.
Wiilka iyo abtigiis ayaa ahaa ganacsatoo, si weyn looga yaqaanay deegaanka, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo dilay.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna sheegay in marxuuminta loogu tegay gurigooda, kadibna la dilay.
Kooxo hubeysan ayaa waxa ay soo weerareen wiil iyo abtigiis waxay ahaayeen dad gurigooda joogay waxaa u yimid baabuur bagaash u waday, kadib markii ay dajiyeen ayay qabsatay dhacdada” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii saray Ragga dilka gaystay waxay ku amreen inay bannaanka usoo baxaan, wayna dileen maleeshiyaadka”.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhacdadaan oo ku aadan laamaha amniga iyo madaxda HirShabelle oo ku aadan dilka dadkaasi shacabka ah