Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ku saabsan xaaladda cudurka Furuqa Daanyeerka (Monkeypox) oo ku faafaya qeybo kamid ah dalalka Afrika.
WHO ayaa sheegtay in kiisas hor leh oo xanuunka lagu arkay dalka Jamhuuriyadda Congo iyo dalalka dariska la ah.
“Maanta, guddiga gurmadka ayaa kulmay waxayna igula taliyeen in aragtidooda, xaaladdu ay ka dhigan tahay xaalad degdeg ah oo caafimaadka bulshada ah oo walaac caalami ah leh. Waan aqbalay taladaas,” madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku sheegay shir jaraa’id.
Dalal badan oo caalamka ayaa soo rogay xayiraad ku aadan sidii looga hortagi lahaa xannuunka Mpox oo laga digayo in uu faafo.
Sida ay dhaqaatiirta caafimaadku sheegayaan xannuunka ayaa ku faafa galmo, taabashada maqaarka-maqaarka iyo hadalka ama neefsashada.
Fayrasku markii hore waxaa laga qaadi jiray xayawaanka, balse hadda waxaa uu si weyn ugu faafay binu aadamka.
Cudurka ayaa sannad walba la arkaa kiisas badan – iyadoo carruurta ay da’doodu ka yar tahay 15 jir uu si xun u saameeyo.