Warbixin kasoo baxday Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa looga hadlay cunno yarida ka jirta Dalalka Caalamaka gaar ahaan Soomaaliya iyo waxa sababay iyada oo maanta la xusayo maalinta loo gaarka yeelay.
Agaasime ku xigeenka hay’adda WFP Haweeneyda lagu magacaabo Allison Lawi ayaa sheegtay in dhibaatada cunno yarida ah ee Soomaaliya ka jirta ay ka dhalatay abaarihii is xig-xigay ee Dalka ku dhuftay iyo fatahaadaha la tagay dallagii beeraha.
Isbaddelka Cimillada waa xaaladda kale ee dhalisay cunno yarida maadaama saamayn taban ay ku reebtay beeraha & waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah si dadka wax beerta ay suuqyada ugu iib geeyaan waxsoosaarkooda.
“Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya waa kuwa sababay cunno yarida, xoolaha dhammaaday, barakaca qoysaska waxaa usii dheer dhibaatooyinka dhaqanka dhaqaalaha maadaama ay isaga tageen meelihii ay ku noolaayeen iga oo gacmo maran, Gaajada & Macluusha waa halista ugu weyn ee Dadkaas u nugul yihiin” Allison Lawi, Agaasime ku xigeenka WFP.