Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

    July 5, 2025

    War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

    July 4, 2025

    Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

    July 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

      July 5, 2025

      Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

      June 30, 2025

      DEG DEG: Dagaal Culus oo Ka Socda Deegaanka Miir-Khaliifa

      June 29, 2025

      Hirshabelle oo Saaka Gaartay Barwaaqo La Sugaayey Muddo Dheer – Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Hoggaaminaya Waqti Taariikhi ah

      June 29, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

      July 5, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Ra’iisul-wasaaraha JFS, Xamse Cabdi ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo

      June 30, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Werarkii ugu dambeeyey weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Jarmalka

    Werarkii ugu dambeeyey weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Jarmalka

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comAugust 24, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Saddex qof ayaa ku dhintay afar kalena dhaawac halis ah ayaa ka soo gaaray weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Solingen ee galbeedka Jarmalka, sida ay booliisku sheegeen.

    Weerarka ayaa dhacay xilli lagu guda jiray xaflad ka dhacaysay bartamaha magaalada fiidnimadii Jimcaha. Ninka weerarka geystay ayaa lagu soo waramayaa in uu wali baxsad yahay.

    Shabakadda Bild ayaa sheegtay in nin si aan kala sooc lahayn u tooriyeeyay dad wadada marayay. Baadi-goob ballaaran ayaa hadda socda, iyadoo la arkayo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee booliska oo dul heehaabaya magaalada.

    Magaaladan warshadaha caanka ku ah ayaa u dabaaldegaysay 650 sano oo laga joogo markii la asaasay.

    Maamulka magaalada ayaa dadka ka codsaday in ay ka baxaan aagga suuqa Fronhof, iyadoo booliisku ay xayndaabyo ku xireen aagaas sababo ammaanka ah ka dib weerarka.

    Kooxaha gurmadka deg degga ah ee goobta ku sugan ayaa la arkayay iyagoo daweynaya dadka dhaawacmay, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

     

    Booliska ayaa markii dambe halkaas geeyay 40 gawaarida gaashan ah si ay ugaarsadaan tuhmanaha falka tooraydaa gaysay sida laga soo xigtay Bild. Gaadiidkan waxaa hoggaaminaya sarkaal ka tirsan booliska gaarka ah ee SEK

    Wadooyinka ayaa la xiray, waxaana dadka deegaanka laga codsaday inay guryahooda ku ekaadaan, iyadoo ciidamada ay baaritaan wadaan.

    Philipp Müller, oo ka mid aha qabanqaabiyeyaasha xafladda, ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg dega ay ku howlanaayeen badbaadinta nolosha sagaal qof sida wargayska Solinger Tageblatt uu wariyey

    “Dadku way naxeen, laakiin si nabad ah ayay fagaaraha uga baxeen,” ayuu yiri Mr Müller.

    Goobjooge la yiraahdo Lars Breitzke, ayaa u sheegay wargeyska in uu ogaa in ay wax qaldan yihiin markii uu masraxa ku arkay heesaa ay wajigiisa ka muuqatay wax yaab leh.

    “Ka dibna qof ayaa ku dhacay meel hal mitir oo kaliya ii jirta,” ayuu yiri

    weerarka Jarmalka

    Xigashada Sawirka,Getty Images

    Ninka weerarka gaystay ayaa la rumaysan yahay inuu si ula kac ah minida qoorta ugala dhacay dhibanayaasha sida ay ku warrantay warbaahinta Jarmalka.

    Afhayeenka u hadlay Booliska oo lagu magaaco Alexander Kresta, oo ay soo xigatay mareegta Spiegel ayaa sheegay

    “waxaan hadda u maleyneynaa in uu ahaa hal qof” ka dib markii uu la hadlay dad badan oo goobjoogayaal ah.

    Duqa magaalada shilku ka dhacay ee Solingen Tim Kurzbach ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisha Facebook waxaa isagu sheegay

    “Caawa dhamaanteen reer Solingen waxa aanu ku jirnaa naxdin, argagax iyo murugo aad u wayn, dhamaanteen waxa aanu rabnay in aanu si wada jir ah u dabaal dagno sanad guuradayada magaalada, haatana waa in aan u baroor diiqnaa dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

    “Waxaa qalbigayga jebiyey in weerar ka dhacay magaaladayada, indhahayga ilmo ayaa ka soo qubanaysa markaan ka fikiro kuwii naga dhintay, waxaan u duceeyaa dhammaan kuwa weli naftooda u dagaallamaya, sidoo kale waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan dadkii ku dhintay weerarka. si aan tan u aragno, sawiradani waa inay ahaayeen kuwo argagax leh.”ayuu intaa raaciyey Tim Kurzbach.

    Jarmalka

    Xigashada Sawirka,Getty Images

    Isagoo la hadlayay BBC-da galinkii dambe ee jimcaha, ku xigeenka tafatiraha Solinger Tageblatt Björn Boch, ayaa sheegay in dabaaldegga loo qorsheyey inuu socdo saddex maalmood, magaaladuna ay filayso 25,000 oo qof habeen kasta.

    “Magaalada waxaa buux dhaafiyey dad,” ayuu yidhi, isagoo ku qiyaasay in “dhowr kun oo qof” ay joogeen munaasabadda jimcaha ee xorta ah.

    Dabaaldegga ayaa hadda la joojiyay.

    Solingen, waa magaalo ku taalla galbeedka gobolka North Rhineland-Westphalia oo caan ku ah warshadaha birta, waxaa halkaa ku nool ilaa ilaa 160,000 oo qof. Waxay u jirtaa qiyaastii 25 km bari kaga beegan tahay magaalada Düsseldorf halka jihada koonfureedna ay ka xigto magaalada Cologne.

    Dhacdadan ugu dambaysay ee tooriyaynta ayaa timid wax ka yar hal toddobaad tan iyo markii wasiirka arrimaha gudaha Jarmalku uuay ku baaqay in la qaado tallaabooyin adag oo ku saabsan dembiyada mindida.

    Horaantii bishaan, Nancy Faeser waxay sheegtay in Jarmalku uu u baahan yahay “sharciyo hubka adag iyo kontaroolada adag” si loo xakameeyo shilalka tooreyda. “Midiyaha waxaa loo isticmaalaa in lagu sameeyo falal arxan darro ah oo sababi kara dhaawac halis ah ama dhimasho,” ayay u sheegtay warbaahinta dadweynaha ee ARD.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

    July 5, 2025

    War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

    July 4, 2025

    Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

    July 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

    July 5, 2025

    War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

    July 4, 2025

    Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

    July 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.