Balad weyne Malin khamis ah 18-jun-2009.
Wixii wax ogaada dila,
Intaan wax ogeyna dila,
Ogaalka naftiisa dila,
Si aan waxba loo ogaan!”
#Mustafa_sheekh_Cilmi
omar xaashi Aadan:- 1942, ayuu ku dhashay Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan 1947, waxow bartay Barashada Diinta Islaamka ku qaatay isla degmadaasi B/ weyne 1949, wuxuu tacliintii Dugsiga Hoose ee Talyaaniga ku soo qaatay Degmada B/weyne
1960-68-kii, wuxu ku biiray ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna ka soo kala shaqeeyey, Degmooyinka: Waajid iyo Xudur, xilligaasoo uu ka mid ahaa ciidamada Daraawiishta,
wuxuuna ka qeyb galay dagaalkii 1964-tii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo helay Derejeda Sarkaal Xigeen, isla markaana wuxuu sii watay tacliintiisii illaa Dugsiga Sare. 1969-kii, wuxuu ku wareegay ciidankii Xogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna tababaro maamulka lacagta ah ku soo qaatay dalka Talyaaniga. 1970-75-kii, wuxuu ka baxay maamulka lacagta qeybta 26-naad oo uu ku gaaray Derejada Dhame
1980-81-kii, wuxuu ka soo sahqeeyey Hay’adda nabadgalyada GAashaandhiga (HANGASH). 1981-84-kii, wuxuu ahaa Guddoomiyaha degmada Qandala ee Gobolka Bari. 1984-86-kii, wuxuu noqday Guddoomiyaha Degmada B/weyne ee Gobolka Hiiraan. 1986-88-kii, waxaa loo magacaabay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, wuxuuna qaatay Derejeda Gaashaanle sare.
1988-89-kii, wuxuu noqday guddoomiyaha gobolka Jubbadda dhexe. 1989-91-kii, wuxu ahaa Guddoomiyaha gobolka Bari ee Bosaaso. 1991-kii, markii ay burburtay dowladdii jirtay wuxu isku howlay nabadeynta beelaha Soomaaliyeed,
wuxuuna ahaa guddoomiyihii shirweynihii beelaha Hawiye ee ka dhacay Hotelka Guuleed, isla sanadkaa wuxuu noqday shir guddoonkii. Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed ee lagu qabtay Dalka Jabuuti, kaasoo lagu soo dhisay dowlad Qaran oo uu madaxweyne ka ahaa mudane Cali Mahdi Maxamed.
1991-2009, wuxuu xildhibaano ka soo kala noqday dowladdii TNG oo uu ka soo ahaa Wasiirka lacagta, TFG iyo tan Midnimada Qaran oo uu ahaa Asiirkii Amniga Qaranka ee dhexa u xirtay sidii uu dalka ugu soo celin lahaa xasilooni iyo kala dambeyn.
Cumar Xaashi Aadan oo ahaa wasiirka amniga isla markaana ka tirsanaa baarlamaanka, dilkiisu waxa uu aha markasta waa jug weyn oo soo gaartay dowladi Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.
Cumar Xaashi Aadan waxa uu ka tirsanaan jiray saraakiishii militeriga Soomaaliya waxaana uu ka mid ahaa, ragga markiiba kaalin weyn ka qaatay siyaasadda Muqdisho, in yar kadib markii uu burburay Qaranka Soomaaliya horaantii 1991.
Cumar Xaashiw waxa uu ka mid noqday isbahaysiga dib u xoreynta kaas oo dagaal la galay ciidanka Ethiopia ee ku sugnaa gudaha Soomaaliya.
Waxa uu ka mid ahaa mas’uuliyiintii
isbahaysiga ugu hooreeyay ee ka soo guurra magaalada Asmara ee waddanka Eruitrea oo xaruun u ahayd isbahaysiga.
Waxaana uu galay gudaha Soomaaliya halkaasi oo uu ka qeybgalau dagaal
dhuumaaleysi ah oo ka dhan ahaa ciidamada Ethiopia.
Hadda inta aanu Beledweyne soo gaarin
waxa uu ka yimid magaalada Godey ee dalka Ethiopia.
Omar xaanshi waxa lagu qarxiyey gaari walxaha qarxa laga buuxiyey oo lala eegtay goobti uu ka dagana balad weyne hotelkas oo lagu magacabo Hotel madiina.
Subaxas cidan aad u fara bada ba la socday
Sidoo kale malinta waxa la dhintay rag badan oo wax tar u laha gobolka hiiran iyo dhaman somalida waxa kamid ahaa
1. Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan Wasiirkii
Amniga Qaranka
2.Ambassador C/kariin Faarax Laqanyo
3. G/le sare Maxamed CAbdi Yarow (Shanle)
4.G/le sare Maxamed Barre Fiidow
5. G/le SAre Cumar Xasan Dhudi (Taliyaha
Ciidanka ASlubta G/Hiiraan)
6.Col. Yuusuf Xuseen (Timacadde)
7. Nabadoon Faarax Cabdulle Fiidow
8. Nabadoon Xasan Biriqow
9.Nabadoon Xasan Cilmi Hurre (Dirir)
10.Nabadoon Axmed Carrabey
11. Nabnadoon Cilmi Shire
12. Abwaan Maxamed CAbdi Cibaar
13.Abwaan CAbdi-dhuux Guure CAli
14. GAnacsade Buulle Xaashi Aadan
(Wasiirka Walaalkiis)
15. Eng. Cabdifitax Cali Xaydar
lyo waliba 23ruux oo isugu jira Saraakiil iyo illaaladii Wasiirka. Dhamantood allaha u naxarista
Umada Rer baledweyne Runti waxey ka shekeyaan wa arkeen
Tariikh ba is qorto.
TARIIKH MADOW 😭