Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in weerar dhanka Internet-ka ah lagu qaaday ololaha Musharraxnimo ee Madaxweynihii 45aad ee Dalka Maraykanka Donald Trump, waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambeysay falkaas.
Hay’adda Baarista u qaabilsan Booliiska Gudaha Maraykanka ee loosoo gaabiyo FBI ayaa shaacisay in ay dabagal ku heyso kiiskaan oo soo gaaray si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeyay loona ogaado halka laga soo abaabulay.
Saraakiil katirsan waaxda sirdoonka Maraykanka ayaa Warbaahinta Gudaha u sheegay in uu jiro Tuhun la xiriira in Burcad u dhalatay Dalka Ruushka ay ka dambeeyeen falkaan si loo carqaladeeyo Doorashada Madaxtinimo ee Dalkaas ka dhacay Bisha 11aad 2024.
Shirkadda Microsoft ayaa dhankeeda xaqiijisay in uu jiro isku daygaas, wakiilo ajaanib ah ayay ku sifeysay in ay ka dambeeyeen si ay u farageliyaan ololaha Doorashada Madaxtinimo ee Musharrax Donald Trump.
Maraykanka ayaa cabsi weyn ka qaba in ay kusii kordhaan burcadda dhanka Internet-ka waqtiga lagu howlan yahay Doorashad Dalkaas, Washington ayaa tuhunka ugu weyn ka qabta Dalalka Ruushka, Shiinaha, Iiraan, Kuuriyada Waqooyi & dhinacyada kale ee colaaddu kala dhaxeyso.