Waxaan Maanta is rasmi ah u daahfurnay imtixaanka fasalka 8aad ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Dowladda Hirshabelle Degmada Buulo-barade ee Gobolka Hiiraan,
Gudoomiyaha Degmada Buulo-barade Mudane Xasan Maxamed Cabdi, Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Buulo-barade Mudane Jabriil Muqtaar jalafey iyo masuliyiin kale ayaa igu wehliyay daahfurka imtixaanka oo wasaaradda ay sandkan u asteeysay ilaa Sedax goobood oo kamid ah Degmada Buulo-barade,
Si guud waxaa maanta dowlad goboleedka Hirshabelle ugu daahfuray imtixaanka fasalka 8aad ee ay qaadeyso Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Dowladda Hirshabelle, aydoo u maanta Magaalada baladweyne ka furay imtixaanka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Dowladda Hirshabelle Mudane Saciid Hagar Camalow,