Close Menu
    What's Hot

    Kulankii Xalay Gudoomiyaha isboortiska Dagmada Bule-burte iyo Jaaliyadda Reer Hiiraan

    January 24, 2026

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » “Waxaan dareemay xishood iyo cidlo” haweeneyda keliya ee ku jirta baarlamaanka Puntland oo BBC-da la hadashay

    “Waxaan dareemay xishood iyo cidlo” haweeneyda keliya ee ku jirta baarlamaanka Puntland oo BBC-da la hadashay

    By radiohalgan.comJanuary 6, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Barlamaanka Puntland oo ah kii lixaad ee ay maamulkaasi yeeshaan ayaa ku jira fadhiyadiisii caadiga ahaa, ka dib markii xildhibaannada cusub ay doorteen guddoonka golahaas afartii bishan Jannaayo.

    Mudanayaasha ku jira golahan wakiillada ayaa ku yimid xulista hannaanka qabaliga oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka ee Puntland.

    Muno Axmed Cabdalla ayaa noqotay haweeneyda keliya ee ku soo baxda barlamaanka haatan ee Puntland oo inta kale ay ka kooban yihiin rag.

    Sida caadiga ah, way ku yar yihiin haweenka baarlamaannada maamul-goboleedyada Soomaaliya, iyo guud ahaanba kan federaalka, marka loo barbardhigo tirada ragga.

    Baarlamaannadii ugu dambeeyay ee Puntland ayaa sidan kan oo kale ay hal gabar uun kusoo bixi jirtay.

    Muno oo 57 jir ah, wareysi ay siisay BBC waxay ku sheegtay inay dareentay xishood iyo cidlo markii ay kali ku noqotay gole intiisa kale ka kooban rag.

    “Marka uu guddoomiyuhu yiraahdo mudanayaal iyo marwo waxaan dareemaa xishood anoo is dhaha waxaad dhex fadhidaa 65 xildhibaan oo rag ah, haddana waxaan isku dhiirrigaliyaa haddiiba aad dumarkii meesha adigu ku matalayso oo fadhido waa guul,” ayey tiri xildhibaanad Diyaano.

    Waxay intaa ku dartay in markii ay ogaaneysay inay ku jirto liiska baarlamaanka, uu xildhibaan hore oo ka tirsanaa barlamaanka federalka oo ay isku meel ka soo jeedaan ku garaacay qolkii ay ka dagganayd hoteel ku yaalla magaalada Garoowe xilli dambe oo afartii habeennimo ah una sheegay in magaceedu ku jiro liiska ay ku dhawaaqeen guddiga xallinta khilaafaadka si weyna ay ugu faraxday.

    “Waxaan dhihi karaa waxaan xildhibaannimada hadda ku helay in Alle iiga dhigay calaf iyo isinkayga dhaqanka oo si gaara iigu magacaabay, laakiin aniga reerka waxay ku ahayd waxaan dhihi karo duumo runtii” ayey tiri Muno Diyaano.

    Muno oo ah hooyo leh afar carruur ah, waxay raadinaysay xildhibaannimo muddo ka badan 12 sano, laga soo bilaabo 2012-kii xilligaas oo ay BBC-da u sheegtay inay la kulantay caqabado dhankasta ah.

    “Arrintan waxaan soo bilaabay raadinteeda xildhibaan federaal ah laakiin waa la iga hor istaagay dhaqan iyo siyaasiyiinta beeshaydaba ah, 2022-kii kursigii kii aan raadiyey waxaan ku waayey in loo tiriyey in carruurtaydu ka soo jeedaan Muqdisho, waayo waa sax oo dhaqanka Soomaalida in khaldan ayaa ku jirt oo tiraahda haweenaydu waxay ku hayb tahay reerka ay u dhaxdo, basle waa mid khaldan runtii,” ayey intaas ku dartay Muno.

    Muno, waxay sheegtay inay cod hadda u tahay dhammaan haweenka Puntland oo ay iyadu u fadhido barlamaanka taasna ay ku xanbaarayso sida ay BBC-da u sheegtay inay dareemayso mas’uuliyadd weyn oo ka duwan ragga la fadhiya golaha.

    “Waxaan u qareemayaa haweenka iyo gabdhaha da’da yar, anigoo ka dalbanaya xildhibaannada ragga ah inay igu gacan siiyaan inaan ahaado qof dumarka u joogta golaha kuwa loo qareemayo, kuwa la caawinayo iyo kuwa wax tirsanayaba inaan awooddayda isugu dayo inan caawiyo” ayey tiri xildhibaanad Muno.

    Maxaa haweenka Puntland ku yareeyey baarlamaanka muddo dheer?

    Caasho Geelle Diiriye oo ka mid ahayd shantii gabdhood ee ugu horreeyey ee lagu aasaasay barlamaanka Puntland sanadkii 1998-dii ayaa BBC-da u sheegtay in caqabadaha ay yihiin in meesha laga saaray axdi qarameedkii lagu dhisay Puntland oo dhigayey in gobol kasta oo Puntland uu keeno gabadh taas oo dhaqan gashay asaaskii hore.

    “Aniga iyo gabdhihii afarta ahaa ee lagu aasaasay baarlamaanka waxaan ku soo beegananny halkii mar ee la dhaqan galiyey qodobkii ku qornaa axdigii Puntland kaas oo dhigayey in gobolladii lagu asasay ee shanta ahaa ay keenaan mid walba gabar, laakiin markii loo guuray dastuurka laguma darin qodob sidaas u ilaaliya xaquuqda haweenka waana la tuuray waa mid ka mida sababaha dumarka Puntland ugu dulman yihiin siyaasadda” ayey tiri Caasho Geelle.

    Xildhibaanad Muna Axmed Cabdalla ayaa la qabta Caasho Geelle in uusan jirin qodob si rasmi ah u damaanad qaadanaya in qoondo cayiman la siiyo haweenka Puntland marka la xulayo xildhibaannada baarlamaanka ee Puntland.

    “Aniga caqabad iyo cuqubo ayaan dhihi karaa ee waa ka weyn yahay dulmi haweenka lagu hayo. Sababtoo ah odayaal dhaqan ayaa qaar ka mid ah diiddan yihiin in haweenku galaan baarlamaank si ay rabaanba ha u sameeyaane, laakiin haweenka ayaa laga rabaa inay gartaan inay midnimo muujiyaan” ayey tiri Muno.

    Wasiirkii kowaad ee wasaarad haween oo Puntland yeelatay sanadkii 2004-tii waxaa noqotay Caasha Geelle, waxayna BBC-da u sheegtay in haweenku helaan wasiirka xukuumadda ay iyagu ku badalatay qorshe weyn oo ay u xusheen haweenka Puntland.

    “Kulan weyne haweenka Puntland ay yeesheen ayay isku afgarteen inaan isku sharaxno hoggaanka sare ee Puntland doorashadii, aniga ayaana la ii doortay inaan isu taago xilka madaxweynaha laakiin duruufo jiray markaas waxaan ku baddashay in haweenka la siiyo wasarad u gaara oo danahooda ka shaqaysa una qareenta, waxaana doorashadii ka dib jeneraal Cadde Muuse, madaxweynihii xilligaas ee Puntalnd uu dhaqan galiyey qodobkaas oo wasaarad ayaa markii ugu horreysay haweenku yeesheen” ayey tiri Caasho Geelle.

    Waa tuma Muno Axmed Cabdalla ‘Diyaano’?

    Waxay Muna ku dhalatay magaalada Muqdisho sanadkii 1967-dii. Dugsigii hoose dhexe waxay ka baxday iskoolkii Kaase-balbalaare ee magaalada Muqdisho, halka dugsiga sare ay kaga baxday dugsigii sare ee Sakhaawe-diin ee isla Muqdisho.

    Heerkeeda kowaad ee tacliinta sare waxay ku qaadatay Jaamacaddii Gahayr oo ay dhammaadkii 1980-kii ilaa 1990 ka baratay sharciga iyo dhaqaalaha.

    Markii ay dalka dagaallada sokeeye ka dhaceen ayey Mudo u sheegtay BBC-da inay u hayaantay qurbaha oo degganaasho ay ka heshay dalka UK, halkaas oo nolol cusub ay ka billowday.

    Waxbarashadeeda ayya ka sii wadatay dalka UK iyadoo jaamacado ay ku jirto jaamacadda Queen Mary University ka qaadatay labo shahaado oo heerka labaad ee (MA) ah.

    Sida ay BBC-da u sheegtay waxay muddo dheer dalka UK ka shaqaynaysay arrimaha adeegga dadweynaha, halka markii ay dalka ku soo laabatay ay sidoo kale u shaqaysay ururrada bulshada rayidka ee Puntland.

    Barisamaadkii ayey sheegtay inay aad u jeclayd ciyaaraha si gaarana ay u jeclayd kubadda gacanta oo ay ka mid ahayd gabdhihii koobka u qaaday Banaadir ciyaarihii gobollada.

    Marka siyaasad laga soo tago, sidoo kale Muna Axmed Cabdalla waa abwaanad curisa suugaan kala duwan oo gabayo u badan iyo maansooyin ay ku cabbirto xaaladaha ka taagan Soomaaliya.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

    January 21, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Kulankii Xalay Gudoomiyaha isboortiska Dagmada Bule-burte iyo Jaaliyadda Reer Hiiraan

    January 24, 2026

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.