Waxaa soo baxaya faahfaahin la xiriirta dilka allaha u naxariistee Nabadoon Xasan Cali Muude oo xalay lagu diley deegaanka Casarmaal ee gobolka Sh/dhexe.
Dilka nabadoonka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen rag hubeysan oo tiradooda lagu sheegay inay gaarayeen illaa saddex nin.
Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah raga dilka geystey ay dileen dadka deegaanka halka mid kalana la qabtay.
Lama oga sababta ka dambeysay dilka nabadoonka hase yeeshee balse haatan uu baaritaan socdo.
Waa markii ugu horeysay oo dil noocan oo kale ah uu ka dhaco deegaanada ka xiga Koofur bari degmada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle.
Dilka nabadoon Xasan Cali Muude ayaa aad looga naxay isagoo ahaa nin nabada jecel isla markaana deegaanka uu nabadoonka ka ahaa si weyn looga tixgelin jirey.