Close Menu
    What's Hot

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026

      Madaxdii Jigjiga booqatay oo isugu tagtay Shabeelley.

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Waxa laga og yahay kulamada lagu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhacay Nayroobi

    Waxa laga og yahay kulamada lagu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhacay Nayroobi

    By radiohalgan.comMarch 11, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulamo lagu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhacay magaalada Nayroobi.

    Dedaalka dhexdhexaadinta oo ay hormuud u tahay dowladda Kenya ayaa lagu doonayaa in xal looga gaaro khilaafka dowladaha Muqdisho iyo Addis Ababa ee salka ku haya is-afgaradka ay Itoobiya la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

    Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay heshiiskaas weerar qaawan oo ay Itoobiya usoo qaaday madaxbanaanida dhuleed iyo midnimo.

    Somaliland waxay ku tilmaamtay is-afgaradka oo Itoobiya looga kireyno marin bad oo toos ah iyo saldhig ciidan in uu horseedayo inay Addis Ababa noqoto dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah u aqoonsata

    Waxa laga og yahay kulamada Nairobi ee dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobya

    Madaxweynaha Kenya ayaa martigeliyay Raysal Wasaaraha Itoobiya

    XIGASHADA SAWIRKA,WILLIAM SAMOEI RUTO/FACEBOOK

    Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Kenya ayaa martigeliyay Raysal Wasaaraha Itoobiya

    Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa horey dhowr jeer ugu celisay in aysan wada hadal iyo dhexaadin la geli doonin Itoobiya inta ay ka noqoneyso is-afgaradka ay la gaartay Hargeysa.

    Hadalka dowladda waxa uu dabo-socday baaqyo caalami ah oo ka kala imaanayay beesha caalamka, Midowga Afrika iyo dalal kale oo qaarkood ku dhaliiyay Itoobiya is-afgaradka muranka dhaliyay.

    Raysal wasaaraha Itoobiya waxa uu isagu sheegay in uu dhowr jeer ka codsaday wada hadal iyo kulan madaxeynaha Soomaaliya, isaga oo usii maraya madaxweyneyaasha Jabuuti, Yugaandha iyo Kenya. Waxa uu tilmaamay inay Soomaaliya diiday dhammaan wada hadaladaas.

    Madaxweynaha Kenya oo ay labo toddobaad kahor madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya ay marti ugu ahaayeen sababo kala duwan ayaa hadda wada dedaal dhexdhexaadin ah, sida lagu baahiyay wargeyska The East Afrika oo lagu daabaco Nairobi.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu u yimid Nairobi ka qayb galka meertada lixaad ee Shirka Cimilada ee Qaramada Midoobay, halka Abiy Axmed booqasho rasmi ah ayuu ku yimid dalka Kenya.

    Wargeyska The East Afrikan ayaa sheegay in madaxweynaha Kenya William Ruto uu horkacaya dedaalada lagu doonaayo in la dejiyo xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

    Waxa uu wargeysku intaas ku daray in la filaayo in Muqdisho iyo Addis-ba ay hoos u dhigaan luuqadda sirgaxan iyo hadalada warbaahinta laysu marinaayo.

    Kulankii dhexmaray madaxweynaha Kenya iyo Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa lagasoo saaray warsaxaafadeed sheegay in ay tahay muhiim in la ixtiraamo madax-bannaanida dhuleed ee dalalka Afrika.

    Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda ee Soomaaliya Danjire Axmed Cawed ayaa ku tilmaamay war saxaafadeedka mid albaabka u furaya dhex-dhexaadinta ay Kenya wado islamarkaas na Itoobiya u furaya albaab ay uga baxdo xiriiriga dublumaasiyadeed.

    β€œWaxa uu gogol xaadh usii noqonayay waanwaanta Kenyanku ka wadeen Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhan, waxayna tibaaxayeen in ay Itoobiya ogoshahay in la ilaaliyo xuduudaha dalka Soomaaliya, dalka keliya ee qaranimadooda iyo xudoodkooda su’aal ka taagnayd Soomaaliya ayay ahayd,” ayuu yiri Danjire Cawed.

     

    Madaxweyne Ruto iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku kulmay Nayroobi

    XIGASHADA SAWIRKA,WILLIAM SAMOEI RUTO/FACEBOOK

    Qoraalka sawirka,Madaxweyne Ruto iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku kulmay Nayroobi

    Wargeyska The East African oo xiganaya Ilo diblumaasi ah ayaa sheegay in wada hadala oo bilowday ay sii socon doonaan uuna jiri doono kulan mustaqbalka dhow dhici doono, kaas oo laysku raaci doono meesha uu ka qabsoomaayo si’ay wadahadaladu usii socdaan.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysay in aysan wada hadal la gelin Itoobiya ilaa laga noqdo is-afgaradka, laakiin dowladda Kenya ayaa muddo waday dedaal hoose oo dhexdhexaadin ah.

    Markii ugu horreysay muddo dhowr toddobaad ah, waxaa magaalada Nayroobi waa yimid saraakiil ka kala socota Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo ay u kala dabqaadayso dowladda Kenya.

    Saraakiisha ayaa ku sugnaa Nayroobi maalmihii ugu dambeeyay ee toddobaadkii dhammaaday, iyaga oo la kulmay diblumaasiyiin Kenyan ah oo dhexdhexaadinta hormuud u ah.

    Wafdiga labada dhinac ee dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ma yeelan wax kulamo toos ah maalmaha ay wada joogeen Nairobi, laakiin waxaa xogta u kala gudbinayay dublumaasiyiinta Kenya oo si gaar ah ula kulmay labada dhinac.

    Wafdiga labada dhinac ayaa hadda dib ugu noqday Muqdisho iyo Addis Ababa, iyada oo aan faahfaahin laga bixin waxa xigi doonno wada hadalada dadban ee horudhaca ah ee ka dhacay Kenya.

    Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu weli ku adkeysanaysa in dowladda Itoobiya ay ka noqoto is-afgaradka kahor inta aanan la furin wada hadal toos ah oo ay yeeshaan labada dhinac.

    Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa horey u sheegay in dowladda Soomaaliya ay hagaldaacisay dedaal uu ku doonayay in uu wada-xaajood ugala yeesho is-afgaradka, sida uu ka sheegay fadhigii shir madaxeedka Midowga Afrika.

    Telefishin laga leeyahay Mareykanka oo lagu magacaabo Bloomberg ayaa baahiyay in dowladda Itoobiya ay qorsheyneyso inay ka noqoto is-afgaradka ay la gaartay Somaliland, sida uu telefishinku kasoo xigtay ilo dublumaasiyadeed oo dhowr ah.

    Waxa ay saraakiisha la hadlay telefishinkan sheegeen in Raysal wasaare Abiy Axmed uu si gaar ah u danaynayo in uu ka noqdo qeybta is-afgaradka ka khuseysa aqoonsiga Somaliland, oo loo arko in uu yahay mid ka mid ah sababaha waa weyn ee ay Hargeysa u saxiixday is-afgaradka.

    Itoobiya iyo Somaliland midna kama falcelin warka uu baahiyay telefishinkan iyo sidoo kale wada hadalada dhexdhexaadinta ah ee ay Kenya hormuudka u tahay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

    January 31, 2026

    Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

    April 10, 2024

    Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

    April 9, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.