Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Wasiirka Caafimaadka XFS “Farmashigii iibinaya Dawooyinka maandooriye ahaanta loo adeegsado waan la xisaabtamaynaa

      September 12, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waxa kala qabsaday Barasaabka Wajeer iyo Sheekh Rusheeye oo xarun halkaasi ka furtay

    Waxa kala qabsaday Barasaabka Wajeer iyo Sheekh Rusheeye oo xarun halkaasi ka furtay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 30, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sheekh Rusheeye, waa sheekh caan ka ah guud ahaan gayiga Soomaalida, isaga oo lagu yaqaano in xarumo cilaaj ah uu ka sameeyay deegaanno kala duwan iyadoo ay ku xiranyihiin bollaal dad ah oo u badan dumar.

    Hase yeeshee muddooyinkii dambe waxaa soo baxay wadaaddo kale oo iyagana loo yaqaanno ‘Rusheeye’, iyagoo deegaanno dhowr ah ka sameystay Xarumo.

    Waxaa kamid ah Sheekh Maxamed Xuseen Ibraahim, oo xaruntiisa weyn ay ku taallo magaalada Mandheera, sidoo kale waxa uu xarumo kale ku leeyahay Mooyaale iyo Wajeer.

    Xaruntiisa Wajeer oo ah mid cusub ayaa furitaankeedii kadib waxaa ka dhashay muran badan iyadoo ay ka hor yimaadeen maamulka iyo qaar ka mid ah culimada deegaanka.

    Barasaabka ismaamulka Wajeer Axmed Cabdullahi Jiir ayaa baraha bulshada ka soo muuqday isaga oo ka hadlaya in marnaba aysan oggolaan doonin raggan oo uu sheegay in dadka ay lacago badan ka uruursadaan.

    Waxa uu xusay in aysan marin waddada saxda ah ee lagu yaqaanno isku daweynta kalaamka alle ee Qu’aan saarka.

    “Quraanka ilaahay wuxuu noo sheegay in uu daawo yahay, dadka xanuunsanna in la quraan saaro mar aan diiddeyno majirto, anagaba marka aan xanuunsanno wadaaddo ayaan u wacanna oo waa nala Quraan saaraa” ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in aysan ahayn culimadii saxda ahayd ee kalaamka alle dadka ku Quraan saari jiray, taasina ay tahay wax aan laga aamusi Karin lana fiirsan Karin.

    “Arrinta Wajeer hadda ka jirta, oo nin in uu meel furto oo biyo dad ku rusheeyo, oo uu yiraahdo waxaa la idinku daweynayaa lacag 40-kun oo shilin ah, haddii ay 39 tahay lagaa qaadi mayo, oo uu shaqaale qorto, odayaal adeejiyo, oo uu dhallinyaro ulo u dhiibo, oo ay dadku dhahaan shaqadii aan barasaabka ka weynay ayuu ninkan nasiiyay, culuma allay ma saxbaa?” ayuu weydiiyay dad uu si toos ah ula hadlayay Axmed Jiir oo ah basaabka Wajeer.

     

    Wajeer

    XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

    Qoraalka sawirka,Barsaabka Wajeer

    BBC-da ayaa qadka taleefanka kula xiriirtay Sheekh Maxamed Xuseen Rusheeye si ay wax uga ogaato eedahan loo jeediyay iyo waxa dhankiisa uu ka qabo.

    “Aniga waxa aan xarun weyn ku leeyahay Mandhera, waxa aan lahaa leysan ama ruqsad hal sano ah, sidoo kale waxa aan tagay Marsabit iyo Mooyaale oo aan dad ku soo Qur’aan saaray, ma jirin wax dhibaato ah oo aan la kulmay, laakiin waxaa muuqata in reer Wajeer ay qalad ka fahmeen qaabkeena daweynta Qur’aanka”, ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in mushkiladda ugu weyn ay kala kulmeen xarumo cilaaj oo kale kuwaas oo uu sheegay in uu ka shacbiyad batay, taasina ay keentay in maamul iyo culimaba ay ku kiciyaan.

    “Marka aan Wajeer ka furannay xarunteenna, waxa na soo booqday bukaanno badan si ay daweyn u helaan, waxa aan ka shacbiyad badinnay xarumihii kale ee magaalada waana sababta keentay in nalagu kaco,” ayuu sii raaciyay.

    Waxaa aan weydiinnay in lagu tuhmay in aysan marin wadada saxda ah ee Qur’aan saarka waxa uuna yiri, “Waa arrin jirta in mar kasta nala dhaho waxa aad dadka u adeegsataan sixir, xitaa maamulka iyo culimada waxa aan u sheegnay in ay xarunteenna yimaadaan si ay u arkaan sida aan dadka u quraan saarno, laakiin wax noo yimid ma arkin”, ayuu yiri.

    “Majiro sixir wax lagu daweeyo mana jirto habab qaldan oo aan dadka ku soo jiidanno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

     

    Mandera

    XIGASHADA SAWIRKA,DAARUL ABRAAR

    Barasaabka Wajeer Axmed Cabdullahi jiir, ayaa dhankiisa sheegay in magaalada aysan u oggolaan doonin qolooyinka uu sheegay in ay u arkaan kuwo dadka marin habaabinaya.

    “Walaalayaalow naga taga, meel la aado wey badan tahay, waddan la aadana wuu badan yahay, ee xuduudka Wajeer isaga baxa, bulshadana waa in laga dhaadhacsiiyo in waxan ay qalad yihiin.

    Waxaan maqlay in dadka qaar kumanaan doollar ku bixiyaan waxaan, bukaannada qaar marka ay isbitaallada tagaan ee dawooyin loo qoro qaarna loo sheego in ay dawooyinka go’een ee ay iibsadaan wey caroodaan halka meelaha kalana ay ku bixinayaan lacago badan”, ayuu yiri Barasaab Jiir oo meel fagaare ah ka hadlayey.

    Waxa uu hadalkiisa ku gunaanaday in uusan jirin dagaal gaar ah oo uu kula jiro dadkan furanaya cilaajyada balse uu sheegay in ay mas’uuliyadi ka saaran tahay ilaalinta dadkiisa.

    Diidmada ismaamulka Wajer ee Sheekh Rusheeye ayaa soo jiitameysay ilaa bishii 11-aad ee sanadkii hore.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.