Sheekh Rusheeye, waa sheekh caan ka ah guud ahaan gayiga Soomaalida, isaga oo lagu yaqaano in xarumo cilaaj ah uu ka sameeyay deegaanno kala duwan iyadoo ay ku xiranyihiin bollaal dad ah oo u badan dumar.
Hase yeeshee muddooyinkii dambe waxaa soo baxay wadaaddo kale oo iyagana loo yaqaanno βRusheeyeβ, iyagoo deegaanno dhowr ah ka sameystay Xarumo.
Waxaa kamid ah Sheekh Maxamed Xuseen Ibraahim, oo xaruntiisa weyn ay ku taallo magaalada Mandheera, sidoo kale waxa uu xarumo kale ku leeyahay Mooyaale iyo Wajeer.
Xaruntiisa Wajeer oo ah mid cusub ayaa furitaankeedii kadib waxaa ka dhashay muran badan iyadoo ay ka hor yimaadeen maamulka iyo qaar ka mid ah culimada deegaanka.
Barasaabka ismaamulka Wajeer Axmed Cabdullahi Jiir ayaa baraha bulshada ka soo muuqday isaga oo ka hadlaya in marnaba aysan oggolaan doonin raggan oo uu sheegay in dadka ay lacago badan ka uruursadaan.
Waxa uu xusay in aysan marin waddada saxda ah ee lagu yaqaanno isku daweynta kalaamka alle ee Quβaan saarka.
βQuraanka ilaahay wuxuu noo sheegay in uu daawo yahay, dadka xanuunsanna in la quraan saaro mar aan diiddeyno majirto, anagaba marka aan xanuunsanno wadaaddo ayaan u wacanna oo waa nala Quraan saaraaβ ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in aysan ahayn culimadii saxda ahayd ee kalaamka alle dadka ku Quraan saari jiray, taasina ay tahay wax aan laga aamusi Karin lana fiirsan Karin.
βArrinta Wajeer hadda ka jirta, oo nin in uu meel furto oo biyo dad ku rusheeyo, oo uu yiraahdo waxaa la idinku daweynayaa lacag 40-kun oo shilin ah, haddii ay 39 tahay lagaa qaadi mayo, oo uu shaqaale qorto, odayaal adeejiyo, oo uu dhallinyaro ulo u dhiibo, oo ay dadku dhahaan shaqadii aan barasaabka ka weynay ayuu ninkan nasiiyay, culuma allay ma saxbaa?β ayuu weydiiyay dad uu si toos ah ula hadlayay Axmed Jiir oo ah basaabka Wajeer.

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK
BBC-da ayaa qadka taleefanka kula xiriirtay Sheekh Maxamed Xuseen Rusheeye si ay wax uga ogaato eedahan loo jeediyay iyo waxa dhankiisa uu ka qabo.
βAniga waxa aan xarun weyn ku leeyahay Mandhera, waxa aan lahaa leysan ama ruqsad hal sano ah, sidoo kale waxa aan tagay Marsabit iyo Mooyaale oo aan dad ku soo Qurβaan saaray, ma jirin wax dhibaato ah oo aan la kulmay, laakiin waxaa muuqata in reer Wajeer ay qalad ka fahmeen qaabkeena daweynta Qurβaankaβ, ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in mushkiladda ugu weyn ay kala kulmeen xarumo cilaaj oo kale kuwaas oo uu sheegay in uu ka shacbiyad batay, taasina ay keentay in maamul iyo culimaba ay ku kiciyaan.
βMarka aan Wajeer ka furannay xarunteenna, waxa na soo booqday bukaanno badan si ay daweyn u helaan, waxa aan ka shacbiyad badinnay xarumihii kale ee magaalada waana sababta keentay in nalagu kaco,β ayuu sii raaciyay.
Waxaa aan weydiinnay in lagu tuhmay in aysan marin wadada saxda ah ee Qurβaan saarka waxa uuna yiri, βWaa arrin jirta in mar kasta nala dhaho waxa aad dadka u adeegsataan sixir, xitaa maamulka iyo culimada waxa aan u sheegnay in ay xarunteenna yimaadaan si ay u arkaan sida aan dadka u quraan saarno, laakiin wax noo yimid ma arkinβ, ayuu yiri.
βMajiro sixir wax lagu daweeyo mana jirto habab qaldan oo aan dadka ku soo jiidanno,β ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

XIGASHADA SAWIRKA,DAARUL ABRAAR
Barasaabka Wajeer Axmed Cabdullahi jiir, ayaa dhankiisa sheegay in magaalada aysan u oggolaan doonin qolooyinka uu sheegay in ay u arkaan kuwo dadka marin habaabinaya.
βWalaalayaalow naga taga, meel la aado wey badan tahay, waddan la aadana wuu badan yahay, ee xuduudka Wajeer isaga baxa, bulshadana waa in laga dhaadhacsiiyo in waxan ay qalad yihiin.
Waxaan maqlay in dadka qaar kumanaan doollar ku bixiyaan waxaan, bukaannada qaar marka ay isbitaallada tagaan ee dawooyin loo qoro qaarna loo sheego in ay dawooyinka goβeen ee ay iibsadaan wey caroodaan halka meelaha kalana ay ku bixinayaan lacago badanβ, ayuu yiri Barasaab Jiir oo meel fagaare ah ka hadlayey.
Waxa uu hadalkiisa ku gunaanaday in uusan jirin dagaal gaar ah oo uu kula jiro dadkan furanaya cilaajyada balse uu sheegay in ay masβuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta dadkiisa.
Diidmada ismaamulka Wajer ee Sheekh Rusheeye ayaa soo jiitameysay ilaa bishii 11-aad ee sanadkii hore.

