Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

    August 18, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

    August 18, 2025

    Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

    August 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

      August 18, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

      August 18, 2025

      Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

      August 16, 2025

      Maxay ka wada hadleen odayaasha caawa lakulmay Gudoomye muuse salaad wehliye?

      August 15, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

      August 18, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

      August 18, 2025

      Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

      August 16, 2025

      Maxay ka wada hadleen odayaasha caawa lakulmay Gudoomye muuse salaad wehliye?

      August 15, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waxa ay tahay nooca cusub ee diyaarada halista ah ee dagaal ee ay Itoobiya soo bandhigtay iyo qiimaha lagu iibsan karo

    Waxa ay tahay nooca cusub ee diyaarada halista ah ee dagaal ee ay Itoobiya soo bandhigtay iyo qiimaha lagu iibsan karo

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 17, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    War rasmi ah oo naadir ah ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay heleen diyaarad nooca Su-30 ah oo ah jiilka 5-aad iyo kuwa istaraatiijiga ah ee dagaalka.

    Wareejinta diyaaradan ayaa ah kii kowaad kuwo dagaal oo ay ku jiraan diyaaradaha droneska.

    Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Itoobiya Marshal Berhanu Jula iyo Taliyaha guud ee ciidamada cirka Itoobiya Jan. Yilma Merdassa ayaa ka qayb galay munaasabad wareejinta waji kowaad ee diyaaradahan oo ay la socdaan kuwa iskood is wada ee droneska loo yaqaa.

    Marshal Berhanu ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Su-30 iyo kuwa istiraatijiyadeed ee dagaalka aan duuliyaha lahayn ay muhiim u yihiin ciidamada cirka ee Itoobiya si ay uga hortagto weerarada lagu soo qaadi karo dalkaas.

    “Waxaan sii wadi doonaa isticmaalka hubka casriga ah ee dagaalka ka ilaalin kara hawada Itoobiya weerar kasta,” ayuu yiri Marshal Birhanu Jula.

    Lama sheegin haddii Itoobiya soo iibsatay diyaradahan ama inay deeq ahaan ugu heshay dalka soo saara ee Ruushka.

    Xiisada Itoobiya iyo Soomaaliya

    Waxaa sii kordheysa xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay Addis la gashay Somaliland heshiis ay ku heleyso dhul xeeb leh oo laga kireeyo halkaas oo laga dhisayo deked toos ugu xiriirsan Itoobiya iyo saldhiga ciidamada badda ee itoobiya ay yeeshaan.

    Madaxda Somaliland waxay sheegeen in heshiiskaas ay ku bedelanayaan aqoonsi ay ka heleen Itoobiya oo ay balanqaadeen inay noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madaxbanaan.

    Dowlada federalka Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad gudubtay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya ka dib heshiis is afgarad ah oo Somaliland iyo Itoobiya ku dhexmaray Adis ababa.

    Heshiiskaas oo ay Soomaaliya ku tilmaamtay in uu xad gudub ku yahay qaranimadeeda ayaa huriyey xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxaysa labada dal ee dariskaa ka dib markii Soomaaliya si adag ugu jawabtay ficilkaas oo ay fariimo u dirtay Midowga Afrika, iyo ururu goboleedka IGAD.

    Dalalka Maraykanka, UK, Midowga Yurub ayaa sheegay inay taageersan yihiin midnimada iyo madaxbananida Qaranimad Soomaaliya.

    Itoobiya ayaa ka baaqatay ka qayb galka shir aan caadi ahayn oo urur goboleedka IGAD isugu yeeray dowladaha kaas oo looga hadlayo xiisada soo korortay.

    Maxay tahay diyaarada Sukhoi 30 ama SU-30

    Diyaaradan dagaal ee nooceedu yahay SU-30 waa jiilka shanaad ee diyaaradaha dagaalka ee Ruushku soo saaro kuwaas oo leh awooddo gaar ah iyo hormarin tijnoolajiyadeed oo casri ah.

    Diyaaradan ayaa leh laba matoor oo awood leh iyo xawaaro dheereeya waxaa ay jari kartaa xawaare dhan 2,121 Km saacadii. Diyaaradan ayaa sidoo kale leh laba kursi oo kala danbeeya.

    Hawada sare ayey u bixi kartaa masaafo dhan ilaa 550 metre oo u dhiganta 1,804.44 cagood.

    Faca diyaaradan ayaa ahaa mid ku xiriira ilaa Midowgii Sofiyeeti kaas oo hadba casriyeyna lagu samaynayey noocyada ay ka kooban yihiin diyaaradaha Sukhoi.

    Waxaa la soo saaray sanadkii 1992-dii waxaana naqshadaysay shirkada Sukhoi oo leh naqshaqyanta diyaaradaha militaryga iyo kuwa rayidkaba taas oo la asaasay sanadkii 1939-kii, xarunteeduna tahay Degmada Begovoy, Waqooyiga Maamulka Okrug, Moscow, ee dalka Ruushka.

    Sanadihii 1994-tii ilaa 1996-dii dufcadii ugu horeysay ee shan ka mid ah diyaaradha SU-30 ayaa gashay adeega wasarada difaaca Ruushka kuwaas oo la geeyey qaybta 54-aad ee ilaalada FAR ee saldhiga hawada ee Savasleyska ee Ruushka.

    Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn qiimaha gaarka ee Ruushku kaga iibiyo diyaaradan dalalka uu ka gaday haddana waxaa la qiyaasi karaa inay u dhaxayso Afartan ilaa Shan iyo lixdan milyan oo doolar.

    Ruushka ayaa diyaaradan u adeegsaday dagaalo ka dhacay dagaaladii ka dhacay dalalka Suuriya iyo Ukriane.

    Dalalka badan oo ku yaala qaarada Afrika ayaa helay diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ee Noocyada Sukhoi sida Algeria, Sudan, Uganda.

    Itoobiya ayaa xiriirkeeda dalalka bariga fog ee Aasiya sii xoogaysanayey wixii ka danbeeyey dagaalkii Tigreega.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

    August 18, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

    August 18, 2025

    Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

    August 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

    August 18, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

    August 18, 2025

    Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

    August 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.