Close Menu
    What's Hot

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

      February 8, 2026

      GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

      February 8, 2026

      Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

      February 8, 2026

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

      February 8, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

      February 8, 2026

      Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

      February 8, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Waxa ay tahay hadiyadda uu Putin guddoonsiiyay hoggaamiyaha laga cabsado ee Kim Jong Un

    Waxa ay tahay hadiyadda uu Putin guddoonsiiyay hoggaamiyaha laga cabsado ee Kim Jong Un

    By radiohalgan.comFebruary 20, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un siiyay gaari nooca raaxada ah oo uu Ruushka sameeyay isaga oo u guddoonsiiyay qaab hadiyad ahaaneed.

    Warbaahinta dowladda Pyongyang ayaa sheegtay in gaadiidkan raaxada ah ee nooca limousine-ka ah la gaarsiiyay guddomayaal ka socday Kim axaddii.

    Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa markii dambe xaqiijiyay hadiyadda, isagoo sheegay in ay ahayd nooca raaxada oo dhameystiran oo ah nooca uu isticmaalo Mr Putin laftiisa.

    Labada dal ee ka go’doonsan qaybo badan oo caalamka kamida ayaa xiriir dhow yeeshay tan iyo markii Ruushka uu ku duulay dalka Ukraine.

    Kuuriyada Waqooyi ayaa loo malaynayaa in ay Ruushka gacan ka siinayso dagaalka iyo dhinaca madaafiicda iyo gantaallada, inkastoo cunaqabatayn caalami ah lagu soo rogay labada waddan.

    Mr Putin ayaa ku soo dhoweeyay Mr Kim magaalada Vostochny Cosmodrome ee bariga fog ee Ruushka bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, taasoo ahayd safarkii ugu horreeyay ee dibadda ah oo uu u baxo muddo afar sano ah.

    Booqashadaas, hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi waxa uu ku kormeeray gaadiid uu leeyahay Mr Putin ee uu kamid yahay midka hadiyadda haatan loo siiyay, isagoo lagu casuumay inuu ku fadhiisto kursiga dambe. Waxay kaloo hadyad ahaan u kala qaateen qoryo.

     

    Putin iyo Kim

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Gaariga

    Kim Jong-un ayaa la rumeysan yahay inuu yahay nin aad u xiiseeya baabuurta, isla markaana uu sameeyo uruurinta baabuurta raaxada ee ajaanibka ah.

    Yo Jong oo la dhalatay Kim ayaa sheegtay in “hadiyaddu ay muujinayso xiriirka gaarka ah ee ka dhexeeya hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya” labada dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA.

    Balse wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in haddiyaddu ay jabinayso cunaqabataynta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay Kuuriyada Waqooyi, taas oo mamnuucday saadka noocyada baabuurta qaarkood oo ay ku jiraan baabuurta raaxada.

    Vladimir Putin iyo Kim Jong Un wax badan ayay wadaagaan.

    Labadaba Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa lagu eedeeyay inay noqdeen “dowlado qallafsan”.

    Labaduba waxa saaran cunaqabatayn culus oo caalami ah.

    Labada dawladood waxay ay xifaaltan iyo xurguf adagi kala dhaxaysaa Mareykanka.

    Inta badan cadawga guud wuxuu isu soo dhawayn karaa madaxda.

    Waa si ka duwan madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, oo mar ku dhawaaqay in isaga iyo Kim Jong Un ay “si kalgacayl leh uwada macaamileen”.

    Kuuriyada Woqooyi waxay leedahay warshado difaac oo aad u weyn oo leh awoodo wax soo saar oo baaxad leh. Iyada oo dagaalka Ruushka ee Ukraine uu sii socdo.

    Putin iyo Kim

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Qoraalka sawirka,Booqashadii Kim

    Mareykanka ayaa ku andacoonaya in wadahadalada hubka ee u dhaxeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi uu si “firfircoon usii socday” iyadoo la sheegay in Ruushka uu raadinayo sahayda rasaasta iyo madaafiic dheeraad ah.

    Ma jiro wax xaqiijin ah oo ka soo baxay saraakiisha Ruushka. Laakin tilmaamo badan oo aan qarsoonayn ayaa jira kuwaas oo muujinaya in Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ay doonayaan in ay kor u qaadaan iskaashiga milatari.

    Dabayaaqadii bishii Luulyo Sergei Shoigu waxa uu noqday wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horreeyay ee Ruush ah oo booqda Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii uu burburay Midowgii Soofiyeeti, markaas oo uu ka qayb galay munaasabado lagu xusayay sannad-guuradii 70-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidammada Kuuriya.

    Kim Jong Un ayaa ciyaaray doorka hagitaan ee safarkaas markii uu Mr Shoigu tusayay agagaarka goob uu ka socday bandhig hub. Wasiirka gaashaandhiga ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in dhoolatus militari oo wadajir ah uu socdo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.