Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025

      Gudoomiyaha Gobalka hiiraan mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa shir gudoomiyey kulan aan caadi aheeyn oo aay isugu yimaaden xubnaha maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobal

      May 14, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      DEGDEG:- Beledweyne jug aad u xoogan ayaa m lagga maqlayaa

      May 14, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waxa ay tahay hadiyadda uu Putin guddoonsiiyay hoggaamiyaha laga cabsado ee Kim Jong Un

    Waxa ay tahay hadiyadda uu Putin guddoonsiiyay hoggaamiyaha laga cabsado ee Kim Jong Un

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 20, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un siiyay gaari nooca raaxada ah oo uu Ruushka sameeyay isaga oo u guddoonsiiyay qaab hadiyad ahaaneed.

    Warbaahinta dowladda Pyongyang ayaa sheegtay in gaadiidkan raaxada ah ee nooca limousine-ka ah la gaarsiiyay guddomayaal ka socday Kim axaddii.

    Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa markii dambe xaqiijiyay hadiyadda, isagoo sheegay in ay ahayd nooca raaxada oo dhameystiran oo ah nooca uu isticmaalo Mr Putin laftiisa.

    Labada dal ee ka go’doonsan qaybo badan oo caalamka kamida ayaa xiriir dhow yeeshay tan iyo markii Ruushka uu ku duulay dalka Ukraine.

    Kuuriyada Waqooyi ayaa loo malaynayaa in ay Ruushka gacan ka siinayso dagaalka iyo dhinaca madaafiicda iyo gantaallada, inkastoo cunaqabatayn caalami ah lagu soo rogay labada waddan.

    Mr Putin ayaa ku soo dhoweeyay Mr Kim magaalada Vostochny Cosmodrome ee bariga fog ee Ruushka bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, taasoo ahayd safarkii ugu horreeyay ee dibadda ah oo uu u baxo muddo afar sano ah.

    Booqashadaas, hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi waxa uu ku kormeeray gaadiid uu leeyahay Mr Putin ee uu kamid yahay midka hadiyadda haatan loo siiyay, isagoo lagu casuumay inuu ku fadhiisto kursiga dambe. Waxay kaloo hadyad ahaan u kala qaateen qoryo.

     

    Putin iyo Kim

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Gaariga

    Kim Jong-un ayaa la rumeysan yahay inuu yahay nin aad u xiiseeya baabuurta, isla markaana uu sameeyo uruurinta baabuurta raaxada ee ajaanibka ah.

    Yo Jong oo la dhalatay Kim ayaa sheegtay in “hadiyaddu ay muujinayso xiriirka gaarka ah ee ka dhexeeya hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya” labada dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA.

    Balse wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in haddiyaddu ay jabinayso cunaqabataynta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay Kuuriyada Waqooyi, taas oo mamnuucday saadka noocyada baabuurta qaarkood oo ay ku jiraan baabuurta raaxada.

    Vladimir Putin iyo Kim Jong Un wax badan ayay wadaagaan.

    Labadaba Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa lagu eedeeyay inay noqdeen “dowlado qallafsan”.

    Labaduba waxa saaran cunaqabatayn culus oo caalami ah.

    Labada dawladood waxay ay xifaaltan iyo xurguf adagi kala dhaxaysaa Mareykanka.

    Inta badan cadawga guud wuxuu isu soo dhawayn karaa madaxda.

    Waa si ka duwan madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, oo mar ku dhawaaqay in isaga iyo Kim Jong Un ay “si kalgacayl leh uwada macaamileen”.

    Kuuriyada Woqooyi waxay leedahay warshado difaac oo aad u weyn oo leh awoodo wax soo saar oo baaxad leh. Iyada oo dagaalka Ruushka ee Ukraine uu sii socdo.

    Putin iyo Kim

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Qoraalka sawirka,Booqashadii Kim

    Mareykanka ayaa ku andacoonaya in wadahadalada hubka ee u dhaxeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi uu si “firfircoon usii socday” iyadoo la sheegay in Ruushka uu raadinayo sahayda rasaasta iyo madaafiic dheeraad ah.

    Ma jiro wax xaqiijin ah oo ka soo baxay saraakiisha Ruushka. Laakin tilmaamo badan oo aan qarsoonayn ayaa jira kuwaas oo muujinaya in Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ay doonayaan in ay kor u qaadaan iskaashiga milatari.

    Dabayaaqadii bishii Luulyo Sergei Shoigu waxa uu noqday wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horreeyay ee Ruush ah oo booqda Kuuriyada Waqooyi tan iyo markii uu burburay Midowgii Soofiyeeti, markaas oo uu ka qayb galay munaasabado lagu xusayay sannad-guuradii 70-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidammada Kuuriya.

    Kim Jong Un ayaa ciyaaray doorka hagitaan ee safarkaas markii uu Mr Shoigu tusayay agagaarka goob uu ka socday bandhig hub. Wasiirka gaashaandhiga ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in dhoolatus militari oo wadajir ah uu socdo.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

    May 14, 2025

    Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

    May 14, 2025

    Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

    May 14, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.