Close Menu
    What's Hot

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

      February 8, 2026

      GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

      February 8, 2026

      Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

      February 8, 2026

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

      February 8, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

      February 8, 2026

      Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas 

      February 8, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Waxa ay Somaliland uga dhigan tahay murashaxnimada Raila ee Midowga Afrika iyo sida ay u saameyn karto Soomaaliya

    Waxa ay Somaliland uga dhigan tahay murashaxnimada Raila ee Midowga Afrika iyo sida ay u saameyn karto Soomaaliya

    By radiohalgan.comFebruary 20, 20246 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika, xilligaas oo ay Soomaaliya u sharaxday Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Raysal wasaare xigeen iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibeda ee Soomaaliya.

    Raila oo horey tiro shan jeer ah oo uu tartamay ku guuldareystay in uu noqdo madaxweynaha Kenya hadda waa sagaal iyo toddobaatan jir.

    Waxa uu doonayaa in uu bedeli Muusa Faki Maxamed, Raysal wasaarihii hore ee Chad, oo saddex iyo lixdan jir ah, kaas oo muddo xileedkiisa labaad ku eg yahay horraanta sanadka soo socda.

    Raila oo markii uu shaacinayay murashaxnimadiisa uu barbar taagnaa Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, oo dhawaan Midowga Afrika u magacaabay dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa loo arkaa nin siyaasadiisa laga diidan yahay Xamar, laakiin laga jecel yahay Hargeysa.

    Sida Muqdisho iyo Hargeysa looga kala arko murashaxnimada Raila Odinga

    Madaxweyne Somaliland Muuse Biixi ayaa Nayroobi kula kulmay Raila Odinga intii ku guda jiray booqasho uu ku yimid Kenya 2020kii
    Qoraalka sawirka,Madaxweyne Somaliland Muuse Biixi ayaa Nayroobi kula kulmay Raila Odinga intii ku guda jiray booqasho uu ku yimid Kenya 2020kii

    Raila Odinga oo ah siyaasiga ugu faca weyn islamarkaas na mudada dheer xabsi ku jiray gudaha Kenya waxa uu isku tilmaamaa in uu yahay saaxiib dhow ee madaxweynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo ay isbarteen xilliyadii uu Cigaal xubinta ka ahaa dowladdii rayidka Soomaaliya oo uu Raysal wasaare ka noqday iyo dowladdii kacaanka oo uu la shaqeeyay.

    Wakiilka Somaliland ee Nayroobi Maxamed Barawaani waxa uu ku tilmaamay Raila Odinga in uu yahay halyey Afrika oo ah qofka ugu madan ee guddoomiya Golaha Fulinta Midowga Afrika, xilkaas oo ay Soomaaliya u sharaxday Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo horey usoo noqotay Raysal wasaare xigeen iyo wasiir hore.

    “Raila waa saaxiibka Somaliland, oo waxa uu ku suntan yahay dimoquraadiyadda Afrika. Wax weyn ayuu ugu fadhiyaa Afrika,” ayuu yiri Maxamed Barawaani.

    “Raila waxa uu og yahay xaquuqda ka maqan Somaliland. Taas ma ahan aragti uu keligiis qabo. Madax badan oo caalamka ah ayaa aragtidaas ka aaminsan Somaliland oo taageera qaddiyadeenna.”

    Laakiin Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ah wasiir hore oo ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya waxa uu ku tilmaamay in murashaxnimada Raila ku bureyso aragtida uu ka qabo Somaliland, oo u uku tilmaamay inay tahay mid ka hor-imaanaysa xeerarka iyo sharciyadda u yaal Midowga Afrika.

    Wakiilka Somaliland oo ka falcelinayay doodda Cabdirashiid Xaashi waxa uu ku tilmaamay mid aan gar ahayn, oo xilligeeda kasoo hor dhacday.

    Waxa uu xusay in uu aaminsan yahay in Somaliland qeyb ka tahay Afrika islamarkaas na Raila aysan ka fileyn wax ka baxsan waxa ay xaqa u leeyihiin si la mid ah sida Soomaaliya u raadineyso waxa ay xaqa u leedahay.

    Waxa uu intaa ku daray inay tahay dulmi kale oo lagu la kacayo Somaliland in Raila loo colaadiyo aragtida uu ka qabo qaddiyada Somaliland.

    Sida ay qaddiyada Muqdisho iyo Hargeysa u saameyn karto guddoomiyenimada Midowga Afrika

    Raila Odinga oo booqasho ku wehliya Raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynihii hore ee Kenya
    Qoraalka sawirka,Raila Odinga oo booqasho ku wehliya Raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynihii hore ee Kenya

    Raila Odinga oo hadda ergay u ah Midowga Afrika ayaa horey meelo fagaaro ah uga taageeray qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, isaga oo ugu baaqay Golaha Fulinta Midowga Afrika inay u aqoonsadaan Somaliland dal madaxbanaan.

    Dowladda Soomaaliya hadda kama aysan hadlin murashaxnimada Raila, se horey dhowr jeer ayay qaar ka mid ah madaxda Soomaaliya u dhaliileyn aragtida Raila oo ay ku tilmaameen inay xad-gudub ku tahay dhowrista wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

    Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibeda Soomaaliya Danjire Axmed Cawed ayaa u sheegay BBC in murashaxnimada Raila ee guddoomiyenimada Midowga Afrika ay tahay mid halis leh xilliga ay kusoo beegan tahay awgeed, isaga oo tilmaamaya xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka-ku-heysa is-afgaradka dhexmaray Hargeysa iyo Addis ee marin-badeedka la xiriira.

    Sabtidii, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay ka hor-istaageen in uu gudaha u galo xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa halkaas oo uu ka socday shirka madaxda Afrika. Addis waxay beenisay arrinkaas iyada oo ku eedeysay ilaalada wafdiga madaxweynaha inay doonayeen inay hub la galeen gudaha xarunta.

    Danjire Cawed waxa uu ku tilmaamay inay Itoobiya dedaal ugu jirto siddii ay Somaliland u heli laheyd aqoonsi caalami ah iyada oo kaashanaysa dalal kale oo qaarkood Carab yihiin. Waxa uu intaa ku daray in Raila oo loo doorto guddoomiyeha Golaha Fulinta ee Midowga Afrika inay horseedi karto in uu dedaalka aqoonsi-raadinta Somaliland uu qeyb uga noqon karo si toos ah iyo si dadban ba.

    “Abiy iyo Raila oo iskaashada waxay horseedi kartaa inay xiriirkooda iyo saameyntooda u adeegsadaan inay aqoonsi sharci darro ah ugu raadiyaan Somaliland maadaama Addis Ababa tahay xarunta Midowga Afrika,” ayuu yiri Danjire Cawed.

    Waxa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay arrinkaas taxadar iyo dareen gaar ah u yeelatay, isaga oo filaya in dowladda Kenya oo u oleleyneysa murashaxnimada Raila laga yaabo inay xiriir la sameyso Muqdisho.

    “Waxay mudan tahay in uu sharaxaad ka bixiyo, iyo xitaa raali gelin taageerada Somaliland haddii uu doonayo guddoomiyenimada Midowga Afrika,” ayuu yiri Danjire Cawed oo rajo ka muujiyay in xeerarka iyo sharciyada u yaal Midowga Afrika, iyo awoodda guddoomiyaha guddiga fulinta Midowga oo kooban inay xadidi doonto saameynta Raila.

    Waxa ay Somaliland ka fileyso Raila haddii uu nqodo Guddoomiyaha Midowga Afrika

    Raysal wasaare Abiy iyo Madaxweyne Biixi oo is-afgaradka muranka dhaliyay ku kala saxiixday Addis Ababa
    Qoraalka sawirka,Raysal wasaare Abiy iyo Madaxweyne Biixi oo is-afgaradka muranka dhaliyay ku kala saxiixday Addis Ababa

    Hargeysa waxa uu u yahay war farxad leh in Raila Odinga u tartamo Guddoomiyenimada Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo la filayo in kolkan ay tahay taraha Midowga Afrika.

    Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibeda ee Soomaaliya na waxa uu ku tilmaamay in uu Raila yahay murashax adag oo ay adag tahay in laga guuleysto.

    Laakiin farxada Hargeysa waxay dhab isu-bedeli kartaa marka ay dhacdo doorashada horraanta bisha February ee sanadka soo socda, oo uu Raila ku guuleysto.

    Laakiin maxay Somaliland ka fileysaa Raila Odinga haddii uu noqdo Guddoomiyeha Midowga Afrika?

    Maxamed Barawaani, Wakiilka Somaliland ee Kenya, waxa uu tilmaamay inay Raila ka filayaa in uu ka shaqeeyo xaqa Somaliland si la mid ah sida ay Soomaaliya ay u dooneyso in xaqeeda uu ka shaqeeyo.

    Waxa uu intaa ku daray in Raila uu u taagan yahay ka shaqeynta xaqa Somaliland iyo Soomaaliya si la mid ah dalal kale ee Afrika.

    Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ka fileyso Raila Odinga, haddii uu noqdo guddoomiyaha Midowga Afrika, in uu dhaqangeliyo qaraarkii uu soo saaray Guddiga gaarka ah ee qiimeynta Somaliland 2005tii, kaas oo ku talinayay in Somaliland mudan tahay in loo aqoonsado dal gaar ah oo madaxbanaan.

    Warbixintaas ayaa tilmaameysay in Somaliland leedahay xuduudo soo-jireen ah oo la yaqaan, iyo in uusan jirin heshiis midnimo oo ay labada dhinac kala saxiixdeen.

    “Waxaan ka fileynaa in uu Raila horey u dhaqaajiyo baaqii guddiga Midowga Afrika ee 2005tii ee ahaa in la aqoonsado Somaliland, oo uu dhaqangeliyo warbixinta iyo taladii guddiga,” ayuu yiri Maxamed Barawaani.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    MW Xasan Sheekh oo maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Masar.

    February 8, 2026

    Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

    February 8, 2026

    GOLAHA WASIIRRADA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA SHIRAY ARRIMAHA BINI’AADANIMO

    February 8, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.