Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Xukunno adag oo lagu riday Shabakad dilal Muqdisho ka fullin jirtay

    May 31, 2025

    Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

    May 31, 2025

    Hirshabelle oo daahfuray ololaha wacyigelinta dhismaha goleyaasha deegaanka Degmada Buulobarde,

    May 31, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Hirshabelle oo daahfuray ololaha wacyigelinta dhismaha goleyaasha deegaanka Degmada Buulobarde,

      May 31, 2025

      Imtixaan laga qaadayo guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo la furay

      May 31, 2025

      Taliyaha Hay’adda NISA, Sanbalooshe ayaa ka soo laabtay jiidda hore ee dagaalka kadib

      May 30, 2025

      Madaxweyne Cirro oo kulan la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka Kenya.

      May 30, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Xukunno adag oo lagu riday Shabakad dilal Muqdisho ka fullin jirtay

      May 31, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Hirshabelle oo daahfuray ololaha wacyigelinta dhismaha goleyaasha deegaanka Degmada Buulobarde,

      May 31, 2025

      Imtixaan laga qaadayo guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo la furay

      May 31, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Wax ka ogow sifooyinka ka muhiimsan quruxda ee dadka lagu soo jiito

    Wax ka ogow sifooyinka ka muhiimsan quruxda ee dadka lagu soo jiito

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 23, 20246 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Iyadoo muuqaalku uu waxtar u leeyahay aragtida hore, haddana waxaa jira astaamo kale oo tayo leh oo lagu hanto quluubta dadka.

    Iyadoo la tixgelinayo saameynta muuqaalka, iyo sida aan degdeg ugu abuurno – uguna dhegganaanno – aragtida qacda hore, way fududdahay in la maleeyo in muuqaalku uu yahay waxa inta badan la eego marka wax la jeclaanayo. Balse, iyadoo soo jiidashada jireed ay tahay waxa muuqda, haddana waxaa laga yaabaa in dhabtii waxa muhiimka ah ay tahay waxa ku jira gudaha qofka.

    Muuqaalka iyo soo jiidashadu waxay qeyb dhexe kaga jireen aragti laga qaaday dadka oo ku aaddan dabeecadaha ay door bidaan, iyadoo guulaha sida dhaqaalaha amaba in qofku guri fiican leeyahay, ay ka mid noqdeen waxyaabaha ugu yar ee qofka u yeelaya soo jiidashada.

    Taas beddelkeed, dabeecadaha sida qof aad wax isku raaci kartaan, bashaash ah oo caqli leh ayaa ka dhibco batay soo jiidashada jir ahaaneed, kuwaanoo ah waxa ay ragga iyo dumarku ku xushaan lammaanahooda.

    Qiimeynta sidan oo kale, sida ay bulshado door-biddo amaba sida aan u bixinno jawaabaha waxa aan u maleyno inay inaga dhigaan kuwo u qurux badan indhaha dadka, ayaa laga yaabaa inay saameeyaan natiijada ayuu yiri Greg Webster oo ah bare sare oo maaddada cilmu-nafsiga ka dhiga Jaamacadda Florida ee dalka Mareykanka. Tan waxay ka dhigan tahay in qiimeynta shakhsiga ay wax yar saameyneyso xogta, balse xitaa iyadoy sidaa tahay, dadku waxay caadiyan sheegeen inay door bidayaan sifaatka sida garaadka marka loo eego muuqaalka.

    Balse marka nolosha dhabta ha lagu dabaqo ma shakhsiyadda ayaan ka doorannaa muuqaalka?

    Sida uu qabo Jess Alderson, oo wax ka aasaasay barta la isku shukaansado ee So Syncd, oo dadka isticmaala uga baahan inay maraan baaritaan nafsiyan ahaan si loo cabbiro dabeecadaha shakhsiyadeed, haa waan ka door bidnaa. Tijaabo lagu sameeyay in ka bada 1,000 macmiil oo lasoo gaarsiiyay BBC Future, ku dhowaad 90% waxay muuqaalka ka door bideen shakhsiyadda.

    In la cabbiro shakhsiyadda qofka waxay noqon kartaa mid dhib badan. Baaritaannada shakhsiyadeed, oo caadi ahaan sida su’aalo u sameysan, ayaa tobnaan sano la adeegsan jiray. (Baaritaannadan ayaa loogu talogalay in lagu cabbiro inta qof ee isku raacsan odhaahyada sida “waxaan ahay nolosha iyo nafta xisbiga”.)

    Khubarrada cilmu-nafsiga ayaa aalaaba adeegsada baaritaanka Shanta Weyn, kaasoo dadka ku cabbira shan arrimood– sida uu qofku ugu furan yahay khibrado cusub, foojignaanta, bulshaawinnimo, qof wax kula fahmi kara iyo qof qalbi furan oo niyad ahaan deggan. Shantan dabeecadood ayaa loo maleynayaa inay yihiin kuwo caam ah, balse kama marna cambaareyn. In keliya la eego shantan dabeecadood ayaa soo koobaya waxa dadka soo jiita, ayuu leeyahay Webster.

    Inkastoo aysan sidii ugu fiicneyd ahayn, haddana baaritaankan wuxuu muujin karaa isu ekaanshiyaha iyo kala duwanaanshaha dadka, wuxuuna sawir weyn ka bixin karaa shakhsiyadda dadka. Qeyb ka mid ah shakhsiyadda qofkana waxay u muuqdaan kuwa ugu fiican ee muujinaya sida aan ugu qalanno xiriir dhab ah.

    Marka la eego Shanta Weyn, qof wax walba kula fahmi kara, oo muujinaya xirfadda dad la dhaqanka ee qofka (ama sida ay u yihiin qof daryeel badan), ayaa door xooggan ka ciyaaraya qiimeynta hore ee qofka shukaansi doonka ah, labadaba rag iyo dumar.

    Cilmi-yaqaannada cilmiga bulshada, oo kala ah Terri Orbuch oo ka tirsan Jaamacadda Michigan iyo Susan Sprecher oo ka socota Jaamacadda Illinois, oo labaduba Maraykanka kasoo jeeda , ayaa leh tayada la xidhiidha aqoonta, sida jidh ahaan iyo hidde ahaan qofka kale uu noogu eg yahay, sida ay inoogu dhowdahay halka ay deggan yihiin, iyo in aan oggolaanno saaxiibtinimadooda, ayaa sharaxaysa sababta isku midnimadu ay muhiim u tahay.

    Lamaanayaasha leh heerarka sare ee isku dhawaanshaha sifooyinka shakhsi ahaaneed e natiijada tijaabooyinka shakhsiyadeed e loo yaqaan ‘Big Five’ ayaa aad ugaga horeeya kuwa kale qaabka ay dhibaatooyinbka u wada xalliyaan.

    Waxa ay dadku rabaan, waa lamaanayaal bulsho ahaan, jir ahaan iyo dhaqaale ahaanba sareeya, laakiin qasab ma aha in uu qofka sidaas rabaayi ku sifaysan yahay qodobadan- Greg Webster ayaa yiri.

    In aan raadsanno lamaane inaga ina yaqaan oo aan wadaagno qaar ka mid ah dabeecadeena shaqsiyadeed, muuqaalka, deegaanka iyo bulshaba, waa “mabda’a ugu aasaasiga ah ee soo jiidashada”, waxay sidan ku waafaqaqeen Ellen Berscheid oo Jaamacadda Minnesota ka dhigta Cilmu-nafsiga, iyo Harry Reid oo ka tirsan Jaamacadda Rochester, New York ee Maraykanka.

    Laakiin kala duwanaanshaha shakhsiyadeed qaarkood ayaa laga yaabaa in ay sidoo kale qayb ka qaataan soo jiidashada. Waxaan doorbidnaa in aan ku dhex jirno kooxo heerkooda bashaashnimadu uu ka soo horjeedo keenna, taas oo lamaanaha ka dhigaysa kuwa leh tayooyin kala duwan oo wax tar u wada leh xiriirka qoyska amaba labada qof ee wax wadaaga.

    “Waxay macno samaynaysaa in aan u xuubsiibnay in aan soo jiidano dadka ugu yaraan leh xaddi go’an oo nafteenna ka duwan,” ayuu yiri Alderson, oo App-kiisu isku xiro dadka leh astaamaha sifooyin isku eg ama isku dhow.

    Imtixaanka cilmi-nafsiga ee loo isticmaalo barnaamijka shukaansiga ee So Syncd lama mid aha kan Big Five, laakiin wuxuu weydiiyaa su’aalo ku saleysan mowduucyo la mid ah – sida in qofku uu yahay mid furfuran ama in uu si fudud u samaysan karo xiriir. “Waxaan isku dunaa lamaanayaasha wadaaga dabeecadaha oo kaliya si ay u sameeyaan xiriir adag, ka dibna kaliya kala duwanaansho ku filan si ay u abuuraan xamaasad farxadeed,” ayuu yiri Alderson. “Waxaan ka digayaa tan aniga oo leh nooc kasta oo shakhsi ahaaneed ayaa shaqeyn karta, hubaalna waxaa jira faa’iidooyin iyo caqabado labadaba. Haddii ay labada qof aad isugu mid yihiin, xiriirkaasi wuxuu noqonayaa mid xoogaa cajis leh, haddi aad aad isugu dhowdihiinna, dee maalin kasta baashaal ma aha.”

    Cilaaqaadka dhexdiisa, ku qanacsanaanta oo ay weheliso astaamo kale oo soo jiidasho leh ayaa dadka ka soo saari kara waxa ugu wanaagsan, ayuu yidhi Webster. Daraasad uu la wadaagay khubarada cilmu-nafsiga bulshada Angela Bryan iyo Amanda Mahaffey, Webster wuxuu ku eegay bulshaawinimada, jir ahaan iyo dhaqaale ahaan dadka ugu sarreeya iyo saameynta oggolaanshaha ay ku leedahay isasoo jiidashadooda.

    Dhammaan saddexdan nooc waa kuwo soo jiidasho leh, sida ay cilmi-baarayaashu yiraahdaan, mid kastaa wuxuu bixiyaa nooc ka mid ah ilaalinta ama helitaanka baahiyaha aasaasiga ah, sida cuntada iyo hoyga, iyada oo loo marayo baahiyo badan oo la jecel yahay, sida qaab nololeedka quruxda badan. Laakiin, soo jiidashada waxaa loo isticmaali karaa wanaag iyo xumaan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    YouTuber caan ah oo mar sheegay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay uu ceelal ka qodayo oo dacwado loo heysto

    September 23, 2024

    Sida taleefan lagu dhex dafay London muddo yar ka dib loogu arkay dalka Shiinaha

    September 7, 2024

    Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare oo la shaaciyay iyo arday badan oo…

    August 27, 2024
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Xukunno adag oo lagu riday Shabakad dilal Muqdisho ka fullin jirtay

    May 31, 2025

    Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

    May 31, 2025

    Hirshabelle oo daahfuray ololaha wacyigelinta dhismaha goleyaasha deegaanka Degmada Buulobarde,

    May 31, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.