Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG: Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa laga hor istaagay inu galo garoonka diyaaradaha

    February 12, 2026

    DEG DEG: Rooble ahna Raโ€™iisulwasaarihii hore ee dalka ayaa loo diiday in uu galo xerada Xalane oo

    February 12, 2026

    Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku qaabilay Madaxtooyadda Villa Somalia wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska.

    February 12, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa laga hor istaagay inu galo garoonka diyaaradaha

      February 12, 2026

      DEG DEG: Rooble ahna Raโ€™iisulwasaarihii hore ee dalka ayaa loo diiday in uu galo xerada Xalane oo

      February 12, 2026

      Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku qaabilay Madaxtooyadda Villa Somalia wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska.

      February 12, 2026

      Maxaa loga wada hadlay kulankii Madaxweynaha Masar Iyo Boqorka Imaaradka Maxamed Bin

      February 12, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐–๐ž๐ž๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ˆ๐ข๐ซ๐š๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฅ๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      DEG DEG: Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa laga hor istaagay inu galo garoonka diyaaradaha

      February 12, 2026

      DEG DEG: Rooble ahna Raโ€™iisulwasaarihii hore ee dalka ayaa loo diiday in uu galo xerada Xalane oo

      February 12, 2026

      Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku qaabilay Madaxtooyadda Villa Somalia wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska.

      February 12, 2026

      Maxaa loga wada hadlay kulankii Madaxweynaha Masar Iyo Boqorka Imaaradka Maxamed Bin

      February 12, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home ยป Wax ka ogow sifooyinka ka muhiimsan quruxda ee dadka lagu soo jiito

    Wax ka ogow sifooyinka ka muhiimsan quruxda ee dadka lagu soo jiito

    By radiohalgan.comJanuary 23, 20246 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Iyadoo muuqaalku uu waxtar u leeyahay aragtida hore, haddana waxaa jira astaamo kale oo tayo leh oo lagu hanto quluubta dadka.

    Iyadoo la tixgelinayo saameynta muuqaalka, iyo sida aan degdeg ugu abuurno โ€“ uguna dhegganaanno โ€“ aragtida qacda hore, way fududdahay in la maleeyo in muuqaalku uu yahay waxa inta badan la eego marka wax la jeclaanayo. Balse, iyadoo soo jiidashada jireed ay tahay waxa muuqda, haddana waxaa laga yaabaa in dhabtii waxa muhiimka ah ay tahay waxa ku jira gudaha qofka.

    Muuqaalka iyo soo jiidashadu waxay qeyb dhexe kaga jireen aragti laga qaaday dadka oo ku aaddan dabeecadaha ay door bidaan, iyadoo guulaha sida dhaqaalaha amaba in qofku guri fiican leeyahay, ay ka mid noqdeen waxyaabaha ugu yar ee qofka u yeelaya soo jiidashada.

    Taas beddelkeed, dabeecadaha sida qof aad wax isku raaci kartaan, bashaash ah oo caqli leh ayaa ka dhibco batay soo jiidashada jir ahaaneed, kuwaanoo ah waxa ay ragga iyo dumarku ku xushaan lammaanahooda.

    Qiimeynta sidan oo kale, sida ay bulshado door-biddo amaba sida aan u bixinno jawaabaha waxa aan u maleyno inay inaga dhigaan kuwo u qurux badan indhaha dadka, ayaa laga yaabaa inay saameeyaan natiijada ayuu yiri Greg Webster oo ah bare sare oo maaddada cilmu-nafsiga ka dhiga Jaamacadda Florida ee dalka Mareykanka. Tan waxay ka dhigan tahay in qiimeynta shakhsiga ay wax yar saameyneyso xogta, balse xitaa iyadoy sidaa tahay, dadku waxay caadiyan sheegeen inay door bidayaan sifaatka sida garaadka marka loo eego muuqaalka.

    Balse marka nolosha dhabta ha lagu dabaqo ma shakhsiyadda ayaan ka doorannaa muuqaalka?

    Sida uu qabo Jess Alderson, oo wax ka aasaasay barta la isku shukaansado ee So Syncd, oo dadka isticmaala uga baahan inay maraan baaritaan nafsiyan ahaan si loo cabbiro dabeecadaha shakhsiyadeed, haa waan ka door bidnaa. Tijaabo lagu sameeyay in ka bada 1,000 macmiil oo lasoo gaarsiiyay BBC Future, ku dhowaad 90% waxay muuqaalka ka door bideen shakhsiyadda.

    In la cabbiro shakhsiyadda qofka waxay noqon kartaa mid dhib badan. Baaritaannada shakhsiyadeed, oo caadi ahaan sida suโ€™aalo u sameysan, ayaa tobnaan sano la adeegsan jiray. (Baaritaannadan ayaa loogu talogalay in lagu cabbiro inta qof ee isku raacsan odhaahyada sida “waxaan ahay nolosha iyo nafta xisbiga”.)

    Khubarrada cilmu-nafsiga ayaa aalaaba adeegsada baaritaanka Shanta Weyn, kaasoo dadka ku cabbira shan arrimoodโ€“ sida uu qofku ugu furan yahay khibrado cusub, foojignaanta, bulshaawinnimo, qof wax kula fahmi kara iyo qof qalbi furan oo niyad ahaan deggan. Shantan dabeecadood ayaa loo maleynayaa inay yihiin kuwo caam ah, balse kama marna cambaareyn. In keliya la eego shantan dabeecadood ayaa soo koobaya waxa dadka soo jiita, ayuu leeyahay Webster.

    Inkastoo aysan sidii ugu fiicneyd ahayn, haddana baaritaankan wuxuu muujin karaa isu ekaanshiyaha iyo kala duwanaanshaha dadka, wuxuuna sawir weyn ka bixin karaa shakhsiyadda dadka. Qeyb ka mid ah shakhsiyadda qofkana waxay u muuqdaan kuwa ugu fiican ee muujinaya sida aan ugu qalanno xiriir dhab ah.

    Marka la eego Shanta Weyn, qof wax walba kula fahmi kara, oo muujinaya xirfadda dad la dhaqanka ee qofka (ama sida ay u yihiin qof daryeel badan), ayaa door xooggan ka ciyaaraya qiimeynta hore ee qofka shukaansi doonka ah, labadaba rag iyo dumar.

    Cilmi-yaqaannada cilmiga bulshada, oo kala ah Terri Orbuch oo ka tirsan Jaamacadda Michigan iyo Susan Sprecher oo ka socota Jaamacadda Illinois, oo labaduba Maraykanka kasoo jeeda , ayaa leh tayada la xidhiidha aqoonta, sida jidh ahaan iyo hidde ahaan qofka kale uu noogu eg yahay, sida ay inoogu dhowdahay halka ay deggan yihiin, iyo in aan oggolaanno saaxiibtinimadooda, ayaa sharaxaysa sababta isku midnimadu ay muhiim u tahay.

    Lamaanayaasha leh heerarka sare ee isku dhawaanshaha sifooyinka shakhsi ahaaneed e natiijada tijaabooyinka shakhsiyadeed e loo yaqaan โ€˜Big Fiveโ€™ ayaa aad ugaga horeeya kuwa kale qaabka ay dhibaatooyinbka u wada xalliyaan.

    Waxa ay dadku rabaan, waa lamaanayaal bulsho ahaan, jir ahaan iyo dhaqaale ahaanba sareeya, laakiin qasab ma aha in uu qofka sidaas rabaayi ku sifaysan yahay qodobadan- Greg Webster ayaa yiri.

    In aan raadsanno lamaane inaga ina yaqaan oo aan wadaagno qaar ka mid ah dabeecadeena shaqsiyadeed, muuqaalka, deegaanka iyo bulshaba, waa “mabda’a ugu aasaasiga ah ee soo jiidashada”, waxay sidan ku waafaqaqeen Ellen Berscheid oo Jaamacadda Minnesota ka dhigta Cilmu-nafsiga, iyo Harry Reid oo ka tirsan Jaamacadda Rochester, New York ee Maraykanka.

    Laakiin kala duwanaanshaha shakhsiyadeed qaarkood ayaa laga yaabaa in ay sidoo kale qayb ka qaataan soo jiidashada. Waxaan doorbidnaa in aan ku dhex jirno kooxo heerkooda bashaashnimadu uu ka soo horjeedo keenna, taas oo lamaanaha ka dhigaysa kuwa leh tayooyin kala duwan oo wax tar u wada leh xiriirka qoyska amaba labada qof ee wax wadaaga.

    “Waxay macno samaynaysaa in aan u xuubsiibnay in aan soo jiidano dadka ugu yaraan leh xaddi go’an oo nafteenna ka duwan,” ayuu yiri Alderson, oo App-kiisu isku xiro dadka leh astaamaha sifooyin isku eg ama isku dhow.

    Imtixaanka cilmi-nafsiga ee loo isticmaalo barnaamijka shukaansiga ee So Syncd lama mid aha kan Big Five, laakiin wuxuu weydiiyaa su’aalo ku saleysan mowduucyo la mid ah โ€“ sida in qofku uu yahay mid furfuran ama in uu si fudud u samaysan karo xiriir. “Waxaan isku dunaa lamaanayaasha wadaaga dabeecadaha oo kaliya si ay u sameeyaan xiriir adag, ka dibna kaliya kala duwanaansho ku filan si ay u abuuraan xamaasad farxadeed,” ayuu yiri Alderson. “Waxaan ka digayaa tan aniga oo leh nooc kasta oo shakhsi ahaaneed ayaa shaqeyn karta, hubaalna waxaa jira faa’iidooyin iyo caqabado labadaba. Haddii ay labada qof aad isugu mid yihiin, xiriirkaasi wuxuu noqonayaa mid xoogaa cajis leh, haddi aad aad isugu dhowdihiinna, dee maalin kasta baashaal ma aha.”

    Cilaaqaadka dhexdiisa, ku qanacsanaanta oo ay weheliso astaamo kale oo soo jiidasho leh ayaa dadka ka soo saari kara waxa ugu wanaagsan, ayuu yidhi Webster. Daraasad uu la wadaagay khubarada cilmu-nafsiga bulshada Angela Bryan iyo Amanda Mahaffey, Webster wuxuu ku eegay bulshaawinimada, jir ahaan iyo dhaqaale ahaan dadka ugu sarreeya iyo saameynta oggolaanshaha ay ku leedahay isasoo jiidashadooda.

    Dhammaan saddexdan nooc waa kuwo soo jiidasho leh, sida ay cilmi-baarayaashu yiraahdaan, mid kastaa wuxuu bixiyaa nooc ka mid ah ilaalinta ama helitaanka baahiyaha aasaasiga ah, sida cuntada iyo hoyga, iyada oo loo marayo baahiyo badan oo la jecel yahay, sida qaab nololeedka quruxda badan. Laakiin, soo jiidashada waxaa loo isticmaali karaa wanaag iyo xumaan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waxaa farxad iyo guul weyn ii ah in aan soo gabagabeeyo buuggii aan muddo dheer ku hawlanaa, kaas oo cinwaankiisu yahay Halgan

    January 25, 2026

    Sama fale Cabdicasiis Muudeey oo u dhaq-dhaqaaqa caawinta bulshada dan yarta ah ayaa weli wada caawinta iyo afurinta qoysaska danyarta ah ee beledweyne ku sugan. (SAWIRRO)

    March 19, 2024

    Sida khuuradu u dhibaateyn karto guurkaaga iyo xalka looga bogsan karo

    March 19, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG: Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa laga hor istaagay inu galo garoonka diyaaradaha

    February 12, 2026

    DEG DEG: Rooble ahna Raโ€™iisulwasaarihii hore ee dalka ayaa loo diiday in uu galo xerada Xalane oo

    February 12, 2026

    Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku qaabilay Madaxtooyadda Villa Somalia wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska.

    February 12, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.