Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan

      May 13, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

      May 13, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan

      May 13, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Wax ka ogow sida Trump iyo Harris ay ka yeeli doonaan arrimaha ay ka midka yihiin socdaalka, xashiishka iyo hubka

    Wax ka ogow sida Trump iyo Harris ay ka yeeli doonaan arrimaha ay ka midka yihiin socdaalka, xashiishka iyo hubka

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comNovember 4, 20246 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sicir-bararka

    Harris ayaa sheegtay in ahmiyaddeeda maalinta koowaad ay noqon doonto isku dayidda yareynta qiimaha cunnada iyo guryaha ee qoysaska shaqeeya.

    Waxay ballan-qaadday inay mamnuuci doonto badeecadaha qiimahoodu aadka u sarreeyo, caawin doonto dadka markoodii ugu horreysay guri iibsanaya, kordhin doonto bixinta guryaha ayna sare u qaadi doonto mushaarka ugu yar.

    Sicir-bararka ayaa kordhay inta uu Biden xilka hayo, si la mid ah dalal badan oo galbeed, waxaa qeyb ka ah saameynta ka dhalatay Covid iyo dagaalka Ukraine.

    Trump ayaa ballan qaaday inuu “soo afjari doono sicir-bararka uuna mar kale Mareykanka ka dhigi doono mid noloshiisa la awoodo” markii wax laga weydiiyayna wuxuu sheegay in shidaal qodis badan oo la sameeyo ay dhimi doonto qiimaha shidaalka.

    Wuxuu ballan qaaday in qiimaha dul-saarka uu yareyn doono, taasoo ah wax madaxweyne uusan xakameynin, wuxuuna sheegay in musaafurinta muhaajiriinta aan sharciyeysneyn ay fududeyn doonto cadaadiska saaran guryaha. Dhaqaale-yahannada ayaa ka digay in ballan qaadkiisa ah inuu canshuur badan kusoo rogi doono waxyaabaha lasoo dhoofiyo ay sare usii qaadi karto qiimaha.

    Mareykanka

    Canshuuraha

    Harris waxay dooneysaa inay canshuurta ku kordhiso ganacsiyada waaweyn iyo dadka Ameerikaanka ah ee sanadkii sameeya lacag dhan $400,000 (£305,000).

    Balse waxay sidoo kale daaha ka qaadday tiro tallaabooyin ah oo fududeyn kara culeyska canshuurta ee qoysaska saaran.

    Waxay khilaaftay siyaasadda Biden, waxayna taageersan tahay in kordhin dhexdhexaad ah la sameeyo oo ka kacaysa 23.6% gaareysana 28% cmarka loo barbardhigo tan Biden oo ah 44.6%.

    Trump ayaa soo jeediyay tiro dhimidda canshuurta oo gaareysa tirilyanno, ayna ku jiraan sii wadidda dhimiddii 2017 oo inta badan caawisay maal-qabeennada.

    Mareykanka

    Ilmo iska soo rididda

    Harris ayaa xuquuqda ilmo iska soo ridda ololaheeda udub dhexaad uga dhigtay, iyadoo sii wadda u ololeynta sharci dhowri doona xuquuqda taranka ee guud ahaan dalkaas.

    Trump ayaan la dalaa-dhacayay inuu farriin joogto ah ka dhiibto ilmo iska soo rididda.

    Saddexda xaakim ee uu Maxkamadda ugu Sarreysa u magacaabay intii uu madaxweyne ahaa ayaa ka dambeeya inay meesha ka saaraan xaqa dastuuriga ah ee ilmo iska soo rididda.

    Mareykanka

    Socdaalka

    Harris ayaa loo xil-saaray wax ka qabashada waxa sababay xasaradda xadka koofureed waxayna gacan ka geysata in balaayiin doollar oo lacago gaar ah la uruuriyo si maalgashi goboleed loogu sameeyo taasoo looga gol leeyahay dhimidda qulqulka waqooyiga.

    Tiro aad u badan oo dad ah ayaa kasoo gudbay Mexico dhammaadkii 2023 balse tirada ayaa hoos u dhacday wixii markaa ka dambeeyay. Ololahan, ayay sii adkeysay halka ay ka taagan tahay waxayna xoojisya khibraddeeda dacwad-ooge ahaan oo ku sugan California oo ay la tacaali jirtay mukhalasiinta dadka tahriibiya.

    Trump ayaa wacad ku maray inuu xadka xiri doono isagoo dhammeystiraya dhismaha derbiga kordhinayana ciidanka halkaa jooga. Balse wuxuu ku boorriyay Jamhuuriyiinta inay la yimaadaan sharci adag oo ka dhan ah socdaalka, ay taageertay Harris. Waxay sheegtay in sharcigaas ay dib usoo nooleyn doonto haddii la doorto.

    Wuxuu sidoo kale ballan-qaaday musaafurintii ugu ballaarneyd ee muhaajiriinta aan diwaan-gashaneyn inta la ogyahay taariikhda Mareykanka. Khubarrada ayaa BBC u sheegay in tan ay wajihi karto loolan dhanka sharciga ah.

    Mareykanka

    Siyaasadda arrimaha dibadda

    Harris ayaa wacad ku martay inay taageeri doonto Ukraine “ilaa inta ay qaadaneyso”. Waxay sheegtay, haddii la doorto, inay hubin doonto in Mareykanka ma aha Shiinaha uu ku guuleysan doono “tartanka Qarniga 21aad”.

    Waxay muddo dheer u ololeyneysay xalka labo dal oo u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, waxayna ku baaqday soo afjaridda dagaalka Qasa.

    Trump ayaa leh siyaasad arrimaha dibadda oo go’doon ah wuxuuna doonayaa in Mareykanka inuu ka fogaado isku dhacyada meelaha kale ee dunida.

    Wuxuu sheegay inuu aoo afjari doono dagaalka Ukraine muddo 24 saacadood gudahood ah isagoo u maraya wada xaajoodyo lala galo Ruushka, taasoo ah tallaabo ay Dimuqraaddiyiintu ku sheegeen inay awood sii siin doonto Vladimir Putin.

    Trump ayaa caddeeyay inuu taageere u yahay Israa’iil balse wax badan kama dhihin sida uu usoo afjari doono dagaalka Qasa.

    Mareykanka

    Ganacsiga

    Harris ayaa cambaareysay siyaasadda aan waxba reebin ee Trump ee canshuur dheeri ah loogu soo rogayo waxyaabaha lasoo dhoofiyo, iyadoo ugu yeertay canshuur qaran oo loogu talo galay qoysaska shaqeeya taas oo qoys walba sanadkii ugu kici doonta $4,000.

    Waxaa laga filayaa hannaan kaaka duwan oo lagu canshuurayo waxyaabaha lasoo dhoofiyo, iyadoo la joogteynayo canshuuraha maamulka Biden-Harris ay kusoo rogeen qaar ka mid ah badeecadaha Shiinaha sida gawaarida korontada ku shaqeeya.

    Trump ayaa canshuuraha ka dhigay udub dhexaadka ololihiisa si uu u dhowro ganacsiyada Mareykanka. Wuxuu soo jeediyay canshuur 10-20% ah oo lagu soo rogayo inta badan badeecadaha dibadda laga keeno, iyo kuwo aad u sarreeya oo lagu soo rogo kuwa Shiinaha ka yimaada.

    Wuxuu sidoo kale ballan qaaday inuu shirkadaha ku qancin doono inay joogaan Mareykanka oo ay badeecooyin soo saaraan, iyadoo laga qaadayo canshuur yar.

    Mareykanka

    Cimilada

    Harris, madaxweyne ku xigeen ahaan ayaa gacan ka geysatay in la meel mariyo Sharciga Yareynta Sicir-bararka, kaasoo keenay in boqollaal balaayiin oo doolar la geliyo tamarta la cusbooneysiin karo.

    Trump, intii uu Aqalka Cad joogay, wuxuu la yimid boqollaal hab oo deegaanka lagu dhowrayo, waxaana ka mid ah xaddidaadda gaaska carbon dioxide ee kasoo baxaya warshadaha iyo gawaarida.

    Ololahan ayuu ku ballan qaaday inuu wax uga qaban doono gawaarida korontada ku shaqeeya.

    Mareykanka

    Daryeelka caafimaadka

    Harris ayaa qeyb ka ahayd maamulka Aqalka Cad oo yareeyay qiimaha dawooyinka iyagoo qiimaha insulin-ta ka dhigay $35.

    Trump, oo mar walba ballan ku qaadi jiray inuu wadi doono sharciga Affordable Care Act, ayaa sheegay in haddii la doorto uu keliya sii hagaajin doono, isagoo aan wax gaar ah sheegin. Sharciga ayaa loogu talogalay in caymis caafimaad uu siiyo malaayiin qof oo dheeraad ah.

    Mareykanka

    Sharciga iyo kala dambeynta

    Harris ayaa isku dayday inay is barbardhigto khibraddeeda dacwad-ooge ahaan iyo xaqiiqda ah in Trump lagu eedeeyay dembi.

    Trump ayaa ballan ku qaaday inuu baabi’in doono kuwa daroogada ka ganacsada, burburin doono rabshadaha burcadda uuna dib u dhisi doono magaalooyinka ay Dimuqraadiyiintu maamulaan oo uu sheegay inay dembiyadu ku badan yihiin.

    Wuxuu sheegay inuu adeegsan doono milatariga ama Ilaalada Qaranka.

    Mareykanka

    Hubka

    Harris ayaa arrin muhiim ah ka dhigtay ka hortagga rabshadaha hubka la isku adeegsado, iyo in iyada iyo Tim Walz – oo labadooduba ay hub heystaan – ay aalaaba u ololeyn doonaan shuruuc adag. Balse in la ballaariyo hubinta amaba mamnuucidda hubka dhibaatada lagu geysto ay u baahnaan doonto caawinaadda Kongareeska.

    Trump ayaa caddeeyay taageerada uu u hayo wax ka beddelkii labaad, ee ah xaqa dastuuriga ah ee heysashada hubka. Mar uu ka khudbeynayay munaasabadda Ururka Qaranka ee Qoriga bishii May, ayaa wuxuu sheegay inuu yahay saaxiibkooda ugu fiican.

    Mareykanka

    Daroogada marijuana

    Harris ayaa ku baaqday inaan dembi laga dhigin daroogada marijuana. Waxay sheegtay in dad badan xabsiga la geeyay sababo la xiriira in lagu arkay daroogadan.

    Trump ayaa mar walba aan si adag uga hadlin waxa u qorsheysan wuxuuna sheegay inay tahay waqtigii lasoo afjari lahaa xirixiridda aan loo baahneyn ee dadka waaweyn ee lagu arko xaddi yar oo marijuana ah oo ay naftooda u isticmaalayeen.

    Mareykanka

    Mowduucyada la xiriira

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

    May 13, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.