Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025

    Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

    July 29, 2025

    Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda.

    July 29, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

      July 29, 2025

      Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

      July 29, 2025

      Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda.

      July 29, 2025

      Maxay ka wadahadleen Gen Odawaa iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya?.

      July 29, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Akhriso:- WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

      July 22, 2025

      Samatabbixiyeyaasha Congo oo gacmahooda ku qodaya si ay soo saaraan macdan qodayaal ku go’doonsan Dhulka.

      July 22, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

      July 29, 2025

      Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

      July 29, 2025

      Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda.

      July 29, 2025

      Maxay ka wadahadleen Gen Odawaa iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya?.

      July 29, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Wax ka ogow saddex faa’iido weyn oo Turkiga ka helayo heshiiska difaac ee Soomaaliya

    Wax ka ogow saddex faa’iido weyn oo Turkiga ka helayo heshiiska difaac ee Soomaaliya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 29, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Warbixin dheer oo uu qoray Machadka daraasaadka siyaasadda Emirates Policy Center ayaa waxaa looga hadlay heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo uu hadda bilowday dhaqan-galkiisa.

    Maqaalkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ciwaan looga dhigay ‘Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya: Go’aan qaadasho laga baaraan dagay, mise tallaabo loo qaaday meel aan la aqoon’.

    Sidoo kale waxaa lagu soo koobay saddex faa’iido waa weyn oo Turkigu ka helayo heshiiska difaac ee uu haatan la galay dowladda federaalka, kaas oo kusoo aaday, kadib heshiiskii muranka badan dhaliyay ee Addis Ababa ku dhexmaray Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

    1-Joogtitaan buuxa oo milatari; Warbixinta Emirates Policy Center ayaa lagu sheegay in Turkiga heshiiskan difaac uu ka helayo awood maamul oo aan horay loo arag, isla markaana uu ku yeelanayo dhulka, badda iyo cirka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Sidoo kale waxa maqaalka lagu shaaciyay in heshiiskan uu ka duwan yahay kuwii horay u dhex-maray labada dowladood oo ah saaxibo dhow oo uu ka dhexeeyo xiriir aad u sarrreeyo.

    2-Gorgorton heer Caalami ah; Waxaa kale oo Emirates Policy Center ku warramay in heshiiskan difaaca uu Ankara siinayo fursad kale oo ay kula gorgortanto dowladaha waa weyn, sida Mareykanka oo isna taageero milatari siiyo dowladda federaalka Soomaaliya.

    “Tani waxa ay saameyn ku yeelan kartaa baaxadda iskaashiga ama khilaafka Ankara iyo Washington ee bariga dhexe” ayaa lagu yiri maqaalka lagu daabacay Emirates Policy Center.

    3-Isku fidinka Geeska Afrika; Nuqul kamid ah maqaalkan oo si weyn loo akhristay ayaa lagu sheegay in Turkigu sii ballaarinayo awoodiisa Geeska Afrika, balse heshiiskan cusub ee difaaca ayuu Emirates Policy Center sheegay inuu caqabad ku noqon karo dowladda Itoobiya, gaar ahaan qorshaha ay ku dooneyso inay marin biyood ka hesho Badda Cas.

    “Tani ayaa waxa ay ku qabsi kartaa Itoobiya in ay u hoggaansanaanto damaca iyo rabitaanka Turkiga, si uusan usoo socon heshiiskan ama ugu yaraan ay uga badbaado saameyn xun oo xun oo ka dhan danaheeda” ayaa lasii raaciyay warbixinta.

    Turkiga ayaa dhankiisa aaminsan in Itoobiya ay mudnaan wayn siin doonto sii wadida xiriirka kala dhexeeya Ankara, ayada oo la eegayo xiisadda haatan kala dhexeyso Masar..

    Si kastaba, Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga oo ah mid difaac oo muhiim ah ayaa kusoo aaday, waxyar kadib markii ay Itoobiya heshiis badeed la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ay si wayn uga hortimid dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025

    Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

    July 29, 2025

    Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda.

    July 29, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Iska horimaad kooban ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan,

    July 29, 2025

    Wasiir Karoore ayaa magacaabis cusub ku sameeyay maamulka Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

    July 29, 2025

    Xaalada Beledxaawo oo saaka degan, iyo Barakac hor leh oo socda.

    July 29, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.