Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Wax ka ogow guusha weyn ee ay Ilhaan Cumar ka gaartay doorashada xisbiga dimuquraadiga ah

    Wax ka ogow guusha weyn ee ay Ilhaan Cumar ka gaartay doorashada xisbiga dimuquraadiga ah

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 12, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa ku guulaysatay taageerada iyo doorashada xisbiga dimoqoraadiga ah ee DFL ee gobolka Minnesota kaas oo ah tartankeedii dib-u-doorashada ee degmada 5-aad ee Koongareeska Minnesota wareeggii koowaad ee codbixinta.

    Taageerada ayaa daah furaysa ujeedada xisbiga ee gobolka ka hor tartanka hordhaca ah ee bisha Agoosto.

    Xildhibaan Ilhaan ayaa ku guulaystey taageerada xubintii hore ee golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis oo ay kaga adkaatay Don Samuels oo ah ninka la tarmaya, kaasoo ay kaga guuleysatay boqolkiiba laba kaliya 2022-kii. Intii lagu guda jiray qayb su’aalo iyo jawaabo ah oo ka mid ah shirarka, Ilhaan Cumar ayaa wax laga waydiiyay dagaalka Qasa oo ay ku tilmaantay “xasuuq.”

    “Ma jirto qaab aan anaga muwaadiniinta dalkan ugu ogolaan karno in aan canshuurteena dollarka ku bixino bambooyinka lagu baabi’inayo dadka rayidka ah,” ayey Ilhaan Cumar ku tiri hadal ay ka hor jeedisay kasoo qaybgalayaasha.

    Don Bacon oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo laga soo doorto Nebraska ayaa soo bandhigay qaraar lagu canaananayo Ilhaan Cumar oo uu ka sheegay eedeymo la xiriira qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha Yuhuudda inay ka qayb qaateen xasuuq. Samuels waxa uu sheegay in uu qorshaynayo in uu ku sii jiro tartanka degmadan ee xisbiga dimuqraadiga si xooggan.

     

    Halka Samuels uu ku doodayo hadallada Ilhaan Cumar in ay yihii kuwo dadka kala fogeynaya isla markaana kala qaybinaya degmada, waxa uu mooshinka canaanta ah ee Bacon ugu yeeray siyaasad. Isaga oo isla su’aashaas ka jawaabaya, Samuels waxa uu dagaalka ugu yeeray “xaalad qalafsan oo aad u gurracan.”

    “Inaad hoggaamiso degmo ay ku badan yihiin Yuhuuda iyo Muslimiinta, halkii ay kulamadu ka noqon lahaayeen shirweyne wada hadal, halkaas oo khatartu aad uga yar tahay xiisadduna ka hooseeyso tan Bariga Dhexe lafteeda, iyadu waxay dooratay hal dhinac,” Samuels ayaa sidaas u sheegay warbaahinta MPR.

    Ilhaan

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Labada tartamayaal Samuels iyo Ilhaan Cumar ayaa khudbado kala duwan kula hadlay taageerayaashoodii ku sugnaa dugsiga sare ee South High ee Minneapolis.

    Samuels ayaa helay 85 cod halka xildhibaan Ilhaan Cumar ay heshay 133 cod. Samuels ayaa wacad ku maray inuu ku sii jiri doono tartanka, kaasoo noqon doona mid si dhow isha loogu hayo marka ay noqoto tartanka xisbiga Dimuqraadiga ee dalka oo dhan.

    Maxaan ka ognahay Ilhaan Cumar

    Ilhan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Kongreska bishii November 2016-kii, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka Kongreska Mareykanka.

    Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto Kongreska iyadoo xiran xijaab.

    Waxaa horay loogu eedeeyay falal Yuhuud-Naceyb ah kaddib markii ay ka hadashay Isra’iil iyo kooxaha u ololeeyo dalkaas.

    Ilhaan

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Ilhan ayaa sidoo kale ka hadashay falalka Islaam neceybka ah ee lagula kaco Muslimiinta, xili ay ka falcelineysay hadal uu soo qoray xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga isaga oo soo qaatay sawir muujinaya daarihii Twin Towers oo gubanaya.

    Booliska ayaa ku xiray nin 55 jir ah gobolka New York, kaddib markii lagu eedeeyay inuu xafiiskeeda ku dhajiyay sawir loogu handadayo dil kaas oo uu ku sheegay inay tahay “argagixiso”.

    Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska Mareykanka ayaa mar loo magacaabay gudoomiye kuxigeenka guddi hoosaadka awoodda u leh arrimaha Afrika iyo arimaha xuquuqul insaanka caalamka.

    Doorkeeda cusub, Ilhan waxay sheegtay inay si gaar ah u danaynayso “inay kormeerto arrimaha gargaarka caalamiga ah iyo siyaasadda dibadda” ee Afrika.

    Ilhan ayaa horay uga mid ahayd guddiga arrimaha dibedda ee aqalka Kongareska inkasta oo dadka dhaleeceeya ay horay ugu baaqeen in laga saarayo kadib hadalo si weyn loo dhaliilayoo ay jeedisay sanadkii 2019-kii oo ku saabsanaa saameynta siyaasadeed ee Isra’iil ku leedahay Maraykanka

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.