Ilaa markii ay UK ku dhawaaqday in ay muhaajiriinta geyneyso Rwanda waxaa bilwoday dad hore dalka u joogay oo sugayay in codsigooda la aqbalo ay ka baxaan iyagoo aaday wamada kale ay filayaan in laga aqbalayo.
Ireland ayaa ka mid ah dalalka ay galeen muhaajiriinta ka baxay UK oo ka baqayay in la geeyo Rwanda. Cali ma ahan magaciisa saxd ah. Waa wiil Soomaali ah oo UK u yimid inuu ka helo magangalyo. Waxaa uu ka mid ahaa muhaajriinta la dajiyay guryaha ay dowladda u qorsheysay. Wuxuu BBC uga warramay xaaladiisa markii uu ku sugnaa UK.
“UK ayaan labo sano iyo xoogaa joogay, dhowr mar ayey na yiraahdeen waa la idin qaadayaa, danta waxay nagu kaliftay in aan ka soo baxno oo aan raadino meeshii aan xal ka heli karno.”
Cali iyo dad badan oo isaga la mid ah waxay soo mareen dalal badan oo aan laga oggolaan codsigooda. Markii ay UK yimaadeen waxay la kulmeen in la geynayo Rwanda. Waxa uu ka mid ahaa dadka ku jiray xeryaha qaxootiga lagu hayo, waxaa uuna sheegay in ay aheyd meel yar oo la joogi karay balse markii dambe noloshu ay ku adkaatay.
“Markii la yiri Rwanda ayaa loo qaadayaa dadka waxaan kala garan weynay jawi aan ku jirno, dhowr qof ayaan aheyn, qofba meel ayuu ka dhacay, aniga ayaa ugu dambeeyay oo imid Ireland”, ayuu yiri Cali.
Muhaajriinta sida Cali waxay soo mareen safar khatar badan, lacag badannna way ka soo abxday. Waxay sameynaan wax kasta oo ay ku sii joogi karaan Yurub.
UK ma ogolaaneyso in dib loo soo celiyo magangalyo doonka u gudbo Ireland
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ireland ayaa dhawaan sheegay in dad ka baqaya in la geeyo bariga Afrika ay u soo gudbayaan Waqooyiga Ireland.
Wasiirada Ireland ayaa diyaarinaya qeynuuno deg-deg ah oo meesha ka saaraya go’aankii maxkamadda ee mamnuucayay in UK dadka lagu celiyo balse ra’iisul wasaare Rishi Sunak ayaa sheegay in UK ayasn dooneyn in ay aqbasho dadka ka soo laabanaya Ireland.
“Ma aqbaleyno dad ka soo laabtay dalalka Midowga Yurub ee soo maray Ireland iyadoo Midowga Yurub aysan aqbaleyn dadka ku laabanaya Faransiiska halkaasi oo muhaajiriinta sharciga haysan ay nooga yimaadaan,” ayuu u sheegay ITV.
UK waxay dooneysaa in ay maganglayo doonka u dirto Rwanda laga bilaabi bisha July taas oo ah qorshe ay ku joojineyso muhaajiriinta doonyaha yar yar kaga soo galaya badda dhinaca Faransiiska.
Ismariwaaga ayaa soo ifbaxay kaddib markii dowladda Ireland ay ku dhawaaqday qorshooyinkeeda ay ku keeneyso sharci ogolaanaya in magangalyo doonka lagu celiyo UK.
Arrinta ayaa ku soo aaday kaddib markii makamadda sare ee Ireland ay amartay bishii March in UK aheyn dal badqab u ah muhaajiriinta oo lagu celiyo sababtuna waxay ku sheegeen siyaasadda Rwanda.
Ma jiro qorshe la xiriira sida lagu maareynayo howshan ayuu yiri ku xigeenka hoggaamiyaha Ireland Micheál Martin balse aqalka looga taliyo UK Downing Street waxay sheegeen xitaa hadii Ireland ay ogolaato qeynuunka cusub, dowladda UK ayey u taal in ay go’aansato cidda ay aqbaleyso iyo cidda aan diideyso.
Arrintan ayaa meel sare gaartay kadib markii wasiirka caddaladda Ireland Helen McEntee ay u sheegtay baarlamaanka Ireland in 80% magangalyo doonka dhawaan dalka yimid ay kaga yimaadeen dhanka Waqooyiga Ireland. Ma aysan sheegin tiradaas mudada ay ku yimaadeen balse waxaa la sheegay in aysan ku saleysneyn cadeymo sax ah ama tirokoob.
Waxaa cad in tirada muhaajirinta ee la arkay ay muujineyso in isbeddel uu jiro oo ah halka ay ka imaanayaan muhaajiriinta, waxaana la sheegay in dowladda Ireland ay dareentay in isbeddelka uu yimid laga soo bilaabo labadii sano ee la soo dhaafay.
Ms McEntee waxay sheegtay ilaa hadda in tiro aad u badan oo magangalyo doon ah oo yimid Ireland ay dalabkooda ka sameeyeen gudaha halkii ay codsiyadooda ka sameyn lahaan meelaha dalka laga soo galo sida garoonka diyaaradaha, taasna waxay muujineysaa ayey tiri in dadka ay nooga yimaadeen dhinaca UK iyagoo dhulka soo maray.
Ra’iisul wasaaraha UK Rishi Sunak waxa uu ku doodayaa in kororka muhaajiriinta ee galaya Ireland ay cadeyn u tahay in qorshahiisa Rwanda uu shaqeynayo.
Sharciga Rwanda waa la ansixiyay
Mashruuca Rwanda marar badan ayuu dib u dhacay balse hadda wasiirada waxay ku rajo weyn yihiin in duulimaadyada ay bilaabmaan kaddib markii uu hirgalay sharci ogolaanayay toddobaadkii hore.
Dowladda UK waxay ku bixineysaa lix boqol oo kun oo doolar ilaalinta xuduudaha si looga hortago doonyaha yar yar ee soo galaya UK iyo xarun cusub oo dadka lagu hayo taas oo ku taal Faransiiska.
Si kasta ha ahaatee ma jiraan heshiis rasmi ah ilaa marki Britain ay ka baxday Midwoga Yurub oo UK u ogolaanaya in magangalyo doonka lagu celyo Faransiiska hadiiba mar ka soo gudbaan badda u dhexeysa UK iyo Faransiiska
Mar la weydiiyay ra’iisul wasaare Sunak hadii ay jiraan wadaxaajoodyo socda oo Midowga Yurub dadka loogu celyo, waxa uu ku jabaabay ‘Maya’ balse waxaan xogga la saarayaa in aan socodsiiyo mashruuca Rwanda dadka lagu geynayo
BBC SOMALI