Waxaa maalmihii ugu danbyey si weyn u soo xoogaysanayey Appab kala duwan ee nooca dhijitalka ah ama hababka onlineka ee lacagaha lagaga shaqeeyo oo Soomaali badan looga dhacay lacago kala duwan kuwaas oo loo sheegay horraan inay helayaan faa’iidooyin badan muddo kooban.
Aaladdahan waxaa ka mida ‘CJ ONSTYLE’, TRADEBOT’, 2139 Exchange iyo kuwa kale oo dad badan oo Soomaali ah ay ka cabanayaan in lacago looga dhacay.
Daahir Axmed Kulmiya oo aqoon durugsna u leh lacagaha dhijitaalka ah ayaa BBC-da u sheegay in inta badan aaladanahan ay adeegsadaan dad si farsamaysan u dhaca dadka nugul ee doonaya inay si deg dega faa’iido ku helaan iyagoo indha sarcaad uga dhigaya xajmiga lacageed ee ay helayaan
‘‘ Waa qalin shubato ayaan dhihi karaa,waxbadan oo cilmi ah kuma dhisna marka aad eegto laakin dadka nugul ee aqoonta u lahayn arrimahan ayey dhacaan” ayuu yiri Daahir.
Wuxuu sheegay inay dadka habka online u adeegsada in lacago ay kala sarifaan ay hadba daggal cusub oo internerka ah iyo magacyo kala duwan ay samaystaan oo ay ka guuraan kuwii hore loogu bartay ee ay dad ku dhaceen.
‘‘ Waxay adeegsadan xeelado soo jiidasho leh oo ay ka mid taha jaangoyn kala duwan tusaale ahaan waxay sameeyaan heerar kala duwan iyagoo dhahaya haddii aad lacagta intaa le,eg dhigato waxa helaysaa intaas marka ugu danbaysay ee ay arkaan inay lacago badan u dhaceena waa la waayaa wayna dhacaan” ayuu intaas raaciyey Daahir.
Isagoo sii hadlayey Daahir ayuu yiri “ si la yaableh ayey dadka u dabaan iyagoo qofka ugu horeeya siiya faa’iido la mida tuu gashtay laakiin markii qofkasa oo dad badan soo xero galiyo ayey bilaabaan in la waayo meelay ka baxaan, laakiin waxa loo baahan yahay in laga feejignaanado” ayuu BBC-da u sheegay Daahir Kulmiye.
Inta uga badan dadka alaadahan internetka ayey Soomaalidu ka raacaan xayeysiimo dhina qadka ah ay ku soo gudbiyaan iyagoo si xirfadaysan u soo bandhga adeegyadooda.
Sida uu BBC-da u sheegay Daahir Kulmiye, dadka ka shaqaysta hababkan waxay u badan yihiin dalal ku yaal Afrikada galbeed,wadamo Balkaniska ee u dhow Ruushka iyo dalal ku yaal Aasiya.
Dhinaca kale Cabdinasir Ismaacil (Sola) oo ah khabiir ku xeel dheer dhinaca tiknoolojiyadda ayaan wax ka weydiinnay hababka barnaamijyadan iyo sababta keentay in marar kala duwan lacago looga dhaco Soomaalida.
Sola waxa uu inta badan barihiisa bulshada kusoo bandhigaa saameynta ka dhalan karta barnaamijyadan xagga internetka ah ee lacagaha lagu shubto.
“Barnaamijyadan waxa ay kala leeyihiin kuwo arhaam ah iyo kuwo online ah, wey kala khasaare badanyihiin, waxaa daran kuwa arhaamta ah oo Soomaalidu ay ku waayeen malaayiin lacago ah”, ayuu Siri Cabdinasir Sola.
“Marka hore waxa ay ku bilaabataa lacago la’isku dardaray majirto maal gelin ka imaaneysay shirkado ee waa wax uun dadka laga uruuriyay, sida caadada ah saddexda bilood ee ugu horreysa waxaa laga helaa Faa’diiyooyin badan, laakiin kadib wey xirantaa” ayuu sii raaciyay.
Waxa uu sheegay in xarumahan badankood laga leeyahay dalalka Shiinaha iyo Ruushka, Soomaaliduna ay linkiyada ama xiriirka uu kusoo gaaro qaab isku diris ah.
Waxaa inta badan la’arkaa iyada oo qof waliba qofka uu garanayo uu ku qalqaaliyo isaga oo u sheega faa’iidooyin badan.
Waxaa muuqata in dad badan ay ku faa’iideen isla markaana ay lacagohoodii kala bexeen kadib digniino ay ka heleen Cabdinaasir iyo khubarro kale, halka kuwa kalana ay la go’day iyagoo sii rajeynaya kharashaad kale oo ay ka smeeyaan.
Waxaa jira dad Soomaali ah oo durba la dhacay shaqada app-kan oo ay lacago kasoo xareeyeen, sida ka muuqata baraha bulshada. Dadka qaar ayaa muuqaallo kasoo duubay iyagoo si toos ah lacag uga sameynaya barnaamijyadan.
Qaar kale oo ka mid ah Soomaalida ayaa iyagana kasoo hor jeestay app-kan oo ay ku qeexeen mid aysan ku kalsoonaan karin.
Wax hadda billowha ma aha in Soomaalida iyo dadka kale ee caalamka ay xiiseeyaan waxyaabo ku shaqeeya dhinaca online-ka oo lacago laga sameeyo.
Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa aad loo daneynayay barnaamijyo u shaqeeya sida sarrifka lacagaha, balse ku saleysan online. Waxaa ka mid ah Forex Exchange, oo mar si weyn looga daba dhacay.
Hase yeeshee barnaamijkan oo hadda dadka isticmaala ay yar yihiin ayaa lagu tilmaamay mid khasaare badan geliyay dadkii maalgashaday.
Hababka loogu khasaaray waxaa ka mid ah “in shakhsiyaad iyo shirkado ay dadka lacagaha ka qaadayeen iyagoo u sheegaya inay ugu shaqeynayaan, kaddibna ay mar qura la goosanayeen”.