Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

    May 30, 2025

    Taliyaha Hay’adda NISA, Sanbalooshe ayaa ka soo laabtay jiidda hore ee dagaalka kadib

    May 30, 2025

    Madaxweyne Cirro oo kulan la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka Kenya.

    May 30, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Taliyaha Hay’adda NISA, Sanbalooshe ayaa ka soo laabtay jiidda hore ee dagaalka kadib

      May 30, 2025

      Madaxweyne Cirro oo kulan la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka Kenya.

      May 30, 2025

      Maxay ka wada hadleen Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Kenya

      May 30, 2025

      Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabelle oo la wareegtay Gadiid Ambalaas Caafimaad ah

      May 29, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Taliyaha Hay’adda NISA, Sanbalooshe ayaa ka soo laabtay jiidda hore ee dagaalka kadib

      May 30, 2025

      Madaxweyne Cirro oo kulan la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka Kenya.

      May 30, 2025

      Maxay ka wada hadleen Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Kenya

      May 30, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Wax ka ogoow Safiya: Sida ay haweeneydan ugu qancisay duq magaale inay la ‘hadashiineyso’ aabihii oo dhintay

    Wax ka ogoow Safiya: Sida ay haweeneydan ugu qancisay duq magaale inay la ‘hadashiineyso’ aabihii oo dhintay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 29, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Magaalada Agde ee Faransiiska ayaa laga yaabaa inay caan ku tahay xeebaha qorraxda-qoyan ee sanadka oo dhan, laakiin sidoo kale waxay caan ku tahay xafladaha galmada.

    Magaalada Agde waxay martigelisaa kulanka Yurub ee ugu weyn ee lamaanaha ee xafladaha galmada; Tobanaan kun oo lamaane ah ayaa magaalada yimaada sanad walba.

    Balse fadeexad cusub ayaa magaalada Agde iyo guud ahaan dalka Faransiiska ka dhigtay fajac iyo amakaag.

    Fadeexadan cusub waxay khusaysaa haweeneey faalka dhigta, duqa magaalada Gilles Detour, sarkaal hore oo sirdoon iyo sarkaal boolis ah.

    Maayerka iyo haweeneyda ayaa hadda xabsiga ku jira ilaa iyo inta natiijada baaritaanka ka soo baxayso. Haweeneyda oo la yirahdo Sofia Martinez ayaa wajaheysa eedeymo ah inay ku xad-gudbtay duqa magaalada Detour, kaas oo isna wajahaya eedeymo musuqmaasuq iyo lunsashada lacagta canshuur bixiyayaasha.

    Sofiya waxay caan ku tahay inay la hadasho “dadka dhintay”. Sida laga soo xigtay qareenka Maayar Detour, Maayarka ayaa ka codsaday haweeneyda faalka dhigta inay la xiriiriso aabihiis oo dhintay wayna ku guuleysatay inay fuliso codsigiisa!

    Qareenka ayaa sheegay in Sofiya ay la hadashay ruuxaanta aabaha dhalay duqa magaalada ka dibna codkeeda ayaa si lama filaan ah isugu beddelay codka qofka dhintay.

    Waxa jira eedaymo sheegaya in afartii sano ee la soo dhaafay, haweeneydaan faalka dhigta ay la yirado Safiya ay sii waday ka faa’iidaysiga Duqa magaalada Detour iyada oo u maraysa xirfadeeda cod baddelka.

    Maayarka ayaa waxaa u soo dhacay kumannaan taleefoon oo uu ku maqlayay “codka” dadka dhintay iyo codadka “malaa’igaha”, qaar ka mid ah codadkaas ayaa maayarka ka codsaday isaga oo ah mas’uul ka tirsan dawladda, in uu shaqooyin siiyo Sibyl Sophia oo haweeneyda sixirka ama indha sarcaadka caanka ku ah. Halkan ayaa ah halka ay ka imanayaan eedeymaha musuqmaasuqa.

    Duqa Detour ayaa wajahaya eedeymo ah in uu lacag badan siyay Safiya iyo qoyskeeda si ay ugu isticmaalaan fasaxyo ay kharash badan ku baxayaan, oo ay ku jiraan fasaxyada jasiiradda Pacific ee Polynesia iyo jasiiradda Thailand waxaana la sheegay in dhammaan kharashka ku baxay uu yahay lacagta canshuur bixiyeyaasha Faransiiska.

    Eedeymaha ayaa tilmaamaya in “codka” uu maayarka ka helay telefoonka muddo afar sano ah ay ka codsanayeen inuu golaha deegaanka degmada Agde ka shaqaaleysiiyo xubno badan oo ka tirsan qoyska Sibyl Sophia, iyo sidoo kale in la dayactiro guriga qoyska Sibyl.

    Isla habeenkiiba sheekada waxa ay soo jiidatay dad badan qareenka maayar Jean-Marc Darrigad caan ayuu noqday.

    Isagoo ku sugan xafiiskiisa Montpellier ayuu qareen Darigad sheekada ku tilmaamay mid “waalli ah” isagoo yiri: “Waa wax aan la rumaysan karin in haweeney ay marin habaabiso nin siyaasi ah oo aad u caqli badan oo hadda haya jagada duqa magaalada oo horena u ahaa xildhibaan.”

    Darigaad waxa uu intaa ku daray oo uu BBC-da u sheegay: “Tani waa haweenay dhex gashay nolosha duqa magaalada oo u sheegtay in ay la hadli karto aabihii oo dhintay. Waxay heshay waddo ay kaga baxdo daciifnimada nafsiga ah oo ay uga faa’iidaysato dano gaar ah. Duqa magaalada waa la khiyaameeyay, waxayna qaadatay waqti dheer.

    Laakiin Luke Abratkiewicz, oo ah qareenka Sophia, ayaa qaba fikrad ka duwan. Waxa uuna yiri: “Safiya waxay qiratay inay khiyaamaysay kalsoonida duqa magaalada, laakiin kama hadlayno kiis wax isdaba marin ah, sababtoo ah waxay qiratay mas’uuliyadda ka saaran ficilkeeda, waxaana jira wakiillo kale, oo ay ku jiraan dhakhaatiir iyo injineero, kuwaas oo qiraya inay awood u leedahay inay sameyso waxyaabo yaab leh. “

    Qareen Luke ayaa intaas daray: “Waxaan daaha ka qaaday tafaasiil ku saabsan noloshooda gaarka ah oo aan cid kale ogeyn.”

    Maamulka ayaa go’aamiyay in maayarka iyo safiya labaduba xabsiga la dhigo, si looga hortago inay saameyn ku yeeshaan markhaatiyaasha.

    xigasho BBC SOMALI

     

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    YouTuber caan ah oo mar sheegay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay uu ceelal ka qodayo oo dacwado loo heysto

    September 23, 2024

    Sida taleefan lagu dhex dafay London muddo yar ka dib loogu arkay dalka Shiinaha

    September 7, 2024

    Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare oo la shaaciyay iyo arday badan oo…

    August 27, 2024
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

    May 30, 2025

    Taliyaha Hay’adda NISA, Sanbalooshe ayaa ka soo laabtay jiidda hore ee dagaalka kadib

    May 30, 2025

    Madaxweyne Cirro oo kulan la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka Kenya.

    May 30, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.