Close Menu
    What's Hot

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Wax ka ogoow malaayiin doolar oo Soomaaliya la siiyay ka dib dayntii dhawaan laga cafiyay

    Wax ka ogoow malaayiin doolar oo Soomaaliya la siiyay ka dib dayntii dhawaan laga cafiyay

    By radiohalgan.comApril 7, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha (IFAD) kaas oo ay ku heli doonto lacag dhan $31.22 milyan oo doollarka oo loogu talagalay barnaamijyada taageerada ee la xiriira sugnaanta cunnada iyo reer miyiga.

    Lacagta waa in la marsiiyaa barnaamijka u adkeysiga hab-nololeedka miyiga (RLRP), kaas oo looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo sugnaanta cuntada iyo adkeysiga dhulka miyiga ah.

    Wasiirka Beeraha iyo waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa BBCda u sheegay in talaabadani ku timid xoogaysiga dowladdnimada dalka iyo daynti dalka laga cafiyey.

    “Soomaaliya waxaa u furmay maalgashiga iyo mashaariicdii horumarinta ka dib dayntii dalka laga cafiyey, IFAD waxay dalka dib ugu howlgalaysaa burburkii dalka ka dib, taas oo ka shaqaysa horumarinta beeraha” ayuu yiri Maareeye.

    Wuxuu sheegay in mashruucaan lagu hagaajinayo nolosha beeralayda lagana caawinayo dabeecadaha isbadelka cimilada iyo adkaysigooda.

    Lacagtan ma dayn baa mise deeq

    HESHIISKA SOOMAALIYA IYO IFAD

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCAIL MEDIA

    Wasiirka beeraha iyo waraabka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa BBCda u sheegay in lacagtani ay tahay mid deeqa oo ay bixinayaan haya’adda IFAD iyo dalal caawiya Soomaaliya.

    Wuxuu sheegay in lacagtan ay sidoo kale qayb ka mida laga sugayo inay ku daraan dowladda Soomaaliya, Maamul goboleedyada iyo beeralayda Soomaaliyeed markii uu kobco wax soo saarkooda.

    11 milyan iyo 600 kun oo ka mida lacagta waxaa bixinaysa haya’adda IFAD, 2 milyan 700 waxaa bixinaysa dowladda Soomaaliya, Maamulada dalka ee mashruucu ka fulayo iyo beeralaysa oo mustaqbalka wax ku daraya sida BBCda u sheegay wasiir Maareeye.

    “ Hadda Lacagta waxaa la hayaa 11 milyan oo dollar oo haya’adda IFAD, marka intaas ayaa mashruuca lagu bilaabayaa qaybtiisa hore” ayuu intaas raaciyey Wasiir Maareeye.

    Inta kale ee lacagta waxaa uu sheegay wasiir Maareeye ku soo dhammaan doonto muddo siddeed sanaa oo qorshaha mashruucu socon doono.

    Maxaa lagu qabanayaa lacagtaas

    BEERALAYDA SOOMAALIYEED

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

    Sida uu BBCda u sheegay wasiirka beeraha iyo waraabka, muhimada ugu weyni waa sidii loo taageeri lahaa beeralayda Soomaalida loona siin lahaa agab iyo aqoon ay ku kobciyaan wax soo saarkooda.

    Dhulka beeraha ku haboon ee Soomaaliya ayaa heli doona mudnaanta mashruuca gaar ahaan maamulada Hirshabele, Jubaland iyo Koonfur galbeed sida uu wasiir maareye u sheegay BBCda.

    “Siidhka, agabka beeraha,tababaro iyo in lala qabad siiyo adkaysiga dabeecada deegaanka ee isbadashay ayaa laga taageerayaa beeralayda si loo hubiyo inay la falgalaan isbaddelka cimilada ee caalamka saamaysay” ayuu yiri Maareeye

    Mar BBC du waydiisay waxaa uga meel yaala cabashada ay jeediyaan beeralayda Soomaalidu xilliyo kala duwan iyagoo la hadlay warbaahinta ee ah in haya’addaha gargaarka ee ka howlgala Soomaaliya ay bixinta raashinka gargaarka ku soo beegaan xilliga ay dalagyadoodu soo go’ayaan ayuu sheegay.

    “Waxaan doonaynaa inaan waxkasta oo dhib ku ah beeralayda Soomaaliyeed ka difaacno, ama ha kaga yimaadeen haya’addaha gargaarka ama meelo kala há kaga yimadeene, maxaa yeelay dowladda ayaa ilaalisa beeralaydeeda” ayuu intaas raaciyey.

    Maalgelintan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee ay IFAD si toos ah u maalgeliso Soomaaliya tan iyo markii dalka laga cafiyey deymihii balaayiinta dollar ahaa ee mudda dheer lagu lahaa.

    Dowladda Soomaaliy ayaa sheegtay inay dadaal u bixinayso sidii ay u xoojin lahayd dhaqaalaha iyo dakhliga gudaha ee dalka, dhawaam ayaana wasaaradda maaliyadda Soomaaliya sheegtay in dakhliga guduhu iyo dhaqaalahuba ay sameeyen kor u kac gaarsiisan 3.7 boqolkiiba sanadkan 2024-ka

    IFAD waa hay’ad maaliyadeed oo caalami ah iyo wakaalad gaar ah oo Qaramada Midoobay ah oo xarunteedu tahay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

    Sanduuqa horumarinta IFAD, wuxuu maalgaliyaa beeralayda iyo dadka reer miyiga ah, iyagoo awood siinaya inay yareeyaan faqriga, kordhiyaan sugnaanta cuntada, hagaajinta nafaqada, iyo xoojinta adkeysiga.

    Laga soo bilaabo sanadkii 1978, wuxuu sanduuqu bixinay in ka badan $24 bilyan oo dollar oo deeqo ah iyo deymo dulsaar yar si loogu maalgeliyo mashaariicda wadamada soo koraya sida lagu sheegay xog lagu baahiyey bogga haya’ddaas.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.