Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

      May 23, 2025

      Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

      May 23, 2025

      Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

      May 23, 2025

      Ruushka iyo Ukriane oo is dhaafsaday boqolaal maxaabiis ah

      May 23, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

      May 23, 2025

      Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

      May 23, 2025

      Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

      May 23, 2025

      Ruushka iyo Ukriane oo is dhaafsaday boqolaal maxaabiis ah

      May 23, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Wax ka ogoow malaayiin doolar oo Soomaaliya la siiyay ka dib dayntii dhawaan laga cafiyay

    Wax ka ogoow malaayiin doolar oo Soomaaliya la siiyay ka dib dayntii dhawaan laga cafiyay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 7, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha (IFAD) kaas oo ay ku heli doonto lacag dhan $31.22 milyan oo doollarka oo loogu talagalay barnaamijyada taageerada ee la xiriira sugnaanta cunnada iyo reer miyiga.

    Lacagta waa in la marsiiyaa barnaamijka u adkeysiga hab-nololeedka miyiga (RLRP), kaas oo looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo sugnaanta cuntada iyo adkeysiga dhulka miyiga ah.

    Wasiirka Beeraha iyo waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa BBCda u sheegay in talaabadani ku timid xoogaysiga dowladdnimada dalka iyo daynti dalka laga cafiyey.

    “Soomaaliya waxaa u furmay maalgashiga iyo mashaariicdii horumarinta ka dib dayntii dalka laga cafiyey, IFAD waxay dalka dib ugu howlgalaysaa burburkii dalka ka dib, taas oo ka shaqaysa horumarinta beeraha” ayuu yiri Maareeye.

    Wuxuu sheegay in mashruucaan lagu hagaajinayo nolosha beeralayda lagana caawinayo dabeecadaha isbadelka cimilada iyo adkaysigooda.

    Lacagtan ma dayn baa mise deeq

    HESHIISKA SOOMAALIYA IYO IFAD

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCAIL MEDIA

    Wasiirka beeraha iyo waraabka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa BBCda u sheegay in lacagtani ay tahay mid deeqa oo ay bixinayaan haya’adda IFAD iyo dalal caawiya Soomaaliya.

    Wuxuu sheegay in lacagtan ay sidoo kale qayb ka mida laga sugayo inay ku daraan dowladda Soomaaliya, Maamul goboleedyada iyo beeralayda Soomaaliyeed markii uu kobco wax soo saarkooda.

    11 milyan iyo 600 kun oo ka mida lacagta waxaa bixinaysa haya’adda IFAD, 2 milyan 700 waxaa bixinaysa dowladda Soomaaliya, Maamulada dalka ee mashruucu ka fulayo iyo beeralaysa oo mustaqbalka wax ku daraya sida BBCda u sheegay wasiir Maareeye.

    “ Hadda Lacagta waxaa la hayaa 11 milyan oo dollar oo haya’adda IFAD, marka intaas ayaa mashruuca lagu bilaabayaa qaybtiisa hore” ayuu intaas raaciyey Wasiir Maareeye.

    Inta kale ee lacagta waxaa uu sheegay wasiir Maareeye ku soo dhammaan doonto muddo siddeed sanaa oo qorshaha mashruucu socon doono.

    Maxaa lagu qabanayaa lacagtaas

    BEERALAYDA SOOMAALIYEED

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

    Sida uu BBCda u sheegay wasiirka beeraha iyo waraabka, muhimada ugu weyni waa sidii loo taageeri lahaa beeralayda Soomaalida loona siin lahaa agab iyo aqoon ay ku kobciyaan wax soo saarkooda.

    Dhulka beeraha ku haboon ee Soomaaliya ayaa heli doona mudnaanta mashruuca gaar ahaan maamulada Hirshabele, Jubaland iyo Koonfur galbeed sida uu wasiir maareye u sheegay BBCda.

    “Siidhka, agabka beeraha,tababaro iyo in lala qabad siiyo adkaysiga dabeecada deegaanka ee isbadashay ayaa laga taageerayaa beeralayda si loo hubiyo inay la falgalaan isbaddelka cimilada ee caalamka saamaysay” ayuu yiri Maareeye

    Mar BBC du waydiisay waxaa uga meel yaala cabashada ay jeediyaan beeralayda Soomaalidu xilliyo kala duwan iyagoo la hadlay warbaahinta ee ah in haya’addaha gargaarka ee ka howlgala Soomaaliya ay bixinta raashinka gargaarka ku soo beegaan xilliga ay dalagyadoodu soo go’ayaan ayuu sheegay.

    “Waxaan doonaynaa inaan waxkasta oo dhib ku ah beeralayda Soomaaliyeed ka difaacno, ama ha kaga yimaadeen haya’addaha gargaarka ama meelo kala há kaga yimadeene, maxaa yeelay dowladda ayaa ilaalisa beeralaydeeda” ayuu intaas raaciyey.

    Maalgelintan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee ay IFAD si toos ah u maalgeliso Soomaaliya tan iyo markii dalka laga cafiyey deymihii balaayiinta dollar ahaa ee mudda dheer lagu lahaa.

    Dowladda Soomaaliy ayaa sheegtay inay dadaal u bixinayso sidii ay u xoojin lahayd dhaqaalaha iyo dakhliga gudaha ee dalka, dhawaam ayaana wasaaradda maaliyadda Soomaaliya sheegtay in dakhliga guduhu iyo dhaqaalahuba ay sameeyen kor u kac gaarsiisan 3.7 boqolkiiba sanadkan 2024-ka

    IFAD waa hay’ad maaliyadeed oo caalami ah iyo wakaalad gaar ah oo Qaramada Midoobay ah oo xarunteedu tahay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

    Sanduuqa horumarinta IFAD, wuxuu maalgaliyaa beeralayda iyo dadka reer miyiga ah, iyagoo awood siinaya inay yareeyaan faqriga, kordhiyaan sugnaanta cuntada, hagaajinta nafaqada, iyo xoojinta adkeysiga.

    Laga soo bilaabo sanadkii 1978, wuxuu sanduuqu bixinay in ka badan $24 bilyan oo dollar oo deeqo ah iyo deymo dulsaar yar si loogu maalgeliyo mashaariicda wadamada soo koraya sida lagu sheegay xog lagu baahiyey bogga haya’ddaas.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.