Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Wasiirka Caafimaadka XFS “Farmashigii iibinaya Dawooyinka maandooriye ahaanta loo adeegsado waan la xisaabtamaynaa

      September 12, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Wax ka ogoow khatarta amni ee Muqdisho ku soo fool leh ee Maraykanku ka digay iyo meelaha walwalka laga qabo

    Wax ka ogoow khatarta amni ee Muqdisho ku soo fool leh ee Maraykanku ka digay iyo meelaha walwalka laga qabo

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 9, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin ku aaddan khatar dhanka ammaanka ah oo ay sheegtay in ay kusoo wajahantahay muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

    Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ay heshay xog ku saabsan hanjabaado loo jeedinayo goobo badan oo ku yaalla Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

    Dhammaan duulimaadyada iyo dhaq-dhaqaaqa kale ee shaqaalaha Mareykanka gaar ahaan kuwa ka howlgala safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa la hakiyay maanta oo talaado ah.

    Qoraal lagu daabacay barta safaaradda ayaa lagu yiri, “Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa heshay xog ku saabsan hanjabaado la xiriira goobo badan oo ku yaalla Muqdisho oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dhammaan dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka waa la kahiyay Talaadada, 9-ka Abriil, 2024-ka.

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xasuusineysaa muwaadiniinta Mareykanka ah in argagixisadu ay sii wadaan abaabulka afduubka, qaraxyada, iyo weerarrada kale ee Soomaaliya. Waxaa laga yaabaa inay qaadaan weeraro digniin leh ama digniin la’aan ah, iyagoo beegsanaya garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, baraha koontaroollada, xarumaha dowladda, hoteellada, maqaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan dadka badan ee reer galbeed ah, sidoo kale kuwa ay ku suganyihiin kolonyada ciidamada dowladda, kuwa militariga iyo kuwa reer galbeedka”.

    Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka qaybteeda la-talinta arrimaha socdaalka ee Soomaaliya ayaa muwaadiniinta Mareykanka ah kala talisa in ay u safraan Soomaaliya xilliyada ay jiraan waxyaabaha la xiriira dambiyada, falalka argagixisanimada, kacdoonka shacabka, arrimaha caafimaadka, afduubka, iyo burcad badeednimada, sida ku cad qoraalka kasoo baxay safaaradda.

    Mareykanka

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in qaabka weerarradu ay yihiin kuwo aan xaddidneyn isla markaana noqon kara, qaraxyada baabuurta, is-miidaaminta, shakhsiyaad weerar toos ah soo qaada, iyo madaafiicda ama hub lasoo tuuri karo.

    Sidoo kale Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa soo saartay La-talinta Socdaalka ee Heerka 4-aad ee Soomaaliya, waxayna kula talisay muwaadiniinta Mareykanka inaysan u safrin Soomaaliya.

    Dowladda Mareykanka ayaa si aad ah u xadidda awoodda ay ku bixiso adeegyada deg-degga ah ee muwaadiniinta Mareykanka ee Soomaaliya sababtoo la xiriira la’aanta qunsuliyad ka shaqaysa halkaas.

    Mas’uuliyadda Nabadgelyada Garoonka Cadde ayaa waxaa gacanta ku haya dhawr ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin ciidanka Nabad illaalinta howlgalka midowga Afrika, ciidanka booliska Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adda sirdoonka ee NISA.

    Weerarkii ugu dambeeyay ee Shabaab

    Mareykanka

    XIGASHADA SAWIRKA,BBC SPORT

    Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa bartamaha bishii hore weerar ku qaaday hotel-ka SYL oo ku yalla meel aad loo ilaaliyo.

    Hotel SYL wuxuu ku yaalaa aag aad loo ilaaliyo oo u dhaw madxtooyada Soomaaliya, halkaas oo sidoo kale ay ku yaalaan xafiiska Raysal Wasaaraha, guriga Raysal Wasaaraha, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, Wasaaradda Warfaafinta iyo Villa Hargeysa oo ah Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya uu si ku meel gaar ah ugu shaqeeyo, maaddaama aan weli dib loo dhisin xaruntii hore ee baarlamaanka.

    Hoteelka la weeraray ee SYL iyo dhammaan xarumaha aan kor ku sheegnay waxay ku yaallaan aag dhuleed oo fidsan qiyaastii 600 illaa 700 oo mitir.

    Guriga uu deggan yahay raysal wasaaraha ayaa aad ugu dhow hoteelkan ay weerarradu kusoo noq-noqdeen.

    Intaa waxaa dheer, in hoteelkan ay inta badan degaan mas’uuliyiinta dawladda iyo dadka aadka loo ilaaliyo, wuxuu ku yaallaa afaafka kaliya ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya iyo dhammaan xarumaha aan kor ku xusnay oo aan meel kale lagasoo gali Karin waddooyinkii kalena loo jaray amniga awgii.

    Ma aha markii ugu horreysay ee uu Mareykanku digniin kasoo saaro weerarro uu ku sheegay in lagu wado xarumo qorsheysan.

    Digniinihii ugu dambeeyay ayuu kasoo saaray weerarro uu ku sheegay kuwo argagaxiso oo ku wajahan, Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.