Close Menu
    What's Hot

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Wax ka ogoow khatarta amni ee Muqdisho ku soo fool leh ee Maraykanku ka digay iyo meelaha walwalka laga qabo

    Wax ka ogoow khatarta amni ee Muqdisho ku soo fool leh ee Maraykanku ka digay iyo meelaha walwalka laga qabo

    By radiohalgan.comApril 9, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin ku aaddan khatar dhanka ammaanka ah oo ay sheegtay in ay kusoo wajahantahay muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

    Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ay heshay xog ku saabsan hanjabaado loo jeedinayo goobo badan oo ku yaalla Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

    Dhammaan duulimaadyada iyo dhaq-dhaqaaqa kale ee shaqaalaha Mareykanka gaar ahaan kuwa ka howlgala safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa la hakiyay maanta oo talaado ah.

    Qoraal lagu daabacay barta safaaradda ayaa lagu yiri, “Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa heshay xog ku saabsan hanjabaado la xiriira goobo badan oo ku yaalla Muqdisho oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dhammaan dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka waa la kahiyay Talaadada, 9-ka Abriil, 2024-ka.

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xasuusineysaa muwaadiniinta Mareykanka ah in argagixisadu ay sii wadaan abaabulka afduubka, qaraxyada, iyo weerarrada kale ee Soomaaliya. Waxaa laga yaabaa inay qaadaan weeraro digniin leh ama digniin la’aan ah, iyagoo beegsanaya garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, baraha koontaroollada, xarumaha dowladda, hoteellada, maqaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan dadka badan ee reer galbeed ah, sidoo kale kuwa ay ku suganyihiin kolonyada ciidamada dowladda, kuwa militariga iyo kuwa reer galbeedka”.

    Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka qaybteeda la-talinta arrimaha socdaalka ee Soomaaliya ayaa muwaadiniinta Mareykanka ah kala talisa in ay u safraan Soomaaliya xilliyada ay jiraan waxyaabaha la xiriira dambiyada, falalka argagixisanimada, kacdoonka shacabka, arrimaha caafimaadka, afduubka, iyo burcad badeednimada, sida ku cad qoraalka kasoo baxay safaaradda.

    Mareykanka

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in qaabka weerarradu ay yihiin kuwo aan xaddidneyn isla markaana noqon kara, qaraxyada baabuurta, is-miidaaminta, shakhsiyaad weerar toos ah soo qaada, iyo madaafiicda ama hub lasoo tuuri karo.

    Sidoo kale Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa soo saartay La-talinta Socdaalka ee Heerka 4-aad ee Soomaaliya, waxayna kula talisay muwaadiniinta Mareykanka inaysan u safrin Soomaaliya.

    Dowladda Mareykanka ayaa si aad ah u xadidda awoodda ay ku bixiso adeegyada deg-degga ah ee muwaadiniinta Mareykanka ee Soomaaliya sababtoo la xiriira la’aanta qunsuliyad ka shaqaysa halkaas.

    Mas’uuliyadda Nabadgelyada Garoonka Cadde ayaa waxaa gacanta ku haya dhawr ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin ciidanka Nabad illaalinta howlgalka midowga Afrika, ciidanka booliska Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adda sirdoonka ee NISA.

    Weerarkii ugu dambeeyay ee Shabaab

    Mareykanka

    XIGASHADA SAWIRKA,BBC SPORT

    Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa bartamaha bishii hore weerar ku qaaday hotel-ka SYL oo ku yalla meel aad loo ilaaliyo.

    Hotel SYL wuxuu ku yaalaa aag aad loo ilaaliyo oo u dhaw madxtooyada Soomaaliya, halkaas oo sidoo kale ay ku yaalaan xafiiska Raysal Wasaaraha, guriga Raysal Wasaaraha, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, Wasaaradda Warfaafinta iyo Villa Hargeysa oo ah Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya uu si ku meel gaar ah ugu shaqeeyo, maaddaama aan weli dib loo dhisin xaruntii hore ee baarlamaanka.

    Hoteelka la weeraray ee SYL iyo dhammaan xarumaha aan kor ku sheegnay waxay ku yaallaan aag dhuleed oo fidsan qiyaastii 600 illaa 700 oo mitir.

    Guriga uu deggan yahay raysal wasaaraha ayaa aad ugu dhow hoteelkan ay weerarradu kusoo noq-noqdeen.

    Intaa waxaa dheer, in hoteelkan ay inta badan degaan mas’uuliyiinta dawladda iyo dadka aadka loo ilaaliyo, wuxuu ku yaallaa afaafka kaliya ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya iyo dhammaan xarumaha aan kor ku xusnay oo aan meel kale lagasoo gali Karin waddooyinkii kalena loo jaray amniga awgii.

    Ma aha markii ugu horreysay ee uu Mareykanku digniin kasoo saaro weerarro uu ku sheegay in lagu wado xarumo qorsheysan.

    Digniinihii ugu dambeeyay ayuu kasoo saaray weerarro uu ku sheegay kuwo argagaxiso oo ku wajahan, Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.