Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhaawaqay in ay ku qaadayaan ‘’guluf milatari oo xadiddan’’ bariga degmada Rafax, iyagoo ku baaqay in ay halkaasi ka baxaan 100,000 oo qof, oo deegaamaystay, degmadan ku taala koonfurta Qasa.
Qoysaska qaar ayaa bilaabay in ay ka baxaan halkaasi, markii amarro uga yimaadeen ciidamada Israa’iil oo ah in ay ka baxaan aaggaasi.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaalad bini’aadanimo oo halis ah oo ka soo fool leh duulaanka Israa’iil ee degmada Rafax ee koonfurta Qasa, xili israa’iil ay soo bandhigtay doonisteeda ah in ay cagta mariso degmada milatari ahaan.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay wajahayso cadaadis ballaaran oo ku aadan in ay dajiso qorshe lagu caawinayo tirada badan ee barakacayaasha Rafax, waqti Israa’iil isu diyaarinayso hawgal milatari oo ballaaran.
Qiyaasaha tirkoobyada la sameeyay, Rafax waxa ay martigalineysaa 1.4 milyan oo ka soo barakacay degmooyinka kale ee Qasa, sababbo la xiriirra dagaalka todobada bilood jirsaday, haddaba maxay ku gaar tahay degmadan ku taala xuduudda Marinka ee dalka Masar?
Rafax iyo xuduudda ay ku taallo
Degmada Rafax ee koonfurta Qasa, waxay ku taalaa xuduudda kala qaybisa, iyada iyo jasiirad u ekaha Siinaay ee Masar, waxana lagu tirayaa degmada ugu weyn ee magaalooyinka xuduudda ku yaala, waxayna ku fadhisaa dhul gaaraya 55 km oo isku wareeg ah, waxayna qiyaastii magaalada Qudus oo ay koonfur galbeed uga beegan tahay u jirtaa 107 km.
Waxana ku yaala marin xuduudeedka kaliya ee u dhaxeeya Masar iyo Qasa, wuxuna muhim u ahaa tobannaan sano in uu ka gudbo gargaarka loo wado Qasa, iyo marsiinta dhaawacyada halista ah ee laga soo saarayo Qasa, iyo safarrada.
Sababtan darteed ayay Rafax caan u noqotay, illaa uu magaceedu ka sare maro kan Qasa, maxaa yeelay, waxa ay si joogta ah ugu jirtay warrarka ugu horreeya ee warbaahinta.
Tobannaankii sano ee la soo dhaafay waxay lahayd godad dhulka hoostiisa ah oo isku xira Qasa iyo Masar, kuwaas oo aan rasmi ahayn, illaa ciidamada Masar ay dumiyaan sanadihii la soo dhaafay.
Sidaas oo tahayna, lama oga in ay wali jiraan iyo in kale godad wali shaqaynaya, kuwaas oo badankood si qarsoodi ah loo isticmaali jiray, qaarkood waxa loo isticmaali jiray in badeecaddaha looga soo gudbiyo dhinaca Masar illaa Marinka Qasa, sidaas ayay Rafax ugu ahayd Qasa inteeda kale il ganacsi iyo mid dhaqaale.
Taariikhda degmada Rafax
Degmada Rafax waxa lagu tiriyaa magaalooyinka faca weyn, waxa la aasaasay shan kun oo sano kahor, waxana duulaanno kala duwan ku qabsaday faraacinadii Masar, Aashuuriyintii, Giriigii iyo Roomaankii.
Waxa loo aqoon jiray degmdan magacyo dhawra, Faraacinadu waxay ugu magac dareen Rubihui, halka Aashuuriyiintu ula baxeen Rafiixo, Roomaanka iyo Giriigu waxa ay u yaqaaneen Raafiya, Carabtuse waxa ay ula baxeen Rafax.
Rafax waxa ay gacanta u gashay Ingiriiska 1917-kii, isagoo ku wareejiyay Falastiiniyiinta, 1948-dii waxa galay oo qabsaday ciidamada Masar, illaa ay gacantooda ka baxdo, oo ay qabsadaan ciidamada Israa’iil 1956-dii, markaa dabadeed mar kale ayay ku soo noqotay xukunka masaarida 1957-di illaa 1967-dii, xiligaas oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii carabta iyo Israa’iil.
Degmadan waxa kale oo ay taariikhda fog muhim u ahayd khadka tareenka ee isku xiri jiray Qaahira iyo Xayfa, waxana la burburiyay 1967-dii.
Rafax ayaa loo qaybiyay labo daamood, kaddib heshiis kii Kaam Dafid, waxana Masar loo celiyay Siinaay, heshiiskan ayaa Rafaxda Siinaay looga jaray, Rafaxda Qasa oo dhulka ay ku fadhiso uu sedex jibaar ka badan yahay kan Rafaxda Siinaay.
Dhinaca dadka ku nool, badankood waxay asal ahaan ka soo jeedaan degmada Khaan Yoonis, iyo reer miyigii ku noolaa lama dagaanka Naqab, iyo lama dagaanka Siinaay oo lagu daray qoxootigii Falastiiniyiinta ee ka kala yimid tuulooyinka ku dhawdhaw kaddib nakbadii 1948-dii.
Dadka cusub ee u soo qaxay Rafax waxa ay ku shan jibbaarmaan tiradii horey u daganayd
Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa waxa ay sheegaysaa in degmada Rafax ay martigalinayso in ka badan 1.3 milyan oo ah dadka gudaha ku barakacay, taasoo ah kala bar dadka ku nool Marinka Qasa, iyadoo qiyaaso kale ay tiradaas gaarsiinayaan 1.5 milyan oo qof. Dad kan qaarkood waxa ay qaxeen lix jeer, iyagoo ka cararraya duqeynta Israa’iil.
Sidaa daraadeed, dadka degan Rafax way shan jibaar mayaan sababbo la xiriirra duqeynta Israa’iil, gaar ahaan amarrada ah in laga baxo oo ay Israa’iil bilowday tan iyo duulaankeeda Qasa, kaas oo dabo taagnaa weerar kii, iyada lagu qaaday 7-dii Oktoobar.
Dad kan brakacayaasha ah ayaa ku nool xaaladdo adag, iyagoo isku ciriiriyay iskuullada, jidadka iyo meel yar oo kasta oo bannaan.
Badi dadka hadda ku nool Rafax, waxa barakiciyay sababbo la xiriirra dagaalka ka socda qaybaha kale ee Qasa, waxayna deegaameysteen guryo cooshado ah oo ay ka sameysteen ullo iyo baco la isku xirxirray.
Iyadoo Israa’iil sheegyso in ay qaadayso weerar milatari oo dhulka ah, ayaa su’aasha is weydiinta mudan waxa ay tahay, xaggee dad kaasi aadi doonaan, muddo intee la eg buuse qaadan doonaa dagaalku? Su’aalahaasi waa kuwo ku wareegaya maskaxda dadka degan iyo kuwa ku soo qaxay Rafax.