Weligaa cunto ma cuntay, xitaa adiga oo dheregsan, adiga oo iska cun ay kaa tahay? Haddii ay sidaa tahay, waxaa laga yaabaa inaad qabto xaaladda ay khubarradu ugu yeereen “wax u cunidda adiga oo qanaaco raadinaya.”
Saynisyahannada ayaa sharraxaya in dabeecaddan wax cunid aysan baahi keenin, balse ay keento dareenka ah inaad wax u cunto adiga oo raaxo ka raadinaya. Dabeecaddan wax cunid waxay ka timid erayga Giriigga ee “hedone,” oo loola jeedo “raaxo”.
Inkasta oo heer qanaaco ay ku lug leedahay wax cunidda. Dabeecadaha wax cunidda ayaa aalaaba lala xiriiriyaa bulshooyinka ku nool halka cunnada sida fudud looga helo.
Jirkeenna ayaa cunnada u isticmaala tamar ahaan, oo ah kaloriga aan ka helno cunnada iyo cabitaanka. Markii aan gubno kalori ka badan intii aan qaadannay, jirkeenna ayaa kaga falcelinaya kordhinta baahida.
Caloosheenna ayaa leh hannaan hoormoon oo oo maskaxda u sheegaya inay calooshu maran tahay. Tan waxaa loo yaqaannaa “baahida jireed.”
Balse waxaan ka hadleynaa dhaqanka wax cunidda markii aynaan caadi ahaan gaajo dareemeyn, balse ay nagu riixdo damaca ah inaan cunno u cunno annaga oo raaxo iyo qanaaco ka raadineysa.
James Stubbs, oo bare sare oo cunnada ka ah Jaamacadda Leeds, England ayaa yiri, “dadka qaar, cunnada waxay u tahay raaxi. Dabeecadaheenna wax cunid ayaa lala xiriiriyaa waxyaabo badan, oo ay ku jiraan dareemaha, annaga oo ka fogaaneyna isku buuq iyo diiqad. Dabeecaddaasna waxay kala saareysaa farqiga u dhaxeeya gaajada dhabta ah iyo tan raaxada laga raadiyo.”
“Waxaan caadiyan cunnada ay ku badan tahay dufanta, cusbada iyo sokorta u aragnaa kuwo soo jiidasho leh sababtoo ah waaa ilaha tamarta,” ayay tiri Dr Bethan Mead, oo ah bare sare iyo baarana ka ah Jaamacadda Liverpool.
Khatar dhanka cayilka ah
Cayilka ka dhasha cunidda cunnada ay ku badan yihiin dufanta, cusbada iyo skorta ayaa sidoo kale loo arkaa inay ka dhalato dabeecadda wax cunidda badan.
“Waxaa haatan nagu hareereysan cunno badan oo macaan ayna fududdahay in la helo diyaarna u ah cunid,” ayuu yiri bare sare Stubbs.
“Cunnooyinkan ayaa bulshadeenna haatan ku keena miisaan iyo cayil. La yaab malaha in siddeeddii qofba mid uu cayilan yahay.”
Daraasad bishii January 2024 lagu daabacay Joornaalka Nafaqada Bani’aadamka iyo Sokorta oo falanqeeyay xiriirka ka dhaxeeya baahida wax cunid iyo cayilka.
Maxaad sameyneysaa?
Maxaad sameyneysaa si aad uga fogaato wax cunid xad-dhaaf ah? “Baaritaan la sameeyay ayaa inoo sheegaya in gaajada ay yaraan karto marka miisaan la iska ridayo,” ayay tiri Dr. Mead.
‘Inaad miisaan iska riddo adoo la imaanaya dabeecado cusub oo wax cunid iyo raadicca hab-nololeed cusub oo caafimaad leh ma ahan wax fudud. Balse waa suurtogal,” ayuu yiri bare sare Stubbs.
Tusaale, haddii aad dooneyso inaad shaqooyinkaaga maalmaha kordhiso, ka feker kuwa farxadda badan aad ka heleyso. Ma jiimka ayaad aadeysaa? Ma saaxiibbadaa ayaad la lugeyneysaa?
“Waxa muhiimka ah ayaa ah inaad isku daydo fahamka waxyaabaha farxadda ku siinaya noloshaada iskuna day inaad dabeecadahaaga cusub waafajiso waxyaabaha farxadda ku siinaya.
Inaad si taxadar leh wax u cunto ayaa ah hab loga hortagi karo wax cunidda xad-dhaafka ah.
“Ma dooneyno inaan dadka ka joojinno cunidda cunnada ay jecel yihiin,” ayuu yiri bare sare Stubbs, “waxaan dooneynaa inaan u jiheyno wax cunid caafimaad iyo farxad leh.”
Waa suurtogal inaad xiriir caafimaad leh la yeelato cunnada, adiga oo aan lumineyn raaxada laga helo cunnada qaniga ah.
“Haddii aad 80% cunto cunno kalorigu ku yar yahay, nafaqadu ku yar tahay, waxaad heysataa 20% aad ku raaxeysato waxyaabaha aad jeceshahay si aad farxad uga hesho,” ayuu yiri bare sare Stubbs.