Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanta iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ka hadlay Dibadbax lagu taageerayay dhammaystirka Dastuurka ayaa weerar afka ah ku qaaday qaar kamid ah shakhsiyaadka diidan howsha dastuurka ka socota.
Nasiib darro ayuu ku tilmaamay in Dad halis geliyay Dalka isla markaana sabab u noqday in Madaxtooyada dhexdeeda xabbad ka dhacdo ay maanta ku doodaan in khatar la gelinayo qaranka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Al-Cadaala.
Shacabka ayuu ugu baaqay in ay ka feejignaadaan dadka uu ku sifeeyay in ay lugaha uga dhegayaan Qaranka Soomaaliyeed maadaama ay diidan yihiin dhammaystirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka sida uu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala.
“330 Xildhibaan & Senatar oo Deegaan iyo qabiil weliba oo Soomaaliyeed oo metalaya ayaa halkaas fadhiya oo iyaga ayaa xaq u leh in ay go’aan ka gaaraan masiirka Ummadda Soomaaliyeed, Kuwii iyaga oo xukunka haya Madaxtooyada dhexdeeda xabbadaha ka riday waaye kuwa maanta leh qaranka ayaa khatar la gelinayaa” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Al-Cadaala.
Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay doodda la xiriirta cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka waxaana diidmo kala hortagay Siyaasiyiin sheegay in aanay la joogin waqtigii la guda-gali lahaa howshaan.