Jowhar, 28-May-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa markii uu arkay qoddobada 56-aad iyo 57-aad iyo howlaha ku hor-gudban waxa uu xayiraada shaqo ka qaaday Wasiirrada Wasaaraddaha Haweenka iyo Ganacsiga oo ay kala hoggaaminayeen Mudane Sakariye Khaalid Cabdi iyo Marwa Raxma Maxamed Gulle.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilaabadani kala tashaday Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) kaas oo horay shaqo-joojin ugu sameeyay 4-xubnood oo ka mid ah Gollaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle kuwaas oo 2-dii ugu dambeysay ay maanta shaqaddooda dib ugu laabanayaan.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Wasiirrada Wasaaraddaha Haweenka iyo Ganacsiga inay si hufan u gutaan shaqooyinkooda.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur
[email protected]