Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa digniin u diray Ganacsatada diidan in koontooyinka Canshuurta uruuriyo ay ku ganacsadaan si Dowladdu ay uga hesho Canshuurtaas ay horay usoo rogtay.
Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in ay jiraan Ganacsato qaarkood Dadka ka qaaday Canshuurta balse aanay ku muujin iibkooda isla markaana koontada ka weeciyay si aanay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya uga jaran Canshuurtaas loosoo gaabiyo FAT.
Ganacsiyo uusan tilmaamin ayuu sheegay in lagu raad-joogo kuwaas oo sharci jebin ku sameeyay amarka kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo sharciga lala tiigsanayo sida uu hadalka u dhigay.
“Qof kasta ama ganacsi kasta ee ka leexda isticmaalka koontooyinka canshuur aruurinta taallaabo sharci ah ayaan ka qaadi doonnaa, waqtigii la rabay in Dadka lagu baro waala soo gudbay, hadda kaddib wa bareer oo waa lala xisaabtamaa, Ganacsiyada qaar dadka way ka qaadaan kumana shubaan koontooyinka canshuurta.” Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige.
Canshuurta lagu darayo Ganacsiga ayay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dhowaan kusoo rogtay Koontooyinka Ganacsiga si qofka wax iibsanaya looga qaado 5% oo ka dhigan in marka uu qofka wax ku iibsado $100 Dowladdu ay ka qaadeyso $5 doollar.