Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa si adag uga jawaabay eeddii uu Fahad Yaasiin u jeediyey Madaxweynaha

    Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa si adag uga jawaabay eeddii uu Fahad Yaasiin u jeediyey Madaxweynaha

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 30, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Fahad iyo Geelle: Jawaabta Jabuuti ee qoraalkii Fahad Yaasiin

    Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa si adag uga jawaabay eeddii uu Fahad Yaasiin u jeediyey Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. “Madaxweyne Geelle xanuun maskaxiyan ah ayuu ku riday Fahad iyo kooxdii guuldarreysatay. Taas waxa ay ka dhigan tahay fursad kasta oo ay helaan waxa ay ku muunad xumeynayaan Madaxweyne Geelle,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter.

    “Haddii ay Ri ku dhimato gobolka Gedo, waxaa dilay Madaxweyne Geelle. Haddi ay duq gabowday ku turun turooto Muuqdisho, Madaxweyne Geelle ayaa ka dambeeya.”

    “Taariikhda Ismaaciil Cumar, xumaanta iyo cayda Fahad waxba ka beddeli meyso. Soomaali dhammaanteed ayaa marag ka ah. War ileen cimrigaaga oo dheeraada, geel dhalaya ayuu ku tusaa.”

    “Raali ahaada kuwa nacaybka qabow, cuna kaniin madax xanuun,” ayuu yiri wasiir Ilyaas Dawaleh oo bartiisa X oo horay loo oran jiray Twitter ku soo qoray qoraalkan oo uu ugu jawaabayay Fahad Yaasiin.

    Hadalka wasiirka ayaa imanaya iyadoo taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Amniga Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daaji Daahir oo qoraal dheer la wadaagay bulshada ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha Jabuuri, Ismaaciil Cumar Geelle, cadaw soo jireen ah oo ay ummadda Soomaaliyeed leedahay, balse gacal isaga dhiga.

    “Mar walba istiraatiijiyadda Madaxweynaha Jabuuti waxay ku salaysan tahay balaayo waa la iska moosaa, wuxuuna awood walba galiyaa sida Soomaaliya ay qalalaase joogta ah ula noolaan karto oo dib loogu dhigi karo dhismaha dowlad ka caga dhigata Soomaaliya,” ayuu Fahad ku yiri qoraalka.

    Fahad ayaa qoraalka sidoo kale kaga hadlay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee badda.

    Waxa uu sheegay in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu wax badan ka ogaa heshiiska badda ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen 1-dii bishaan, sidoo kale Fahad ayaa Madaxweyne Ismaaciil ku tilmaamay nin jecel jabka Soomaaliya.

    “Markii uu Abiy Axmed bilaabay inuu ka hadlo sidee Itoobiya ku gaari kartaa badda, waxaa u caddaatay Ismaaciil Cumar Geelle inuu daad culus ku soo wajahan yahay, wuxuuna dajistay qorshe sirdoon iyo mid diblomaasi oo uu isaga leexin karo mawjaddan ku soo jeedda Jabuuti, wuxuuna qaaday tallaabooyin wax tar u leh dalkiisa.”

    “Koow: Wuxuu Itoobiya kala hadlay inuu ku qanciyo Soomaaliya ayaan idin la qalqaalinayaa inaad wada gashaan heshiis wax kala badalasho ku dhisan oo ah in Itoobiya ay hesho bad, waxna loogu baddalo Soomaaliya. Qorshahaas, wuxuu kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo tallaabadaas aanan diidmo ka muujinin, haddana ka cabsaday inuu horay ugu sii socda. Dabeecadda Abiy oo boobsiiska jecel iyo dhaqanka Xasan oo daahista u sifaysan baa dib u dhigay hirgalinta heshiis dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya.”

    Marka laga soo tago arrimaha badda Fahad ayaa qoraalka cinwaan uga dhigay “Ciil Walaal:
    Qoraalka sawirka,Marka laga soo tago arrimaha badda Fahad ayaa qoraalka cinwaan uga dhigay “Ciil Walaal:

    “Dhanka kale, Ismaaciil Cumar wuxuu kula heshiiyey Itoobiyaanka inuu Xasan ku qancinayo inuu u fasaxo in Somaliland iyo Itoobiya ay galaan heshiis ay ku helayso bad iyo dekado, qofka u saxiixayana uu noqdo Muuse Biixi, ayaga oo haysta ogolaashaha Villa Soomaaliya. Sida caadada ah, mar walba Ismaaciil iyo Muuse waa isla socdaan, cidda siran waa Muqdisho.”

    “Geelle, saddex qolaba halmar buu gool ka wada dhaliyey. Itoobiya mashruucii bad raadinta wuu ka dhiciseeyey. Muuse Biixi, ceeb iyo fadeexad buu dhex fariisiyay, Soomaaliyana buuq iyo qalalaase muddo soconaya buu ku abuuray. Tan ugu muhiimsan waa in uu iska dadbay damacii Itoobiya oo uu Jabuuti ka leexiyey mawjaddii bad raadinta ahayd,” ayuu sidoo kale qoraalka ku yiri.

    Marka laga soo tago arrimaha badda Fahad ayaa qoraalka cinwaan uga dhigay “Ciil Walaal: Ismaaciil Cumar Geelle,” isagoona yiri: “Madaxweynaha Jabuuti, haddii Soomalida qaarkeed u taqaanno (Hiil walaal), waxaan anigu u aqaanaa (Ciil walaal)”.

    Hadalka Fahad ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay falcelino kala duwan oo dhanka baraha bulshada ah.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.