Close Menu
    What's Hot

    DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

    March 30, 2026

    Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

    March 30, 2026

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

    March 30, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

      March 30, 2026

      Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

      March 30, 2026

      Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

      March 30, 2026

      DEG-DEG: Hoggaanka Koonfur Galbeed Oo Go’aan Ka Gaaray Xiisadda — Is-afgarad Lagu Dhammeynayo Khilaafka

      March 30, 2026

      Madaxweynaha Jabuuti oo Daah-furay Mashruuca “Salaam City” oo ku kacaya $480 Milyan

      March 24, 2026

      Trump oo hakiyay duqeymaha Iran 5 maalmood, wada-hadallo xasaasi ah oo furmay

      March 24, 2026

      Diyaarad ku burburtay xadka Peru.

      March 24, 2026

      Midowga Yurub oo war ka soo saartay Xiisadda Koofur Galbeed.

      March 24, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

      March 30, 2026

      Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

      March 30, 2026

      Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

      March 30, 2026

      DEG-DEG: Hoggaanka Koonfur Galbeed Oo Go’aan Ka Gaaray Xiisadda — Is-afgarad Lagu Dhammeynayo Khilaafka

      March 30, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa si adag uga jawaabay eeddii uu Fahad Yaasiin u jeediyey Madaxweynaha

    Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa si adag uga jawaabay eeddii uu Fahad Yaasiin u jeediyey Madaxweynaha

    By radiohalgan.comJanuary 30, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Fahad iyo Geelle: Jawaabta Jabuuti ee qoraalkii Fahad Yaasiin

    Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa si adag uga jawaabay eeddii uu Fahad Yaasiin u jeediyey Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. “Madaxweyne Geelle xanuun maskaxiyan ah ayuu ku riday Fahad iyo kooxdii guuldarreysatay. Taas waxa ay ka dhigan tahay fursad kasta oo ay helaan waxa ay ku muunad xumeynayaan Madaxweyne Geelle,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter.

    “Haddii ay Ri ku dhimato gobolka Gedo, waxaa dilay Madaxweyne Geelle. Haddi ay duq gabowday ku turun turooto Muuqdisho, Madaxweyne Geelle ayaa ka dambeeya.”

    “Taariikhda Ismaaciil Cumar, xumaanta iyo cayda Fahad waxba ka beddeli meyso. Soomaali dhammaanteed ayaa marag ka ah. War ileen cimrigaaga oo dheeraada, geel dhalaya ayuu ku tusaa.”

    “Raali ahaada kuwa nacaybka qabow, cuna kaniin madax xanuun,” ayuu yiri wasiir Ilyaas Dawaleh oo bartiisa X oo horay loo oran jiray Twitter ku soo qoray qoraalkan oo uu ugu jawaabayay Fahad Yaasiin.

    Hadalka wasiirka ayaa imanaya iyadoo taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Amniga Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daaji Daahir oo qoraal dheer la wadaagay bulshada ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha Jabuuri, Ismaaciil Cumar Geelle, cadaw soo jireen ah oo ay ummadda Soomaaliyeed leedahay, balse gacal isaga dhiga.

    “Mar walba istiraatiijiyadda Madaxweynaha Jabuuti waxay ku salaysan tahay balaayo waa la iska moosaa, wuxuuna awood walba galiyaa sida Soomaaliya ay qalalaase joogta ah ula noolaan karto oo dib loogu dhigi karo dhismaha dowlad ka caga dhigata Soomaaliya,” ayuu Fahad ku yiri qoraalka.

    Fahad ayaa qoraalka sidoo kale kaga hadlay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee badda.

    Waxa uu sheegay in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu wax badan ka ogaa heshiiska badda ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen 1-dii bishaan, sidoo kale Fahad ayaa Madaxweyne Ismaaciil ku tilmaamay nin jecel jabka Soomaaliya.

    “Markii uu Abiy Axmed bilaabay inuu ka hadlo sidee Itoobiya ku gaari kartaa badda, waxaa u caddaatay Ismaaciil Cumar Geelle inuu daad culus ku soo wajahan yahay, wuxuuna dajistay qorshe sirdoon iyo mid diblomaasi oo uu isaga leexin karo mawjaddan ku soo jeedda Jabuuti, wuxuuna qaaday tallaabooyin wax tar u leh dalkiisa.”

    “Koow: Wuxuu Itoobiya kala hadlay inuu ku qanciyo Soomaaliya ayaan idin la qalqaalinayaa inaad wada gashaan heshiis wax kala badalasho ku dhisan oo ah in Itoobiya ay hesho bad, waxna loogu baddalo Soomaaliya. Qorshahaas, wuxuu kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo tallaabadaas aanan diidmo ka muujinin, haddana ka cabsaday inuu horay ugu sii socda. Dabeecadda Abiy oo boobsiiska jecel iyo dhaqanka Xasan oo daahista u sifaysan baa dib u dhigay hirgalinta heshiis dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya.”

    Marka laga soo tago arrimaha badda Fahad ayaa qoraalka cinwaan uga dhigay “Ciil Walaal:
    Qoraalka sawirka,Marka laga soo tago arrimaha badda Fahad ayaa qoraalka cinwaan uga dhigay “Ciil Walaal:

    “Dhanka kale, Ismaaciil Cumar wuxuu kula heshiiyey Itoobiyaanka inuu Xasan ku qancinayo inuu u fasaxo in Somaliland iyo Itoobiya ay galaan heshiis ay ku helayso bad iyo dekado, qofka u saxiixayana uu noqdo Muuse Biixi, ayaga oo haysta ogolaashaha Villa Soomaaliya. Sida caadada ah, mar walba Ismaaciil iyo Muuse waa isla socdaan, cidda siran waa Muqdisho.”

    “Geelle, saddex qolaba halmar buu gool ka wada dhaliyey. Itoobiya mashruucii bad raadinta wuu ka dhiciseeyey. Muuse Biixi, ceeb iyo fadeexad buu dhex fariisiyay, Soomaaliyana buuq iyo qalalaase muddo soconaya buu ku abuuray. Tan ugu muhiimsan waa in uu iska dadbay damacii Itoobiya oo uu Jabuuti ka leexiyey mawjaddii bad raadinta ahayd,” ayuu sidoo kale qoraalka ku yiri.

    Marka laga soo tago arrimaha badda Fahad ayaa qoraalka cinwaan uga dhigay “Ciil Walaal: Ismaaciil Cumar Geelle,” isagoona yiri: “Madaxweynaha Jabuuti, haddii Soomalida qaarkeed u taqaanno (Hiil walaal), waxaan anigu u aqaanaa (Ciil walaal)”.

    Hadalka Fahad ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay falcelino kala duwan oo dhanka baraha bulshada ah.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

    March 30, 2026

    Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

    March 30, 2026

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

    March 30, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG-DEG: Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inuu is-casilay.

    March 30, 2026

    Wasiir ku xigeenadii lafta gareen dartiis isku casilay oo boosaskey baneeyeen lamagaaacabay.

    March 30, 2026

    Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya

    March 30, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.