Wasiirka Maaliyada Hirshabelle Mudane Cabdirahiin Ciise Cadow oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Maxamuud Maxamed Nuur ayaa maanta si weyn loogu so dhaweeyey Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe
Shacabka Degmada oo isugu jiray Odoyaasha dhaqanka,Haweenka,Dhalinyarada,Barbaarta gaashaaman iyo Maamulka Degmada oo isugu so baxay wadooyinka Magaalada ayaa so dhaweeyey Wasiirka iyo Gudoomiyaha
So dhaweyn kadib Mas’uuliyiinta ayaa shacabka Ceelbaraf uga mahadceliyey so dhaweynta ay u sameeyen iyagoo xusay in Ceelbaraf tahay Magaalo dhibaatooyin badan kala kulantay aragagixisada balse shacabka iyo Dowlada ay si wadajir ugu Guuleysteen in laga xureeyo hada u Diyaarsan nidaamka Dowladnimada iyo in ay la tartanto Degmooyinka kale ee Asaageeda ah.