Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu xarrig jarayay dhismaha cusub ee xarunta Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa ka faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee socda.
Wasiir Cabdulqaadir ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaariyay guluf ka dhan ah ‘AS’ si ay uga qabsato deegaannada ay gacanta ku hayaan, waxa uu digniin u diray dadka rayidka ah ee jooga deegaannadaas si ay uga fogaadaan waxyeellada kasoo gaari karta duullaanka Ciidamada ay qaadayaan.
Mar uu ka warceliyay Dadka inta badan ka hadla waxyeellada kasoo gaartay duqeymaha lagu beegsanayo deegaannada ay gacanta ku hayaan ‘AS’ waxa uu usoo jeediyay in ay ka guuraan ama ka fogaadaan meelaha bartilmaameedka u ah Dowladda sida uu hadalka u dhigay.
“Shacabka Soomaaliyeed waxa aan u dirayaa fariin, waxa aad ogtihiin dagaal in lagu jiro, Shabaab iyo innaga waxa aan xabbad ahayn in aysan naga dhaxeyn, Waxa aad ogtihiin in uu Madaxweynaha ku baaqay dagaal cir & dhul ah laga weerari doonno, haddana waxaa la arkay dad Shacab ah oo leh Shabaab wixii lagu duqeeyay ayaa wax naga soo gaaray baa la arkay” Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.
Waa uu sii hadlay Wasiirka Gaashaandhigga XFS waxaana uu yiri “War Shabaab meel uu joogo & meel uu ka dhow yahay ka fogaada, Waqti dhow wax weyn oo aadayn filanayn ayaa ku dhici doonna AS ee Shacabkow ka fogaada, war cirka ayaa lagaa duqeynaa, ma qarsaneyno waxa aan soo rideyno oo dhulka ayaa laga weeraraa, waxa aad aragtaan ee hub ah iyaga iyo cadawga dibadda ayaan u diyaarsanay”.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhowaan sheegay in la diyaariyay ciidamo katirsan Dowladda kuwaas oo loo qorsheeyay in ay duullaan ku qabsadaan deegaannada ay ‘AS’ gacanta ku hayaan.