Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axme Macalin Fiqi oo safar ku jooga dalka Ciraaq ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalkaasi, Thaabit Al-Cabaasi.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka milatariga iyo wada-shaqeynta istaraatijiyadeed.
Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka Difaaca, si la isku dhaafsado khibradaha la dagaalanka Ururada AS iyo Daacish.
Wasiirka Difaaca Ciraaq ayaa ballanqaaday in ay khibradooda Militeriga la wadaagi doonaan Ciidanka Soomaalida, iyaga oo dareensan in labada dal ay isku xaalad iyo dagaal Sokeeye soo wada mareen.
Dhankiisa, Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Ciraaq martigelinta iyo soo dhaweynta heerka sare ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay danaynayso dhisidda iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah oo u dhexeeya labada wadan.
Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa daneynaya in ay sare u qaadaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo tababarka Ciidanka milatariga.