Wasiirka Beeraha & Waraabka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa faah-faahin ka bixiyay safarka Wasiirrada labada heer ee Wasaaraddaas ay ku tagayaan Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedka Socdaalkooda kusoo koobay mid ay ugu kuurgalayaan tacbashada Beeraha ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.
“Socdaalkan aan Galmudug ku tegayno waa mid aanu ugu kuur gelayno xoojinta tacbashada beeraha Dalka, Galmudug Ayaan ka billownay qorshaha Istaraatiijiyadda ee Wasaaradaha labada Heer, Dalka meel weliba Beero ayaa lagu beeray, Galmudug Beeraley ayay noqotay” Ayuu yiri Wasiirka Beeraha & Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Wasaaradaha Beeraha & Waraabka Xukuumadda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa u socday kulamo kala duwan waxa ay ku ballameen in xarumaha Maamul-Goboleedyada.