Wasiirka Beeraha iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka Hirshabeelle oo daah-furay shir labo maalmood ah oo ku saabsan hirgelinta Mashruuca UGBAAD.
𝐉𝐨𝐰𝐡𝐚𝐫, 𝐈𝐬𝐧𝐢𝐢𝐧, 𝟎𝟗 𝐅𝐞𝐛𝐫𝐚𝐚𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Maxamed Sheekh Maxamuud, iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cali Caddow Jibriil, ayaa maanta ka qeyb-galay shir labo maalmood ah oo lagu falanqeynayo hirgelinta Mashruuca UGBAAD ee beeraha u adkeysanaya isbeddelka cimilada.
Shirkan oo ay sidoo kale ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha beeraha iyo deegaanka, Madaxa Mashruuca UGBAAD Salem Ullah oo ah wakiilka FAO, ayaa diiradda lagu saarayaa ujeeddooyinka mashruuca, qaabka hirgelintiisa, iyo sida ay bulshada deegaanka uga faa’iideysan karto.
Mashruuca UGBAAD oo si gaar ah looga fulin doono degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa muhiim u ah horumarinta beeraha, la qabsiga isbeddelka cimilada, iyo xoojinta nolol-maalmeedka beeraleyda.

