BAAQ NABADEED
Anigoo ka duulaya muhiimadda ay nabaddu u leedahay bulshada, waxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee saaka ay shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Miirdacay, ee degmada Matabaan.
Waxaan si naxariis leh uga codsanayaa odayaasha dhaqanka, culimada, dhalinyarada, iyo waxgaradka labada beelood in ay u istaagaan xasilinta xaaladda, nabadna ka shaqeeyaan. Waa in si degan oo xilkasnimo leh laysku xakameeyaa, waayo dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho.
Waxaan Alle uga baryayaa intii dhimatay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, inta dhaawacantayna Bogsiiyo oo caafimaad buuxana siiyo.