Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan looga hadlay xal u helista Dagaal-beeleedyada dhowaan ka dhacay Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Wasiir Cali Xoosh ayaa soo jeediyay in la raadiyo dhabbaha ugu habboon ee lagu soo afjari karo dagaal-beeleedyada sababay dhimashada, dhaawaca iyo xiisadda colaadeed isla markaana Wasaaradda Arrimaha gudaha doorkeeda ka qaadanayso.
Waaxda Dib u heshiisiinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayuu kala hadlay habka ugu fudud ee loo kala dhexgeliyo Maleeshiyaadka Beelaha Walaalaha ah ee dagaalamaya.
Dagaal-beeleedkii horraantii todobaadkaan ka dhacay Deegaanno u dhaxeeya Caabudwaaq & Xeraale waxaa ka dhashay dhimashada in ka badan 30 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan waxaana maleeshiyaadka hubaysan loo diray baaqyo nabadeed.
La soco wixii kasoo kordha