Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dhacdadii foosha xumeyed ee dhowaan ka dhacday deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii lagu dilay 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka, sababo la xiriira aano qabiil darteed.
Wasaaradda arrimaha gudaha HirShabelle oo wargeegto soo saartay ayaa shaqada ka fariisisay guddoomiyihii Ceel Baraf, Yuusuf Xasan Xuurshow oo loo haysto falkaasi.
Wasiirka arrimaha gudaha gudaha HirShabelle Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa sheegay in guddoomiyaha laga shakiyay, isla markaana ay ku socoto baaris la xiriirta dhacdadaasi.
“Qofka hadii laga shakiyo shaqada dowladda masii wadi karo, guddoomiyaha Ceel Baraf dilkii Askarta ayaa looga shakiyey, ilaa baaris amni uu ka maraayana shaqada waa laga joojiyey” ayuu yiri Wasiir Cabdi Daahir Guure (Karoore).
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in guddoomiyaha xabsiga la dhigay, kadib markii ay soo qabteen ciidamo ka tirsan kuwa HirShabelle oo baaris ku haya sida ay wax u dhaceen.
Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.
Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.