Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub ee Dalka Aljeeriya
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Aljeers, caasimadda dalka Aljeeriya.
Munaasabadda furitaanka, oo ka dhacday dhismaha cusub ee safaaradda, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, ahna u qaabilsanaha Arrimaha Afrika, Marwo Salma Bakhta Mansouri, iyo diblomaasiyiin caalami ah oo uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan “Jeego”.
Furitaanka safaaradda cusub ayaa qeyb ka ah socdaalka rasmiga ah ee Wasiir Cabdisalaam uu ku joogay Aljeeriya intii u dhaxeysay 9–11 Agoosto 2025, taas oo muujinaysa sida labada dal ay ugu heelan yihiin xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.